Sunday, March 31, 2013

Talaabodii koowaad ee wax ku oolka ahayd oo Saacid maanta Qaaday

Raiisal wasaaraha Soomaaliya oo  uu weheliyo madaxwayne ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka arimaha gudaha ayaa maanta booqday magaalada Garbahaaray. Saacid iyo madax wayne ku xigeenku waxay booqdeen qabrigii marxuum Moxamed Siyaad Barre madaxweynihii ugu dambeeyay dowlad Soomaaliyeed oo kaamil ah. Labadan masuul & madax kale oo la socotay ayaa duco u akhriyay madaxweynihii hore Alle ha u naxariistee. Talaabadan oo aan oran karo waa talaabadda kaliya ee saxan ee wasiirka koowaad ilaa iyo intii la magacaabay uu qaaday.

Thursday, March 28, 2013

Madaxweyne ku xigeen ahna wasiirka arimaha gudaha..

Kismaayo, Jubbaland, Somalia. Hadal uu akhriyay madaxweyne ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ayaa waxaa ka cad in uu ku guuldaraystay in dadka reer Jubbaland ay ka dhaadhiciyaan fikirka fadhiidka ah ee Muqdisho laga soo maleegay. Madaxweyne ku xigeenka ayaa isagoo saxaafadda la hadlaya sheegay in dowladu tanaasulaad samaysay hadase ayna go'aan soo saari karin dowladuna ilaalinayso dastuurka. Madaxweyne ku xigeenku dastuurka uu leeyahay waan ilaalinaynaa waa midka dhigaya in dadka loo madax baneeyo inay ka taliyaan arimahooda oo uu isaga iyo ninka soo dirsaday labaduba diidan yihiin. Hadaba madaxweyne ku xigeenka ahna wasiira arimaha gudaha iyo wafdigiisa ayaa beryahan booqasho ku joogay Kismaayo. Iyadoo dhowaan ay ku soo bireen labada nin ee degaan ahaan reer Jubba laakiin awooda buuxda aan ku lahayn dowlada ay ka taliyaan labada nin ee jujuubka wax ku maamula. Reer Jubba waxay xor u yihiin inay maamul samaystaan cid ka hor istaagi kartaana ma jirto.

Tuesday, March 26, 2013

Uurka iyo Afkaba ka been sheege- Duf ku bax liitee! SNM u foorarso markay xabadda la dhacayaan walaaladaa

Nin ayaa ii waramay ka qayb galay shir SSC lahayd badhtamihii sanadkii 2011kii. Shirkaas oo ninka Ina Ciise Axmed Kaar la yiraahdaa ka qayb galay. Ninkaasi wuxuu ii sheegay in markuu hadalka bilaabayay uu Ina Ciise ku bilaabay " Fadlan sawiradda la qaadayo iyo codka la duubayo ha la joojiyo." Waxay u muuqatay buu leeyahay ninkaasi inuu ka war wareegayay in laga duubo hadalo beri isaga dib ugu soo noqonaya. Hadaba erayadii uu yiri ee meesha ka sheegay dadka qaarna aad u calool dhaqaajisay waxaa ka mid ahaa:

"Maalintaan SSC Nairobi ku asaasnay ayaa Puntland waxay u dabaal degaysay sanad-guuradeedii 10aad oo Faroole uu salaan ka qaadanayay ciidamadiisa. Maamulkiisuna soo ban dhigay wixii uu dadka u qabtay."

"Dhulkan SSC si horumarka looga ilaaliyo waxaa laga ilaaliyay nabadii. Meel aan nabad ka jirin, horumar kama jirayo. Nabadina kama jirayso haddii dadku ayna raali ka ahayn cidda xukumaysa. Reer SSCna dad aan iyaga ahayn inay xukumaan waa diideen."

"Anagu hunguri meeshan (SSC) umaanan doonan, madaxnimo umaanan doonan, cid wax ku yeel umaanan doonan. Waxa keliya ee aan u nimid waxaa weeye waxaan aragnay dhibaatada haysata dadkayagii. Sida labada reer ee hareeraha naga xigaa u hor mareen oo dhulkoodii u hagaagay anaguna aanu weli joognii dowlad burburkii."

