Thursday, September 13, 2012

The 6 traitors are on their way to a political wilderness!


Khaainul wadaniyiintii oo Faroole oo fawdo ka dhigay meeshuu xukumayay uu ka hadhay. Faroole isaga ayaa ugu hor tagi lahaa laakiin wuxuu ka dhigay fawdo meeshuu joogay oo sanad aan cidi la qabin xoog ugu darsaday. Raggii kale ee Soomaali bowdada jebiyay kuligood Alle waa ina dhaafiyay. Waxaan rajaynayaa inayna nagu soo noqon.


Sawirkan Aftaag.com ayaa iska leh.

Wednesday, September 12, 2012

"Ina Hebel" wa'ayo? Waa dameer raran oo caloosha loo soo buuxiyay lana soo rartay!

“Magaca Aabihii lagu sheege far baa ku gudan”

Waxaan is waydiiyaa “hindida” SNMta sandareedada ku nool maxaa u diiday in magacyadooda ay sheegtaan? Dhamaantood waxaa loogu yeeraa magacyadda aabahood. Nin magaciisa runta ah loogu yeeraa ma jiro. Bal tan ha la eego:

Ina Xaabsade
Ina Cambaashe
Ina Aadan Cadde
Ina Dhadhable
IWM

Maxay magacyadooda ugu meel mari waayeen?

Labo arimood ayay noqon kartaa;

Mid waa Af lagaado meel ka dhac ku noqon kartaa waalidkii dhalay oo aan mutaysan in la maago, taas anigu ma aaminsani waxna ka oran maayo, laakiin midda runta u dhow ee sababtay isticmaalka magac aan kooda ahyn wuxuu ka turjumayaa Ragganimo la'aantooda. Sidda dhaqanka u ah Soomaalida marka qof la liidayo magaciisa lama sheego ee astaan kale oo lagu garto ayaa la isticmaalaa. Nimankan ragganimo waa la hareer mariyay oo waxaay sandareero ku qaataan qaxinta maatooyinkooda, ragganimo la'aantaa iyo liidnimadoodu waa ta sabatay inay fikirkoodu ku ekaado inta calooshoodu buuxdo.

Arinta SSC ogsoon tahay waxaa weeye, nin liidkeedu muddo 20 sano ah ayay cadow u soo hogaaminayeen. Ummadna nin liidkeedu ma hogaamin karo. Nimaan reerkiisa (Xaaskiisa) maarayn karan Shacab ma maarayn karo. Nimaan ragganimo uu wax ku garto lahayn, shacab laguma khasbi karo. Reer SSC hubkii dowladdii Soomaaliya iyo doqonkooda la soo rartay waa lagu soo weerari karaa, waxaanse weligeed inta naftu ku jirto aan lagu dirqiyayn in lagu Khasbo maamul SNM leedahay. Dagaal waa lagu dhintaa ninkii dulmiga wada ayaana tan ugu dambaysa ka qoomameeya, dhiigyocab Siilaanyo iyo SNMta “Ethnic cleansing” iyo dameeradd u raran u soo adeegsanaya reer SSC meel gaari maayaan. Soomaaliya isku haynteedna dhiigga ugu dambeeya ayaan u qubaynaa.

SSC meel kastaad joogtaan fadhiga ka kaca. Hadaadan qoriga qaadi karin jeebka gacanta geli. Beenta iyo “ina hebel” hadal uu yiri u arag micnaha uu leehayay. Dameer la soo rartay oo caloosha loo buuxiyay, marka lagu meel gaarana sidda xanjadda macaanka laga dhamaystay loo tufayo yayna idin hodin. Reer Buuhoodle waxaan u sheegayaa, iska ilaaliya “Ina Hebel” yuusan tafaraaruq idinku ridine. Dagaalkani wuxuu bilaabay xorayntii dhulkii SSC lahayd.

VIVA SSC
VIVA Taleex
VIVA Khaatumo

Ama qori qaado ama dhiib $$ taas baa balan ah!

Sunday, September 9, 2012

Shuushow Bax! SSC & Somalia labadaba.


Shuushow bax! C/risaaq Sheekh Cumar & Saado Cali oo iska kaashaday heestan!



KHAATUMO HA DHEELIYIN!


Khaatumo ha dheeliyin! Dhagaysi haboon.


Cali Khaliif & beenta reer Puntland maxaa kala haysta?

Cali Khaliif oo shaaca ka qaaday beenta ay reer Puntland isla dhex maraan ee ah PL ayuu neceb yahay. Cali oo ka waramay la safashadii ay isaga, Kingkong & Xasan Abshir la safteen Jamaca Cali Jaamac markii uu C/llaahi Yuusuf la tartamayay.






