Friday, July 4, 2014

Xasuuqii Buur Caano - Qoodhe Taag. Fu'aadow raggaad SNM dhiigoodii awlalka kaga cuntay -dhegayso Badh-jabyahow





Asalkaba Gud Gude iyo aduun galinba waa cayne
Gado gado waa u caado iyo goorba howl ugube
Gabayada badhkood maanan rabin gole kabaankoode
Waxuun baa gadaal iigu celin kaan guntoo xidhaye
Soow Guba in aan furo Fu’aad ima gayaysiinin*******
Ha yeeshee gadaafa jirta iyo guul daro iyo hooge
Waxa gobala qaarkood kadhacay gobi mayeesheene
Nimankii Garaaddada ahaa gade wanaagiiye
Gunimay ka doorteen magacii geed sanka ahaayeee******
Geesigay ku dhaadani jireen gayiga Daaroodka
Geeridii halyaygii intii guuuyo laga qaatay
Markii uu tolkii gaabsaday ee u gil gilan wayay
Idoorkan guuxada ku tuman golihii Buu-hoodle
Markaasuu garwaaqsaday in ay gacanta dhiibteenee*****
Gu’gii Ina Camay laga dilay Caynabana guurtay
Gambo Dumar sidii loogu xidhay guudkiibaa u dabane
Haday godobta jeerkaa gutaaan tani ma gaadheene
Ragii Xaajigii gowracee galab ku iidaystay
Maantana waxay gogal dhigteen gala jab kii Soolee****
Taariikhda guunka ah markaan dib u gadaal raacno
In kastoo godkii aakhiro iyo geeri nagu dhaafay
Cali Aadankii gubaba furay iyo gabaygii dheeraaday
Gadaashiina waa tuu isagu soo gunaanadaye
Ee yidhi gambo cad baan xidhnahay iyo gar naagoodee***
Gashaantida sideedaan guur u sugayaaye
Aniga iyo hablaha loo galmoon waa gudboonahaye
Gadii uu tilmaamay buu tolkii galabta joogaayee****
Guryaha dumay gabdhaha ooyay iyo dumarkan geesaasin
Gabadanada maatida la wadhay gaydhka dhaxamaysan
Gaba gabada Sool taal hadii aan garasho qiimaynay
Waxa galinkan muuqdaaye waa gabayadii Dhuuxe
Gashaantida sideedii waxay guur u sugayeenba
Maantay arooskii galeen loo gurbaan tumay’ee****
Guurtiba la waydiisan jiray gabadh la doonaye
Gabaatigii Cabdaa loo qadimay iyo gunayntiiye
Gogashii Islaan Maxamed iyo geedkii ree boqorka
Inuu yaradka geeyuu Isaaq geediga u rarayee
Gayigaba raggiisiii haduu goradda laad laadshay
Gulufkoodu Laas Caanood wuu sii gudbinayaaye
Gal nugaal waxaa laga maqlaa hoonka gaadhigaaye
Garoowe iyo Puntland bay rabaan in ay ku guuraanee***
Galool adag intii loola tago gudomo soofaysan
Gunta wayn hadii laga jaro iyo xidiidkii gaaraba
Geesbuu u aguugaa intuu go’dhamaantiye
Gadaal looma soo baxo markale geed la dumiyaaye
Mar hadii ay ku gaardiday SNM Gudaha Laas-Caano
War Iidoor waxay goobayeen gaadho oo helaayee*****
Dhulbahana waa uu gabawarmoo waa uu gabilayne
Garaado iyo Ugaasyo anoon gaar u kala qaadin
Gabalbaa shirshoore u dhacay gaankii Habar-waaye
Gablan kama duwana reer siciid gabi ahaantoodee(siciid harti )
Geeshkii daraawiishta ee goolka wayn dhaliyay
Gaasaskii Ismaaciil Miree gaalo wada laayay
Gadaashoodba ooma uusan kicin geesi daafacaayee*****
Gardaraba Majeerteenka waaw u garab istaagaane
Ayagoo guracan bay xumaan ugu gar gaaraane
Ooy ula galayaan dagaal goof dad leeyahaye
Guryahay lahaayeen kuwii galiyay duulaanka
Kabay tabari gaysaba iyagoon geedan ka horgaynin
Inay gacmaha hoos dhigtaan maa gar lagu siin’ee*****
Giiryaalanimadani ma aha waxay gad u lahaayeene (giryaale waa fulay meeshusan dhafin )
Ab kama aysan soo gaadhinoo geesiyaa dhalaye
Waa cudur gadaal kaga dhacoo goor danbuu yimide
Haduunbuu gar dheer iyo hogaan galiyay iidooreee****
Ragse cadkooda goosani karoo gob u dagaalaya
Garbaha looma saaren marnaba ceebtan gaanka ahee
Gol jileecnimaa laga fahmay iyo geed nugayl nimoo’ee***
Raggse haday godob dhaxtaal iyo colaad guun ah
Judhi galin ah guluf xoogle iyo gaadmo iyo weerar
Waligoodba way is galin jireen gaado dirireede
Gumacyada markay is dhaafsadaan geedmo is jiidhay
Ha la is galee aakhir way kala gol roonaane
Goobtana midkoodbaa u hadha gaada libintiiye
Goblan iyo halaag iyo waxaa guul daro aduun ah
Gogashaad lahayd iyo ninkii gurigii kaasaaray
Inta uu Gadaal kaa maroo gumacyo kuu dhiibo
Ku gumaad hadii uu ku dhaho gabanadaadiyee***
Waxaase gudoon keedii ahoon kugu garwaaqsiini
Oo aad ku garan sheeko waa la isu geeyaaye
God magaalo geedlay miyi ah gol iyo meel duur ah
Ilaa gobalka Sool oo dhan iyo gudaha Laas Caano
Goobtii dagaal yari kadhacay ee la isku soo gaadhay
Waxa geeriyoon waa iyagii labada geesoodee(dhulbahante)***
Galka Qarandi gaaxdii Camuud gebi ahaan Doollo
Gogashaa u taal reerahaad oogu gabaydeene
Geelii Ogadeen Mataanbuu gala baxayaye(waa jawab iyo dhaadasho gabaygii xali dhuux ee aha doqon kii ogadeen ahaa doola laga qaadye.
Idinkaa dhulkiiniii gatoo goosin dhaafsadaye

