Sunday, August 10, 2014

Ina Xaabsadde oo ku guulaysta orodka dhan u yaaca si dhaqso ahna uga soo jawaabay fariintii Gaas!

Waxaa fariin u diray ragga Khaatumo ka soo jeeda ee sandareeradda ka qaata maamulka SNM madaxwaynaha Puntland Gaas. Gaas ayaa ugu yeeray inay raggaasi ku soo noqdaan guryahooda sandareeradda ay qaataan mid ka wacanna uu isagu ugu badali doono. Halkan ka dhegayso balanqaadiisa.

xaabsadeHadaba raggu kala aragti dheer kalana hunguri badane, waxaa taladii Gaas ugu hor qaatay Ina Xaabsade oo la filayo inuu Gaas ku imtixaamo inuu kaga dhabayn karo hadalkiisa. Waxaase muhiim ah oo Gaas ka qarsoon, sandareeradaa Ina Xaabsade aamusiin kartaa maaha mid uu horay u arkay. "Nin waliba intuu cuno ayuu ciidamiyaa" ayay Soomaalidu oran jirtay berigii hore. Haatan taas waxaa bedelay "nin waliba intuu daankiisu le'eg yahay buu cuna." Haddaad Ina Xaabsade daankiisa aragtid, sandareeradda maanta Puntland taala oo dhan keligii kuma filna. Markaa, sidee ayuu Gaas ka yeeli doonaa marka hadalkiisii loo adeegsado Af aan la buuxin karina loola yimaado? Allow sahal!

Nin kale ayaa ii sheegay hadal kale oo aanan macquuliyad u qaadan laakiin maanta runta u dhow. Ninkaasi wuxuu igu yiri, "War ina Xaabsadde reer Mudug waa is laayaan waana wada shaqayn karaan. Laakiin qolyahan kale ee Garoowe budhtuurka u ahaa isma fahmaan" Maalintii ninkaasi eraygaa i lahaa ma fahmin laakiin maanta waxbaa i qub yiri.

C/laahi Yuusuf (AHUN) Ina Xaabsadde waa la shaqeeyay oo canku waa u buuxay. Cadde waa kala boodeen oo waa kii tegay dhulka intii harsanaydna la tegay. Faroole xumbadooda oo is gaarta mooyee inay is fahmaan wax looga fadhiyay maahayn. Maanta oo Gaas oo Mudug ka soo jeeda uu soo noqday, waa kaas Garoowe!  War ninkan qabyaalad xumidiisa ee uu leeyahay "Cumar Maxamuud, Yes,  Other Moxamuud saleebaa No" armay meel xun kala taraaraxdaa?

Haatan iyo dan, ama ha ugu dheereeyo tartanka sandareero raadiska, ama Moxamuud Saleebaan ha kala ciseeyee, Ina Xaabsadde waxay u muuqataa inuu Garoowe mar kale fadhiisan doono. Laakiin this time around, he is unlikely to make Las Anod go where he is at. That time is over for him.

No comments:

Post a Comment