Thursday, November 27, 2014

"Wiilku Awalba mid khayr leh ma ahayn" Daba qoodhi ku Af-xun kuna damiir xun.


Allaha u naxariistee Garaad C/laahi Garaad Soofe markii Illaahay oofsaday ayaa, waxaa soo baxay waxyaabo badan oo asturaa oo garaadku aan ku shaqaysan jirin  oo rag kale hadda doonayaan sidii garaadada nugaasha jooga oo ehelkoodu qaarna garoowe  u joogaan soor lagu margado, qayb ka mid ahina Hargaysa looga yaqaan rabbaayad oo ah kalmadaha loo isticmaalo bisadaha,  iyo xayawaanka  dad la jooga ah, in  hadda Buuhoodle loo soo xawilo dhaqankii caynkaas ahaa.
Hab dhaqankii ahaa “Foof oo soo hooyo” maadaama Cismaan Garaad Soofe (uu yahay wasiir maamulka hargaysa oo dhiig badan ku daadshay dadkan iyo dhulkan xilligan  dhow loo caleema saarayo C/risaaq garaad Soofe, waxaa xusid mudan oo u baahan in la is xasuusiyo wakhtigii dagaalka kalshaale  socday in uu ku shahiiday Cismaan Garaad C/laahi  oo Ahaa wiilka garaadku dhalay , maanta haduu noolaan lahaa aanba la is weydiiyeen garaadnimada ninka qaban lahaa.
Kolkii loo sheegay geerida Cismaan G/raad C/laahi,,   odaygan wasiirka maamulka hargaysa u ah ee la yidhaa Cismaan Garaad Soofe oo xaqiiqdii wiilka  shahiiday loogu magacdaray ayaa waxaa laga hayaa markii la yidhi war ma og tahay wiilkii aad Adeerka u ahayd ee Cismaan Garaad C/laahi in uu ku geeriyooday dagaalka kalshaale  iyo maamulka aad ka tirsan tahay aad waliba  u tahay wasiirka Amniga oo mas’uulba ka ah dagaalada socda, jawaabtii Cismaan Garaad Soofe  yidhi , waxay ahayd  (Wiilku Awalba mid khayr leh ma ahayn).
Hadalkaas Cismaan Garaad Soofe ma beenayn karo oo ragii uu ku yidhi baa Hargaysa kula nool,  haddaba waxaa is weydiin leh Allaha u naxariistee Cismaan Garaad C/laahi oo ku shahiiday dagaalkii la doonayey in dadkiisa lagu barakiciyo, in hadal  liidnimada intaas le’eg loo quudho, inagoo wada og maqaamka iyo miisaanka uu ku lahaa bulshada dhexdeeda  oo ay ka markhaati kacayaan dhalinyaro badan oo maanta ku nool Buuhoodle iyo waayeel & haween waxqabadkii uu ka qaban jiray arimaha bulshada degaanka, waxaan leenahay Allaha u naxariisto Shahiidkaas  aan hadalka u qalmin la yidhi..
 Cismaan Garaad Soofe  waxaa u danbaysay dagaalkii Saaxdheer  ka dhacay in uu ciidan loogu yeedho RRU kala yimid hargaysa, laascaanood la yimi maalin ka dibna dagaalk ka qarxay saaxdheer halkaas waxaa ku geeriyooday dhalinyaro, sadex ka mid ahi waxay  qoys ahaan ka soo jeedeen beesha garaadka hadda caleemo saaraysa, ragaas dhintay maamul baa dilkooda leh , laakiin runta waa  in aan laga baydhin Cismaan mas’uuliyadeeda wax buu ku lee yahay, maantana waxuuba hormuud ka yahay in isagu bixiyo casumaada caleemo saarka, maamulo colaad gaamurtey inaga dhaxaysana inoogu keeno Balliga Buuhoodle, iyadoo wali dhiigii qoyan yahay ragaas ku geeriyooday difaacida naftooda iyo maalkooda iyo sharaftooda, oo waliba uu  ku jiro.
