Monday, August 11, 2014

Gambo ku hagoogte, Googarad huwade midkii Moxamed Cadde ku abtirsan jiray oo SNM u hadaaqay!

Midkii ku caan baxay horgalanimadda Isxambaarnimaddana ku shaqaysta ayaa sidii caadadda u ahayd SNM u soo dhiibtay fariintoodii fadhiidka ahayd. Midkaan Moxamed Cadde ku abtirsadda xoolihii uusan maalin qudha u shaqayn ee walaalkiisii qaaliga ahaa u dhididayna SNM weligii ku taageeri jiray, ayaa maanta qoraxdu ku soo baxday isagoo googaraddii huwan.

Wuxuu si Ahbalnimo ku dheehantahay uga hadlay meesha uu la haystaha ku yahay ee uu googaradda ku huwaddo. Wuxuu si baqdin ku dheehantahay uga hadlay tegitaanka kii Ina Xaabsade. Fulaynimo uu ka baqayo waxa SNM oran doonto mar haddii Ina Xaabsadde tegay ayuu isagoo wejigiisa ay ka muuqato bah-dilnimo iyo dulinimo wuxuu ku hadaaqay in Ina Xaabsadde ilaa uu hadlo aan waxba la oran karin.

Mar uu ka hadlayay shirka barkaysan ee ka socod SAAX DHEER (Alle ha barkeeyee) ayuu wuxuu ku hadaaqay in ay sugayaan waxa ka soo baxaya oo ay ku balan san yihiin inay wada hadal furaan marka maamulka la sameeyo. Arintan Isxambaar ka soo yeertay ayaa waxay tahay waxa Soomaalidu oran jirtay "Samir taag waa." Maanta markuu Isxambaar leeyahay shirka waxa ka soo baxa ayaan sugaynaa, maxay markii Taleex la joogay u sugi waayeen? Taleex shirkii lagu qaban lahaa iyo kan Saax-Dheer isku mid weeye. Maxay midna u weerareen midna talaabo u qaadi waayeen? "Awood baan jirin xagaygoo Afkii-baa juuqda gabay" AHUN Saado-fanaanaddii qaranka Soomaaliyeed ayaa tiri eraygaa beri hore. Maanta markii awoodi meel dhigtay ayaa Mr. Isxambaar wuxuu miciin biday inuu been sheego is yiraahdana abuur shaki ku kala dhex jira reer Khaatumo. SNM & Khaatumo wadahadalkoodu waa marka Khaatumo ka taliso dhamaan dhulka ay leedahay. Wada hadalkuna wuxuu noqonayaa in SNM aan wakiil uga noqono inay Soomaali ku soo noqdaan iyagoo faruuryo xidhan ama ay cadhadooda la aadaan HELL if they so choose.

Doqonimo ku dheeraatay waa tan uu reerkiisii dibad joogga ka yahay googaradana wehelka ka dhigtay. Wuxuu is leeyahay itaal baaska u tus in heshiis meesha jiro ah in la sugo shirka wixii ka soo baxa. Shirka ka bacdina wada hadal la furo! Taas wuxuu u sheegi karaa googaradaha iyo guntiinooyinka uu wehelka ka dhigta.

Halkan ka dhegaysta hadaaqa The FATHER of ISXAMBAAR


No comments:

Post a Comment