Monday, August 25, 2014

Ouch- War ileen hadal "o" ma yiraahdo. Fu'aadow ninkii qoriga ridayay Buur Caano yaa gaadhiga maanta kugu waday!


Ka waran, halkana ka dhegayso waxaad gasho & waxaad guddo Awr yahow rarani!

Gu’dhawayd gumaadkii ka dhacay gagida Buur Caano
Higladii gunteedii iyo ragii geedkii lagu laayay
Gaadmada ragii lagu jaree gudurka loo loogay
Ayagoo hubkii laga guroo gacanta laad laadin
Shilke gaaxsaanaa iyo baroon suugna garab yaalo
Geesaha intii lagala maray laguna soo goobtay
Kuwii lagu garaacee rasaas gowda laga saaray*****
Midkii yara gucleeyee inuu goosan karo mooday
Goofanaha iyo ragay marinayeen gaadhiyadu shaaga
Garnaylbaa u dhaamay iyo in ay gumac ku toogtaane
Gabanada intii loogu xidhay geed adayg badan leh
Gowraca ragii lagu dhuftee waranku goo gooyay
Guska taag raqday ula baxdeen nimankii guulaystay
Garaadadii banaankii la wadhay geeri fool xumaa leeh

No comments:

Post a Comment