Garab adhi dal lagu iibsadaan la arag goortan ka horow’ee****

Afartaa gadii aan la rabay ma ugu geeraaray

Gadmasho iyo deel qaaf anoon galinin suugaanta

Guntimaha intii aan u furay gulucna ma udiiday

Ma goleeyay gowr gowrku waa kaa dilaa gabaye

Afar kale ma gooynine hadaan soo gudbinayaaye

Go’u dhigo waxaan kuu gur gurin godalkii laabnaayee***

Gu’dhawayd gumaadkii ka dhacay gagida Buur Caano

Higladii gunteedii iyo ragii geedkii lagu laayay

Gaadmada ragii lagu jaree gudurka loo loogay

Ayagoo hubkii laga guroo gacanta laad laadin

Shilke gaaxsaanaa iyo baroon suugna garab yaalo

Geesaha intii lagala maray laguna soo goobtay

Kuwii lagu garaacee rasaas gowda laga saaray*****

Midkii yara gucleeyee inuu goosan karo mooday

Goofanaha iyo ragay marinayeen gaadhiyadu shaaga

Garnaylbaa u dhaamay iyo in ay gumac ku toogtaane

Gabanada intii loogu xidhay geed adayg badan leh

Gowraca ragii lagu dhuftee waranku goo gooyay

Guska taag raqday ula baxdeen nimankii guulaystay

Garaadadii banaankii la wadhay geeri fool xumaa leeh (xasuuqii Buur cano 1991)

