Monday, June 30, 2014

Qormo Arimaha Shidaalka :- Damaca Jabhadaha (SNM & Puntland) Iyo Damanaanta Dhulbahante‏

holhol2
Waa run intii hada la xusuusto in dooxada Nugaaleed ay amuuro badan tahay , oo marba wax lagu hadal hayo ,Mar waxaa lagu hadalhayn jiray meeel ay degaan dad fardooley ah oo loolan iyo dagaal derisyadooda ugu taagmaan .Mar waxaa lagu tilmaami jiray meel ay degan tahay xer quraan ilaahay taqaan oo cilmiga ku ruuga oo ay degan yihiin dad culimada ixtiraamaa .Arintaasi waxay keentay in ay soo jiidato culimo aad cidahoodu Nugaal degi jirin sida Sheekh Cali Majeerteen iyo Cabdule Hassan iwm .
 Si kastaba ha ahaatee waxyaabaha dadka reer Nugaaleedku ogaayeen mudo dheer oo ku siman ilaa1954 waxaa ka mid ahaa, waxyaalaha loo yaqaan shirkadaha shidaalka dagaalkii labaad kadib . Shirkadaha dhulka baadhay ee dadku yaqaaneen waxaa ka mid ahayd Sinclur,Aramco ,Roche iwm .
 Waxayaalaha aan ilaa hada la ogayn waxaa kamid ah in dowlada Ingiriisku sababtay dhulka lagu baabiyey kharash dhaqaale ahaan, dhimasho nafeed ahaan dagaalka uga dayn wayday in ay ahayd garashada ay dhulka dabeecadiisa ulahayd . Waxaan shaki ku jirin waagii la weeerarayey qalcada wadaadka in ingiriisku ka hor ka baadhay shidaal oo ka soo saareen Baxrayn iyo Iiraaan , xataa dhinaca waqooyiga soomaaliya ay haysteen sida Berbera agteeda buuraha Saylac iyo barbara u dhexeeya way baadheen oo ay raadad wacan ku arkeen Laba sanno ka hor weerarkii Qalcada .
 Si kastaba ha ahaatee Ingiriiska oo udiyaar ahaa in uu mandaqada waqooyi iskaga baxo sanadihii kontameeyadii maadaama heshiis ka NATO lagu sameeyey ee ay kala saxeexdeen Churchil iyo Truman madaxweynihii Maraykanka iyo Ra iisul wasaarihi Ingiriiska . In dadyowga la gumaysto xoriyad la siiyo , laakiiin Maraykanka iyo Ingiriisku kaydka macdaneed ee ku jira wada qaybsadaan .
 Hal mar ayaa buuraha Laascaanood lagu arkay shirkado Maraykan aan dhulka hore looogu aqoon laakiin magaca Maraykanku waagaas waa calan walaynayey oo caruurtaa tiqiin ,maadaama uu ahaa dowladii dagaaalkii labaad guulaysatay . Arinka shidaal baadhka dowlada Talyaanigu waa wehelisay , oo ku doodaysa in iraadada dadka reer Nugaaleedku in aanay la socon Hargeysa , isla markaana quutal daraynaysay in dadkaasi fekerka SYL taageersan yihiin saa daraadeed waa lagu arkayey khubarad wax baadhaysa say cadeeyeen dad shaqaale shirkadahaa ka ahaa noo wax dhintay iyo wax noolba leh . Waxay baadhid ku ekeeyeen Nugaal afar goobood ooo kala fog iyo meel carro Warsangali ah .
 Mutacalin reer Laascaanood oo maanta nool waxa uu ka sheekeeyey waxyaalaha macdan baadhayaashu lahaayeen . Arinta Ingiriiska waxay ku noqotay halxidhaale ka yaabiyey , ma dadkii aad dishay , gumaysay , dadka ilaahay ugu nacbayd baa dantaadii gashay . In kastoo Ingiriisku waagii danbe beesha xoogaa cadho ka bi in ah oo uu ixtiraam u muujiyey.