Arintan u dambaysay ayaa wuxuu ninkii ka qayb galay ii sheegay inay dadka qaar "emotional" ka dhigtay. Beerka caara goysay ileen wax aan uurka ka jirin buu afka ka sheegayay! Alla aduunka ninka rag ugu liita calaamadihiisa waxaa ka mid ah, "Shalay wixii dhacay iloobe, beri waxa soo socda kuma xisaabtame maanta ma derse xafiiltan qoys u xoog badane" Intaas oo dhan ina Ciise ayay ku kulmeen. Duf ku bax "Alla muxuu caqli xumo reerka kala dhex baxay"

Wixii la wadaago markaad ka tagtid waxaad gaar u leedahay baa khalkhal la gelinayaa!


Horta yaa wanaag laga doonayaa? Ma reer Jubbaland kaliya? Wanaaga la doonayaa miyaan laga wada rabin Soomaaliya? Caasimaddii ha lagu soo celiyo caasimad Soomaaliyeed inay tahay markaa ka bacdi Soomaali wanaageeda kale ha laga shaqeeyo. Midnimadu maaha "One way street"
Dhibaatada madaxda dowladda ku meel gaarka ah haysataa waxaa weeye waxa uurka ay ku haystaan iyo waxay publicly u sheegayaan baa is khilaafsan. Muhiimadoodu waxaa weeye inay xukun iyagu ay sawirteen gaadhsiiyaan "Koonfurta Gaalkacyo ilaa Kenya." Maaha anigu mid aan samaynayo waa waxa uu Gurguurte afkiisa ka yiri iyo sida ficilkoodu uu tusayo. Waxay rabaan wixii wadanka soo gala in intaa lagu maareeyo. Waxay kaloo doonayaan sidii Muqdisho ka dhacaday in dhulkii Xaaraanta lagu degay 20kii sanno ee la soo dhaafay ay u xalaaleeyaan xaaraan-cunayaashii.

Taas weeye siday ay Shabeelaha Hoose ugu xalaaleeyeen dadkii ka soo haajiray goboladda dhexe. Kismaayo waxay rabaan dadkii asal u lahaa in xoog iyo caga juglayn looga qaado. Waxay doonayaan in ay geystaan rag ay iyagu soo maamusheen oo "dhexdhexaad" ay ku sheegaan. Yay dhexdhexaad ka tahay? Haday Muqdisho dhexdhexaad noqon wayday magaalo kale dhexdhexaad ma noqonayso. Dadka degaanka waxaan u sheegayaa, duulimaad baa la idinku yahay jaati dowladeed loo soo geliyay ee xaqiina ilaashada. Ninkan la soo maqiiqay ee fikirka kale watana iska ilaaliya. Fikir dan dadka ugu jirto ma hayo ee wuxuu hayaa fikir u adeegaya reer xididkii.

Monday, March 25, 2013

Ragna waa xeer dumarna waa xilo! Apologies to my sisters! It's just Waryaa saying!


Beesha Ciise oo xeer Ciisaad ku go'aamisay in SNM ay wiilashooda ka kaxaystaan! Xeer Ciisaadka waxa la invoke gareeyay markii Saylac dhibku ka dhacay. Colaadaas oo SNM lug ku lahayd bilowgii laakiin ku noqtay "Fari tog bay kula xushaa" oo keentay in Samaroon & Ciise iyagoo is haya hadana SNM project u arkaan Fadhiid. Goorma ayay Samaroon iyaguna ka kaxaysanayaan wiilashooda SNMtu xabadda isaga dhigto?  Maalin dhow fara dulaynta SNM baa xigi doonta. Ha u dayma la'aanin!

Thursday, March 21, 2013

Good FB Joke! -FB love is universal

 

Perhaps Somali police did not get the memo just yet! No, this is just a joke - a good one from my depressed hometown. You may get a kick out of this. Read it!

Somali Police Arrest 2 Lovers Over Steamy Facebook Messages!

ME? He is General..Big Big Clan..yes

Ala Indhacade iyo Af qalaad xaa kala haysta!


