Saturday, August 2, 2014

War Mahadow bal ka fiirso! Hoos cararnimo shaqsi hoos u foorarsi qoys baa xigi doona!



War aduunka laguma ciiline xaguu ka neefsanayaa? Mahad noloshiisii SNM la daaqa ka horaysay waa la yaqaanay. SNMta uu ciidankiisii xalaasha ahaa qabeen aad bay u badan tahay. Ilaa iyo maalintii uu SNM ku biiray, Mahad dulinimo iyo guhaanad buu ku noolaa. Weli maanta ka horow ma arag isagoo hoos goondadda mid SNM ah. Bal dulinimadda intaa le'eg muxuu ku doontay? Maanta wuxuu hoos joogaa duli SNM ah isagoo Laas Caanood jooga. Duli SNM ah ayaa ku amraya wuxuu qaban karo, wuxuu weerari karo, wuxuu burburin karo iwm.

Mahad wuxuu yiri qofkii Khaatumo ka dhinta, waalidkiis uun baa tebaya. Alla muxuu been cad sheegay. Reer Khaatumoda xalaasha ah ayaa tebaya qof kasta oo ku dhinta difaaca iyo karaamadda Dhulbahante ee Mahad ugu gafuur xidhan yahay SNM burburinteeda. Midka geeri iyo mag la'aanta ku dhintay waa kuwa SNM dabadda ka soo riixayso si ay dadkooda u laayaan maanta berina u duleeyaan.

War iimaanka Alla ka qaad, dhamaan inta SNM maanta hoos hogata waxay ku nool yihiin dulinimo iyo inay Xirsi Toorille u kala tartamaan si uu afka macaan ugaga tufo, dulinimadda iyo yasidaa ay ku jiraan bay rabaan inay reerka oo dhan hoos geeyaan. Alle idin doori raggu hunguri xumadda caqli xumadday kaga dareen.

Mahadow, qodobkan adiga ma ku quseeyaa qoodh & xero? Halkan ay joogto cajaladu ka bilow. Haday kuu suro gali waydo, ka bilow daqiiqadda 8aad.

No comments:

Post a Comment