Thursday, September 6, 2012


Halkan ka daawo heshiiskii labada maamul ee hareeraha inaga xigaa ay ku heshiiyeen. Dhagayso marka midka PL ka wakiilka ahi uu ku balan qaadayo inayna xabad dambe dhici doonin una hibeeyay degaanka SSC maamulka SNM.




Ninkii awal horeba shaki kaga jirayow ku bikaacso.

Wednesday, September 5, 2012













Dibad bax ka dhan ah calooshooda u shaqaystayaal Siilaanyo u soo wakiishay inay ka kor birinbirqeeyaan caruurtii uu aabayaashood ku xasuuqay Kalshaale & Sool Joogto mar kasta oo uu quruush ku soo guro afkooda qudhmuunka badan ee qurunku dilooday.
Halkan Ka daawo mudaaharadka oo sawiro ah.

Tuesday, September 4, 2012

Abwaan Crisaaq muxuu ka yiri Xaglatoosiye?












Gabay: Xaglatoosiye & Abwaan C/risaaq Sheekh Cumar

Jawaab: “Xagla toosiye wuxuu dhigay cashar ku saabsan nabadda”


Qoraal uu qoray Liban Axmed looguna magac daray “Xaglatoosiye wuxuu dhigay cashar ku saabsan nabadaynta” ayaa ah qoraal aan ku fadhiyin xaqiiqda ka jirta degaanka Khaatumo.

Xaglatoosiye Khaatumo ka hor wuxuu ahaa gudoomiyihii ururka Sool, Sanaag & Cayn (SSC). Ururkaas oo matalayay dadka ku dhaqan deegaankaas. Shirkii Taleex ka dib, dadkii degaankaasi waxay samaysteen maamulka Khaatumo. Saleebaan wuu ka qayb galay shirkii Taleex wuxuuna cadeeyay in shirkaa ka bacdi, dadka SSC go’aanka ay gaaraan uu waafaqsanyahay, hoggaanka ururkiisuna ku egyahay inta shirkaa ka horaysa go’aanka ka soo baxana waafaqsan yahay.

Dadka SSC waxay ku shireen Taleex, Khaatumo ayaa dhalatay, Xaglatoosiyena nasiib uma helin in la doorto. Sida Soomaalida caadada u ah, wuxuu noqday siyaasi laga cod badiyay oo aan aqbalin go’aankii dadka wuxuuna bilaabay mucaaradnimo ku wajahan Khaatumo.

La kulanka uu Siilaanyo la kulmay iyo talaabooyinka uu qaaday oo dhan waxay lidi ku yihiin midnimadda iyo jiritaanka maamulka Khaatumo. Xaglatoosiye wuxuu ahaa gudoomiyaha ururka SSC saan u sheegay, maanta markuu hadlayo kama hadlo SSC ee wuxuu ka hadlaa Buuhoodle. Hadalkaasi waa hadalka iyo fikirka maamulka Siilaanyo oo raba in arimaha Khaatumo loo kala jebiyo qoys qoys & degaan degaan. Degaan walbana loo diro qof ula hadla degaan ahaan si loo wiiqo fikirka guud ee Khaatumo iyo fikirkii hore ee SSC ee Xaglatoosiye hogaaminayay. Xaglatoosiye shirkii Khaatumo ka bacdi lagama maqal magaca SSC. Qudbadiisu waxay ku salaysantahay Buuhoodle. Xaglatoosiye SSC buu hogaamin jiraye maxaa nabadiisa maanta ku koobay Buuhoodle? Ma fikir isaga hadda ku soo kordhay baa mise waa fikir dad kale u danaynaya? Xaglatoosiye ciidanka uu nabadda ku raray muxuu u gaadhsiin waayay dhamaan degaankii uu hogaamin jiray? Sababta Xaglatoosiye iyo Liibaan Buuhoodle ugu celcelinayaan ee u kala saarayaan hadafka dadka reer SSC ma noo sheegi karaan?