Tuesday, March 19, 2013

"Goblan Talo aduunyooy maxay galaba meel joogtay"




Goblan talo aduunyoy maxay galaba meel joogtay!

Hantidii ummadda Soomaaliyeed baan wax ku soo bartay.
Wasiir qaran oo wasaarad macno leh ayaan noqday.
Maamul xumo ayaan ka dhiidhiyay oo xilkii uga tegay.
Jabhad maan hogaanka u qabtay.
Faqashtii waqooyi baan xasuuqay oo guryahoodii gubay.
Faqashtii Daarood ee Koonfur baan dowladoodii wax ka riday.
Wixii uurka iigu jiray inta liqay baan "Somaliland" wax la doonay.
Isaaq baan isug habar waxday siday Riyaale iigu bedeli lahaayeen.
Xukunkii aan kumanaanka qof u dilay baa Isaq igu hubsaday.
Meeshaan 1990gii kaga hadhay baan ka bilaabay.
Faqashtii Daarood baan dhirbaaxo is iri la dhac.
Faqashtii baa ilko igu yeelatay.
Isaaqii kalaa igu kacay.
Riyadii la dhoodhoobay baa soo ururtay.
Soomaaliyaa xalkeedii soo dhowaaday.
Aduunkii baa dabada noo sii jeediyay.
Xitaa Engriis baa wejiga naga qariyay.
Africa, Carab, Maraykan iyo Europe horaan ugu daalay.
Malaha Yuhuud baa noo hadhay.
Isaaqii baa sii kala cararay.
Maanta waxaan ku soo ururay Habar Jeclo man.
Habar Jeclo kaliya ayaan madax u ahay.
Iyaga kaliya ayaa maamulka ku nool.
Aakhiru seban baan marayaa.
Tacab qasaar aduun ayaa i haya.
Tii Aakhirana ii dhiman.
Wax aan hor Alle u gaystay oo aan dhiig miskiin ahayn garan maayo.
Habaarka habaar ugu wayn aduunku waa "If iyo aakhiroba seeg"
Maanta taas baa i haysa.
aheey aah ileen talo isuma kaa sheegto!

"Goblan talo aduunyooy maxay galabba meel joogtay"

Aaan ooyee Xirisiyow albaabka ii xidh!

Soomaalida Maanta!

Friday, March 15, 2013

"Hindisuhu marbuu kaa ridaa hogobyo shaydaane"

Odaygii Siilaanyo oo xaalkiisu bariga dhexe yahay. Adeer Ingriis markii xaalkiisa la fahmi waayay buu odaygu qaatay moqorafad yar oo Turkey inta la tegay yiri, "Wixii horeba quba" oo gaal ingriis waxba isuma nihin ee Turkiyow soo deg! Turkey oo kala go'a waxa la yiraah uga xanaaqa sida Bisaddu jiirka uga xanaaqdo ayaa odaygoo Siilaanyo iyo kii Been-Bidaar iyo Cadow toosiye oo murqaansani u galeen.
Sidan ayaa hadalkoodii u dhaqay.

Axmed: (Turkey foreign minister) Waan ku farxsanahay in walaalahayaga Soomaaliyeed nagu soo booqdaan wadankayaga. Aad baana idiin soo dhawaynaynaa.