Dawlada Ingiriisku waxay waqooyi ka baxday ka dib markay u cadaatayiin dadka waqooyi degaa waxba heshiiis ku ahayn . Midowgii labada gobol arinku waxay ahayd oo madaxdii waagaas mashaakilkoodaa kabadnaa,Waxaa la sheegaa in ra iisul wasaarihii hore ee Soomamaaliya Cabdirashiid Cali Sharmarke aalahu naxariistee kala hadlay safarkiisii Maraykanka John Kennady  Laakin Maraykanku waaga uma diyaarsanayn arinka.
 Curashadii kacaanka waxaa reer galbeedka cabsi galiyey caga juglayntii iyo cadaan nacaybka Siyaad  Barre baa cabsi wayn ku abuurtay ,Sanadihii kacaanka dhashayba waxay soo direen taliyahiidi nabadsugida  mulkiile macdaneed caan ah Goerge Bush aabaha ahaa .
 Bush wax uu walaac ka muujiyey hadaan Siyaad Barre heshiis mudo dheer lala saxeexan in uu dhulka ummado kale ku wareejinayo .1973 baa Conoco oo midhaa  ka soo xuub siibatay shirkadihii dhulka baadhay oo hore . ayaa Siyaad Barre la saxeexatay heshiis ku eg 1973-1993 ,Siyaad barreiyo shirkaduhu dhufays bay isugu jireen 1987 .
 Sanadkaas baa shirkadaha reeer galbeedku ku doodeeen in ay wax bilaabayaan , hada ogow waa bilowgii fowdada ,Intaas in ay la gaadhayso may moodayn ,Horaa loo yidhi waxaad aadanoow maagan tahay adiyo maankaagu iyo meel ilaahay ku mari kala mid weeyeene, Siyaad Barre waa la socday qaradkooda nin ciyaar isku dhiibana ma ahayn , Iyaga alloheede Sadaam HUsseen bay isku xidhnaayeen baa la lahaa kaas oo caan ku ahaa ka soo horjeeddka Imbiryaaliyada iyo ninka cad shirkadaha shidalkana ay hore isu muteen , meesha Siyaad Barre iyo shirkadahu iska tooganayeen waxay ahayd bal nooca xukunka odayga gaboobay cimri ahaan iyo caafimaad ahaanba , ama tii alle u timaado . Arinkaas Siyaad barre uma daymo la,ayn , waxa uu la raacay say rabeen wax uu bedelay dastuurkii oo uu ka dhigay mid waafaqsan waxyaalaha ay qarnigi horre bulshooyinka uga gaban jireen markay duminayaan xukumada bulshooyinkaasi dhisteen .
 Siyaad Barre waxa uu ku baaqay axsaab badan iyo in dastuurka la bedelo .Siyaad Barre  waxaa jeebka ugu jiray xisbigiisa afar xaraflaha ahaa XHKS , waxyar oo walaac ah baa xili yar lagu abuuray ka socday madaxtooyada cida bedeli karta isaga in ay noqoto caa iladiisa uu ka dhashay Mareexaan . Laakiiin Siyaad Barre  oo ahaa khabiir waaayo arag ah ehelkii iyo cashiirooyinkii kale, ee la socda danta dawladaha ajnebiga ee Nugaal shidaalka ka qodaya iyo Saylac .,Waxaa go’aan u ahayd in uu XHKS Soomaaliyeed iskaga wareejiyo wiilka uu sodaga u ahaa xaafada guuud eebeelaha Daaroodna ku weheliyey golaha siyaasada qolada aqoon ahaan dowlada taageertana ugu badan ka dhashay oo ahaa dad mutacalimiin ahaa oo waagii Ingiriisku uu cadho ka bi iska waday wax la baray , kuwaaas oo waliba waaagaa colaad xun kula jiray jabhadaha dowlada ku kacsan ku naf baxayey si ay u sugaan goobaha ay udhasheen ee shidaalka laga qodayo .
 Siyaad Barre  waxa uu ku dhawaqay in uu XHKS ku wareejiyey Axmed Saleebaan Cabdalle (Ina dafle) ,oo uu ka wareejiyey Cabdulqaadir Xaaji Masale oo uu bilo ka hor u magacaabay. Arinkani waxay walaac ku abuurtay dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka oo isku si u fekera , Ninkaan la magacaabay waa sarkaal ka baxay kulliyadaha ugu sareeya ee carriga Ingiriiska ,Ninkaan waxbarashadiisu waa waxbarasho toos ah (formal education) ,yacni hoose ,dhexe ,sare sheikh.
 Ninkaan waa ciyaal dariiqo waxa looga yaqaan magaalada sheikh (Andarawiya ) ,waa farac ka tirsan Saalixiyada Axmadiya waa meeshii ugu horaysay ee wadaadka Sayid Maxamed Cabdalla Xassan shir ku galo maalintii uu ka soo baxay Berbera sidii bay hada u daganayd dagaaladii sokeeye ka hor ,sida biyaha cariga u yaqaan .
 Ninkani waa wadani aan ogolayn in uu si fudud damiirkiisa ku iibsado damiirkiiisa ,Ninkaan waxay isku xidhnaayeen Sir doonka Masar ,iyo ,Ciraaq ,Ruush waagii uu ahaa taliyaha nabad sugida ahaa . Ninkani waa reer Taleex ama reer Xudun xukuma buuraha Holhol ee shidaalka laga baadhayo , ninkani waa ciyaal Seikh wada garanaya ragga xabada ka ridaya Shiekh iyo Ceel afwayn oo xalinkaraya cabitanka dadk reer waqooyiga sheeganayaan ,cadhada ay ka qaadeen sida ina barre ula fastuuray dawladaha reer galbeedka baa keenay in ay dariiq jahanami ah qaadaan oo ay soomaaliya burburiyaan waa inoo qormo danbe oo aan kaga hadli doono burburkii iyo damaca SSDF IYO SNM iyo heshiisyadii ay galeen
Qore Faarax Jaamac Xaqdoon