Friday, February 8, 2013

SNM horta beenta kama xishoodaan miyaa?

Waan ogaa oo iyagu beenta ay isu sheegaan ceeb uma yaqaaniin, laakiin horta beenta ay dadka kale iyo aduun weynaha u sheegaan kama xishoodaan miyaa? Been aan raad lahayn oo minute google ah xalin karo maxay dadka ugu maaweeliyaan?

Warbaahinta SNM waxay beryahan ku muxaadaraynayeen in dhiigyocan Siilaanyo Nairobi kula kulmay safiirka Marykan u fadhiya wadanka keenya. Maxaa beenta ku xaqsaday?
Siilaanyo lama kulmin safiirka Maraykan ee Kenya ee wuxuu la kulmay ergayga (not Safiir) u qaabilsan Marykanka Soomaaliya. Ninka ay la kulmeen oo la yiraahdo Amb. James Swan wuxuu yahay ergayga Maraykanka Soomaaliya u qaabilsan. Weli Ambassador lagama dhigin. Soomaali (SNM land included) ayuu Maraykanka masuul uga yahay. Markaa maxaa ku jaban haduu la kulmo? SNM land horay buu u tagay, PL wuu tegay Muqdisho multiple times buu tegay.

Halkan ka akhri cinwaankiisa iyo magacaabistiisa.

Biography

James C. Swan
Special Representative
Somalia
Term of Appointment: 08/29/2011 to present 

Halkan waxaad ku arki kartaan isagoo la sawiran Speaker in Mogadishu. Sawiradda midigta midka 4aad weeye. 
Mogadishu visit with the speaker 


Halkan ka daawo isagoo laga waraysanayo TV MN USA ku yaal oo Soomaalidu leedahay!


Safiirka Maraykanka Keenya u fadhiya magaciisu waxaa weeye Robert F. Godec halkan ka eeg magaciisa Safiirka Maraykanka oo loo magacaabay January.

Halkan ka eeg safiirka Maraykanka ee Kenya

Hadaba iyadoo taasi jirto ayaa shabakadaha SNM waxay ka baqayaan inay dadkoodii u sheegaaan in dhiigyacab Siilaanyo la kulmay Special Envoy to Somalia markaas bay waxay yiraahdeen wuxuu la kulmay safiirka Maraykanka ee Kenya. Bal akhri beentooda

Qaarkood beenta cad bay sheegeen oo inta soo sawireen Mr. Swan bay ku sheegeen Mr. Godec bal tan akhri

Beenu raad ma leh. SNM beentu ceeb lama aha miyaa?

Tuesday, February 5, 2013

Faroole iyo SNM u dhukiskiisa ma is waydiiseen?




Faroole maxaad u qaadateen u dhukuskiisa SNM land?

Faroole wuxuu u dam iyo dig leeyahay anaa idiin sheegaya.

1) Wuxuu ogaaday in mashruucii SNM indho beelay oo hadda uu kuudud-san yahay.
2) Wuxuu arkay in Soomaaliya dowlad ka dhalatay. Dowladaas oo Hawiye bur tuur u yahay. Xitaa ninka Hawiye ugu mu'minsan, ugu daacadsan, ugu cadaalisan ugu wadanisan hadduu soo baxo reer Puntland waxay rabaan inay boqno gooyaan. (Intaa ilaa iyo hadda midna Culusow kuma tilmaamayo. I tus oo i taabsii weeye xaalku. Dabcan sidoo kale haddii nin intaas oo calaamadood oo Daarood ah or malah majeerteen ahi soo baxo qolyo Hawiye oo xaaraamaynay la waayi maayo. Taasi waa dhaqan laga yaqaan koonfur. I waydiia anigaa ka imid'e. Isu samirku waa ku yar yahay.
3) Maadaama dowladda Hawiye & Mareexaan joogaan wuxuu rabaa inuu ama kuududiyo ama qarqarsiyo hadba kii u fududaata.
4) Khaatumo wuxuu u arkaa kuwii fikirkiisaa guracan xanibi lahaa.
5) Khaatumo oo madax banaan oo dhulkeeda iyo aayaheeda ka talisa Faroole SNM ha hoos joogto ayaa kala haboon.
6) Maadaama SNM indho beeshay wuxuu ka baqayaa in SNM & rag Khaatumo ka mid ah (Galayr) ay mabda' la soo baxaan la yiraahdo "Reer Waqooyi" vs. Reer Koonfur. Taasi waa dhabar jabka Faroole iyo fikirkiisa. (Waa arin aan 100% ka soo hor jeedno qolyahayga reer Khaatumo ee reer Jubbaland.)
7) Faroole PL ha rogmato ayuu ka door bidayaa in fikir Cali Galayr lug ku leeyahay jaan qaado.

8)Wax kasta oo awoodiisa ah Faroole wuxuu rabaa inuu ka hor tago "Waqooyi alliance" SNM oo la aqoonsado oo Khaatumo kaxaysato ayaa u dhaanta "Reer Waqooye vs Reer Koonfur" formula. Maadaama taasi dhacaynin wuxuu rabaa inuu ka hortago SNM & Khaatumo wadahadal ay leeyihiin. Anaa qayb u taliya qaybna idinku u taliya baa dhaanta sida Khaatumo rabto weeye hadafkiisu.


Taas weeye waxaa fiinta ka ciyisiiyay. Waa feker guracan. Reer Khaatumo weligood ma harqodaal rag kale bay hoos fadhiyayaan mise waxay leeyihiin bay raadsanayaan? Yaa idiiin diiday inaad idinku majarihiina qabsataan?

Monday, February 4, 2013

SNM & PL Gafane ku naaxay xoolo xaaraan ah




Ma is waydiiseen reer SNM waxa cabaadka ka yeersiiyay?

Aabe Engriis waa ka tegay oo nin cad oo wadooyinka loo rukuuca Hargeisa lagu arki maayo.
Maraykan waa ka digay oo wuu u sheegay inay ka soo tagaan Hargiesa dadkiisii raaxaysiga u aaday!
Faroole Land iyana waa sidoo kale. Waa la qabaan.

23 sanno ayay labadan maamul ahaayeen Gafane jaqaya dhiiga reer Khaatumo.
23 sanno ayay baryo kula dhex jireen caalamka. Waxii lagu soo qaato degaanka Khaatumo ma soo dhaafi jirin Hargeisa & Garoowe.
Qofkii iyo hayaddii is tiraahda Khaatumo aadna waxaa lagu cabsiin jiray " Xarun argagixiso" weeye!
23 sanno ayaan ku noolayn Alle ku tiirsananaan iyo kartideena inagoo Hay'ad iyo UN toona u rukuucin. 2 casho oo Ingriis Hargiesa looga digay waxaa xigi doonta is daldalaad. Adigu u fiirso hadaad maqli waydo qaar baa is dilay Soomaali ma aqaan!