Friday, August 29, 2014

Khaatumo Guul -- Iska ilow nin Caloosha ka kiraysan ee shacabka hanuuniya!

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Khaatumo Cali Khaliif Galayr aya wuxuu ka sheegay xafladdii caleema saarka in ummadda reer Khaatumo dhexdeeda ay turxaan bixin u baahan yihiin. Waxaa cad in qaybsanaanta reer Khaatumo ay guul u tahay SNM guuldarana u tahay ummadda Khaatumo & Soomaali intii midnimadda jecel.

Hadaba su'aasha is waydiinta mudan waxaa weeye, yaa qaybsan? Haddii aad waydiiso ummadda reer Khaatumo fikirkooda ku aadan mustaqbalka reer Khaatumo waxaa weeye: MIDNIMO. Taasi waxay kuu cadaynaysaa in hadafka guud aan laysku khilaafsanayn. Mar haddii hadafka laga midaysan yahay, hadaba meel ayaa wax ka guntan yihiin ee waa in meeshaa runtana laga sheegaa lana furdaamiyaa.

Maalinta arintaa la caddeeyo oo qof kastaa arko xaqiiqda meesha taal & sida wax u socdaan, waxaan aamin sanahay in intii caqliga u saaxiibka ahi ay u iftiimi doonto meesha wax ka qaldan yihiin.

Dabcan nin caloosha ka kiraysan oo ama Hargaisa marti ku ah ama Garoowe midna mabda'a Khaatumo u dhega nuglaan maayo. Muhiimaddu waa in ummadda la baraarujiyaa oo laga soo reebaa kaa caloosha ka kiraysan..

No comments:

Post a Comment