Goortaan xasuustaba niyadu way I gubataaye

Dadkii aan is garab jiifnay oo gama’san oo khuurin

Gogasha iyo sariirta intaan gaydh la qaban waayo

Galin dhexe intaan tooso oon go’a ku doonyaysto

Geesaha intaan fiiriyaan gocosho reemaaye

Galiilyada iyo ciilbuu qalbigu ila gariiraye

Anuunbaa u gagabayee tolkood uma guhadoon’e*****

Garaadadda raqdii lagu qashay iyo gobo’dii naaleeye

Halkii lagu ganbiyay ree Jibriil laguna goo’gooyay

Gawaantii la wadhay bay Fu’aad gogol u talaaye

Guryahuu u xaadhaa kuwii gaystay nabar kaasee***

Asaga oo raggiisii go’ay buu garabsan Iidoore

Asaga iyo guurbkuu watee go’a la meeraysan

Ayaga iyo gabadhaha heeranka ah gad isma dhamaane
Sidii dumar gayaan seegay oo gabay asaagoodii

Gufayska ha u fadhiisteen Isaaq oo ha guursadaan’ee**
Dakanada shinkeedii gashee goosashada dooni
Kol hadii uu raggeedii gabaday oo gudan aqoon wayay
Ma xilaha garoobobaybaa godobta raacdaysan*******
Afartaa gadii aan larabay ma oogu geeraaray
Gadmasho iyo deel qaaf anoon galinin suugaanta
Guntimaha intii aan u furay gulucna ma u diiday
Ma goleeyay gowr gowrku wuu kaa dilaa gaybaye
Afar kale ma gooynin hadaan soo gudbinayaaye
Go’u xidho waxaan kuu gur gurin godalkii laabnaayee***
Gob’o kalana ina Xaabsadahan laba go’laynaaya
Sidii gorayo cowl laga dhax degay geed dhashu u tiilay
Hadba dhan u guclaynee inuu geesna jiro diiday
Gabal daye sidiisii ninkaa goorba dhan u jeeda
Garawe iyo hargaysaba si uu ooga gafuur qoysto
Midba galab guul hoose bixinee ee uu u kala gooshi
U gor gorin si uu isaga gado labada gooboodba
U goob xaadhan kaligii waxuu mariyo gowskiisaa****
Gankii ninman ah oo ay siman yihiin gaadana dhaamin
Kaligii intuu galow dhahoo guuro oogu dhuunto
Hadba mid u gur guuranaye gali xafiiskiisa
Gadisleey sideedii ruux tolkii oogu garwaan leeyay
Guno uu qaatay hadii ay guud kabixinayso
Asagaba guf waa loogu riday jeebka laba gooree***
Gudigii SNM ay Dhistay iyo guurtida isaaqu
Gudoonshaad u tahaybaa lagu yidhi gole ku sheegiiye
Garooweuu waziirnimo ka helay gaadhay daakhiliye
Labaduba kasoo gudhe hada oo ku gowracane
Isagaa is gulaalay wakaa goobxun yuurura’ee***
Boggaaga oo qalalan baahidoo gubani beerkaagu
Afkood galiso mooyeen waxaan kubada gaadhaynin
Oo kaa gaboodayn maryaha gaajana aan kaareebin
Aad goomaanaatide inaad gara martaa roonee*****
Gisti madhan hayeeshee inana goror ka baadh baadho
Ood u gabalaxsataa waa gad nacaseede
Ahmed abid midasa muusan garn kana gayoon waaye
Gunta bari hilaac galac kayidhi oo gud gude roob ah
Iyo karan gufaacda iyo karan gu’ga ka soo hoora
Goosintay baxshaan labada rays goonbir iyo maanyo
Geeluba hortii waa inuu mar isla goostaaye*****
Asaguna gadii weeyoo wuu is galafaniye
Gabiley Hargaysa iyo Barbara oon burco u gaynay
Waa isla labo gobaltoore wuxuba geedo qoys dagaane
Iyaguba gobale way leeyihiin taa aka guda wayne
Inuu gaar u maamulo haduu garan aqoon waayay*****
Absamahaba gayigooda waa lagu gumaystaaye
Ethiopia se waa guun dowladooy gaalo caawiniye
Garadarana ku taagerayaan reer Galbeedkuye
Halawada garaace iyaga muu garabka u saaro
Carba bal iidoor waxay ugu galeen yaa na garan siiya?

 

No comments:

Post a Comment