Allaha u naxariistee Cismaan garaad C/laahi Garaad Soofe  shahiidkii lahaa garaadnimadan  hadda qaban qaabadeeda la wado, shacabka Buuhoodle taa ma aqbali karaan, in Cismaan Garaad Soofe yidhaa  wasiir baan u ahay Somaliland oo xumaan kasta ay sameeyaan raali baan ka ahay, walaalkayna garaad buu idiin noqon? taas caqliga saliimka ah  ma qaadan karo C/risaaq garaad Soofe haduu doonayo in uu noqdo  garaad beesha  dhan wadato, waa in uu iska fogeeyaa waxa uu qooshanayo Cismaan Garaad Soofe , waa in hadal cad uu ka soo saaro Fikirka uu aaminsan yahay wax la yidhaa garaad Soomaliyeed baan ahay, Nin dhaqan  baan ahay ma jirto..
Sanadkan lagu jiro mandaqadan dadka Soomaliyeed degaan nin walba hadalkiisa waa cad yahay markaa C/risaaq garaad Soofe  hadalkaagu ha cadaado, dadku waa ka daaleen cimaamad la isa saaro iyo caano inta la isku shubo hadhoowna qofku waxuu doono sameeyo.
Waxaan doonayaa in aan xasuusiyo C/risaaq Garaad Soofe iyo dadka kaleba  Allaha u naxariistee Garaad C/laahi Garaad Soofe ayaa waxa xilligii  Riyaale Hargaysa joogay in badan isku dayey in uu si uun xidhiidh ula soo sameeyo Garaad Cabdilaahi Ilaahay haw naxariistee, qaab kasta oo lagu dayo rag deegaanka Garaado ka ahaa, haddana qaarkood ka yihiin oo wixii loo soo dhiibaba aan gafin, Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe ilaahay haw naxariistee hadal cad oo sharaftiisa iyo karaamadiisa iyo ta tolkii uu ku dhawrayo ayuu istaagay.
Haddaba waxaan u sheegayaa garaadkan Cusub  ee hawshiisa la wado in uu ku dhaqmo dhaqankii walaalkii ee sharafta badnaa uuna ka feejignaado sharaf dhacan lala doonayo ee Cismaan Garaad Soofe  iyo waxan uu wado in uu ka fogaado, taas ayuu ku noqon karaa Garaad reer Buuhoodle, Garaad Khaatumo,, Garaad Dhulbahante, Garaad Soomaliyeed.
Ciise Soofe  oo xidhiidh qoto dheer la leh Somaliland waxaan xasuusta beri aanu Burco isku aragnay,  2007 markii Laascaanood la qabsaday ayaan weydiiyey fikirkiisa  ku saabsan magaalada. Ciise Soofe  waxuu igu jawaabay kuwii Siyaad Bare la shaqaynsan jiray bal haka saaran ciidanka Laascaanood isagoo taageero u muujinaya Somaliland,uma muuqan ceebta dhacday iyo shacabka baro kacay, nafta iyo xoolaha burburay, sidee baa ninka caynkaas ah maanta u odhanayaa  saldanada beesha ayaanu haynaa.
Ciise soofe waa odayga hadda aaminsan in Salaadiinta Isaaq la keeno Buuhoodle isagoo aad u danaynaya aadna moodo in aan walaalkiis  noqon karin Garaad haddaan reero kale Aqoonsan taas waxaan leenahay Ciise waad ku qaldan tahay, C/risaaq Garaad Soofe waxaa ka dhigi kara garaad Dadkaa degan Buuhoodle iyo shacabka Khaatumo, waa sababta ilaa hadda C/risaaq u cadayn la yahay fikir ahaan waxa uu aaminsan yahay, shirkii beeshu la gashay , waa la ogaa C/risaaq Garaad Soofe  diidmadii uu ka baxshay in uu waxa uu aamin yahay cadeeyo taasna waxay u taal dadka dooranaya in uu Garaad noqdo waxa ay ka yeeli lahaayeen.
Gabogabadii garaadnimadu yey noqon wax lagu shaqaysto oo waa in  aad u fahantaan sharaf la idin saaray idina aad asturtaan oo hab dhaqankeeda ilaalisaan tusaale fiican waxaa idiin noqonaya hadaad ku  dhaqantaan . Allaha u naxariistee Garaad c/laahi Garaad Soofe.
Jaamac Cabdiraxmaan Yuusuf
USA