Sunday, August 3, 2014

Waa niman xigtadaa kii dilaa uu dalacayaaye..Dilaal & milaal baa qaribay degeladiiniiye, duur joog waxa idinka dhigay jaahil daaq tegaye!

 

Dhegayso gabay Badh-jabyadan reerka u soo xero geliyeen 

Waa niman is daba yaaca oo aan kala dambaynayne
Waa niman xigtada kii dilaa uu dalacayaaye
Waa niman sidii daylo ari doog ku foora-rae
Waa niman dureemadda ka badan oo duudsi qaayibaye
Inta laydin duufsaday wakaa laysku kiin diraye
Dirqi baaba laydinkaga dhigay inaad is dooxdaane
Dillaal & malaal baa qaribay degeladiiniiye

Haddii aad dishaan dhuuni-raac daal ma mudateene
Duur-joog waxaa idinka dhigay Jaahil daaq tegaye


Caynaba kuwii kaa diraa Laaska soo degaye
Markii dayntii lagu saamaxaay kororsi dooneene
Dibjirkii Hargaysa & Burcaa doogsin kaa helaye
Cadow kula dubaaqtamaya baa kuu durbaan tumaye
Nin dagaalkii qori dheere ogi gelin ma deysteene
Diricyadii ku go'ay Qoora-taag doqoni waa mooge
Ninkii shalay walaalkaa dilaan adi ku daynayne

Dal balaadhsi laydinka qarshiye dowlad lagu guuro
Tiknikadan diyaarka ah ee dhamaal Laaska lagu dayray
Dabaabadka iyo PMkaa idin dul goowriira
Diiwaan gelinta Iidoor wado iyo xeesha daba taala
Kuwan maatadooda oo dayacan deeqda bixinaaye
Danta looga jeedo iyo macnaha diiriyaan garane
Ninkii duunyo xero soo gashaa dooxay kuu rabaye
Saddexdii dibee Aarku cunay idinka diimoone


Dowlad loo dhaamaadiyo hadaan daacadnimo joogin
Soomaalina is wada diiday oo dooc la sooconaayo
Dembi kuguma aha adoo is maamuloo doc isu taagaaye
Waana ku damiir la'i inaad dabo gashaa reere
Darwiishland kolaad sheegataa sidan ka door roone
Daarood haduu kuu shiruu waano kugu daalo
wuxuu duunyo haystiyo haddii doolar lagu siiyo
Ama uu daraadaa u galo duulan iyo weerar
Ragga diraca iidoor u xidhay ee doorka laga siibo
Waa waxaan marnaba deyn karayn daarad kale xaaqe
Beri yaa damiin ka ah kuwaa dibinta leefaye?
Ciiroolahakan daartiisa gubi yaa u heli daawo?
Duul dhego la baan u hiishay iyo dadaan fayoobayne
Kolay taba duqii muusan dhalin doogsin raacyada'e
Waa Dabaro iyo jiidle & Oromo daan waayne
Danaakilo iyo waa Shaashi oo laysku soo daraye
Allay diliye duul gobiye waxaa uma dul qaateene


No comments:

Post a Comment