Tuesday, January 21, 2014

Caade qaate ciil qaba cidi kama liidato!


Odaygan gabay reerkiisii iyo wixii ragga lagu qadarin jiray ayaa waxaa maamuusay reer Khaatumo oo xaaladoodo xiligii Berda Khaatumo 1 ay ahayd "survival." Nin hadday xaaladdu ku xuntahay nin karmeedse u dhashay, wuu fahmaa fursadda la siiyay oo wuu ka faa'iidaystaa. Ninkase caqligu amaah ku yahay, raganimadana la hareer mariyay hunguri xumana u dheertahay, doqon kalana u gacan haadiyo cadowna shilimaad tuse ma fahmo fursadda hor taala.

Taas weeye tan ku dhacday odaygan aan caqliga u saaxiibka ahayn.

Reer Khaatumo maamuuskoodii wuxuu ku bedeshay inuu Faroole oo shilimaad ugu yaboohay uu hoos tago.
Wuxuu ku badashay inuu reer Khaatumo kala guro oo cadaawad is yiraa ku dhex abuur.
Wuxuu ku badashay inuu SNM iyo Faroole hoosta kala xiriiro reer Khaatumna boqonta jaro.
Wuxuu ku badashay inuu Cabdi Hurdaayihii Cali Shire dhalay uu la fikir noqod.
Wuxuu ugu dambayntii falay ficilkii godkiisa qoday ee ahaa inuu reer Taleex xasuuqii Puntland soo abaabushay uu dhiniciisa ka fuliyo.

Maantana waa tan!

Aduunku ninka ragga ah wuu saacidaa. Wixii soo marana ama wanaag ha ahaato ama xumaane, ninka ragga ahi faa'iido iyo cashar bay u noqotaa. Rag la joogahase aan caqliga badan lagu ogayn, waano iyo wax tar midna uma aha. Dabinkii uu ku dhacayna rag la jooguhu kuma waano qaato.

Wuxuu reerkiisii & caruurtiisii u dayacay inuu reer Khaatumo  u garba duubo.

Caqli xumahan hadal uma bahna laakiin labo mid baan oran lahaa.

SNM 1M ayay ku bixinayaan in reer Khaatumo isku jabaan. Marka Toorile iyo odaygan harabka ka ah ee SNM ay rabaan in Dhuloos isku jabiyaan.

Kuwa harqodaaladda SNM jiifa waxba kama oga markaa qorshahan la dejiyay. Kuwii googaradda ku hoos jiray ee ilma Aadan, Ceeb hagoogte, Daanyeerkii Xaabsade dhalay, tuugii Cambaashe dhalay iyo wixii Cad Quudheedka ku koray oo dhami waxba kama oga waxa meesha ka socda.

Waxaanse maanta taa kaga gam'ayaa reer Khaatumo maanta waa og yihiin kii u maqan iyo kii caade qaate ah. Guul & gobanimo.