Been Bidaar: Fadlan Soomaaliland dheh.
Oday Siilaanyo:(Inta isha ku gubay Been Bidaar yiri) jooji.
Axmed: Soomaali meel kasta oo ay joogto waxaan ku tari karo waa ku taraynaa.
Oday Siilaanyo: Waad ku mahadsantihiin waxtarkaa, waxaanse kale oo rabnay inaad naga caawisaan siyaasad ahaan oo aad na aqoon sataan. Turkiga iyo anaga taariikh badan baa naga dhaxaysa. Misaajidka dhulkakayaga ugu da'da wayn Turki baa dhisay. Dee dad badan oo asal ahaan Turki ku aroorana waanu leenahayba oo dee ninkan (Been Bidaar) baaba ka mid ah. Misaajidkaasi wuxuu ku yaalaa magaalo qadiimo ah oo la yiraahdo hmm..ooo war maxay ahayd magaalo xeebeedkii?
Xagla-toosiye: (Oo is hayn kari waayay)..haa dee Berbera weeyaan!
Axmed: (Oo ilka cadayntii joojiyay) Soomaaliya waa wadan qur ah. Qabiil meel goobaabtay wadan ma noqon karo. Turkigu wuu taageerayaa Soomaali meel kasta oo ay joogto. Idinkana waxaan idinku caawinaynaa sidaad Soomaali ahaan ugu wada hadli lahaydeen. Turkiga siyaasadiisu waa mid. Soomaaliya oo mid ah. Taas ayaa noo qorshe ah. Caawimo sida Soomaaliya oo dhan aan ugu gayno ayaan idinku keenaynaa.
Siilaanyo: Dee Qabiil kaliya meesha ma oodan ee dadka dhulkaas dega oo dhan fikirka waa ku wada socdaan. Beentan iyo huuhaada Bariga laga sheegayo ma jirto oo ninkan ayaa ka wakiil ah war Saleebaan hadal dee. War miyuu hurdaa?
Been Bidaar: Haa wuu yara gashadaye iska daa.
Xagla toosiye: (Oo dubaabtii ka duushay isna ogayn meeshuu joogaa)..yes haa SSC waa xaq u dirir..hmm sorry I mean ..Jamhuuriyadda Soomaliyeed...ooh oops..I meant Jamhuuriyadda Somaliland
Axmed:  (OO ilka cadaynaya) Anigu markaan leeyahay qabiilba meel buu ootay Soomaaliya oo dhan baan ka wadaa. Qabiil dowlad ma noqdo. Waana kala hadalnay Madaxweynaha Soomaaliya sidii qabiilada Soomaaliya la isugu keeni lahaa oo ay uga bixi lahaayeen fowdada.
Siilaanyo: (OO akhristay damiin far wayn baa wax loogu qoraaye) Hadda maxaad naga caawin kartaan dhaqaale ahaan?
Axmed: Si kasta oo aan idiin caawin karno waan idiin caawinaynaa.

Safarkii ka bacdi ayay nimankii wada socday is cuneen. Waxaa la sheegay in Xagla toosiye lagu yiri waxaad tahay ma gudbe. Sidaad dadkii ku doortay ula hadhay baad Soomaali Land la hadhay. War nujub baabad tahay. 4 Sanno baa boqorow lagu hayay oo aad laba ulood kala jebin wayda. 1 sanno bay kuwan Khaatumo na waaleen. 5ta bilood ee aad nala joogtayna olol baad noola soo gashay. Siidii oday Siilaanyo qudbada u akhrinayay buu xaga Xaglo eegay mise wuuba khuurinayaa. Cadho ayuu odaygiina macasha laa laadshay.

Been-Bidaar baa inta microphone qabsaday yiri "Turkey Wakiil bay noo soo magacaabaysaa". Odaygii Siilaanyo intuu diyaaradda soo saarnaa buu go'aan gaaray: "Meesha rag kuma wadatide go'aan Habar-jeclaysan gaar"

"War haday doonto Qabno ha ka degtee shirkan tegi mayno" Walaanan u hoos fariisanayn ninka Xamar jooga. Halkaas bay maanta taagan-tahay!

Beeneey waa run!




Sidii caadada u ahayd, ninkii la oran jiray "been Bidaar" ee SNM u qaabilsanaa beenta iyo propogandada ayaa sidii caadada u ahayd ku sheekeeyay in Turkey u soo diri doonto wakiil KKK

War ileen been lagama dhergo? Horta kan "Been Bidaar" intuu SNM u gaystay cid u gaysatay ma jirto. Bal miyaad aragteen nin afka markuu kala furo been ku hadlaya? Halkan ka akhrista firkirka Turkiga.

" According to the diplomat, Davutoğlu also pledged to continue his support for the reconciliation, stability, prosperity and development of Somalia. During the meeting, he also emphasized Turkey's commitment to the integrity of Somalia, said the diplomat. " Read the whole article here