Liibaan wuxuu yiri taladdii Buuhoodle waxay ku soo noqotay reer Buuhoodle. Goorta taladii Buuhoodle ka baxday gacanta reer Buuhoodle noomuu sheegin. Reer Buuhoodle Garaadadoodii, Isimadoodii, Boqoradoodii iyo dhamaan caaqiladoodii way joogeen shirkii Khaatumo. Waana taageereen 100% Khaatumo. Maantana Khaatumo oo reer Buuhoodle hogaaminayaan ayaa Buuhoodle joogta. Micnaha uu Libaan ka wado reer Buuhoodle taladii ku soo noqtay isagaa laga rabaa inuu naga jaahil bixiyo.
Libaan waxaan weydiin lahaa, goorta waxa walaalkaa ahaan jiray ay noqotay inay ku siiso tix gelin dheeraad ah? Moxamuud Xaaji Cummar waa oday reer Buuhoodle ah laakiin oday dhaqameed maaha. Caaqil maaha, magac ka sareeyana kuma magacaabna. Cid aflagaadaysay oo wax u dhintayna ma jirto. Reer Buuhoodle Garaadadoodii, suldaankoodii iyo Boqorkoodii oo reer Buuhoodle raali ka yihiin wakiilna u ah ayaa magacaabaya xildhibaanadooda.

Xaglatoosiye nabad ku meel gaar ah oo dano gaar ah laga leeyahay ayuu qayb deegaanka SSC ah u keenay ee sida Liibaan u sheegay shaqo wayn ma qaban. Gardaradda maamulka Siilaanyo ayuu u noqday jid fur. Maamulka Siilaanyo Buuhoodle kaliya dembi kama gelin dhulka Khaatumo. Dhamaan degaanka SSC- malaha waa sida Xaglatoosiye jecelaan lahaaye, ayaa dembiyadu ka dhaceen. Xaglatoosiye hadafkiisii ahaa SSC wuxuu ku badalay Buuhoodle. Wuxuu la saaxiib noqday qof kasta oo shalay markuu SSC ahaa colka la ahaa. Xaglatoosiye bal maanta hareerihiisa ha eego oo ha iswaydiiyo qof kasta oo maanta la socdaa shalay markuu Xaglatoosiye danta SSC u taagnaa siday u arkayeen? Ma is waydiin karaa taageerayaashiisa maanta oo shalay ka soo horjeeday ma isagaa mowqifkiisii bedelay mise taageerayaashiisa maanta? Ha is waydiiyo waxa mideeyay maamulada hareeraha iyo taageerayaashiisa iyo siday isaga shalay u arkayeen.

Nabaddu waxay asal u tahay nolosha. Nabaduse waddo iyo marin loo maro ayay leedahay. Liibaan nabad aan qaan gaarin ayuu Xaglatoosiye ku amaanayaa. Xaglatoosiye waxaa si wacan uga faalooday hadafkiisa Cusmaan Xasan. Xaglatoosiye iyo Siilaanyo midkoodna nabad doon maaha. Dantooda ayaa maanta midaysay. Dantaas oo ha mid ka soo horjeeda danta shacabka SSC ama Khaatumo.

Dumping ground for drop outs and drifters!








Somaliland: A Dumping Ground for Khaatumo Drop Outs, Drifters and Dead Woods
By Osman Hassan
July 07, 2012

Since declaring their unilateral break-up from Somalia, the one clan separatist enclave calling itself Somaliland (north west Somalia) had been confronted with the sobering reality that recognition of any secession by the international community is remote at all times but more so if it is pursued by a single clan that does not have the support of the four unionist clans in the territory (former British Somaliland) as in their case. And since it is unthinkable that the unionist clans will ever consent to secession (a contradiction in terms), the door to recognition through that route is permanently foreclosed.
Faced with this stark reckoning, and for want of legitimate options, the secessionists could only resort to carrot and stick approach if they were ever to address the exigencies of their secession. Thus, on the carrot track, they had to lure potential collaborators from the clans they occupied with initially royal treatment and lavish financial rewards in order to encourage others to follow their footsteps. The hope was that mastering a critical mass of collaborators would enable them to window-dress their administration as an all-inclusive one encompassing all the clans of the territory, with an eye on the international community and the expectation that this sham show will earn their satisfaction - a wishful thinking only they entertained. And on the stick track, they took leaf from the book of their former colonial master and simply occupied the recalcitrant unionist clans, in the misguided belief that control over these regions achieved through occupation and coercion would be accepted as meeting the necessary conditions normally required for recognition.
Of all the unionist regions, it is in the SSC regions (now the Khaatumo State) where the dual track of using the carrot and the stick had been more rigorously applied and where the destiny of the secession will ultimately be determined. If the Khaatumo State, the bridge with the rest of Somalia, slips from their hands, Somaliland's edifice will fall apart like a house of cards. Presently, Somaliland occupies the capital, Lascanod but otherwise the rest of the SSC regions are under the control of Khaatumo State of Somalia. It is only a matter of time before Lacanod too is liberated and the occupiers sent back to whence they came from, if they have not left by then on their own accord.
It is a mark of Somaliland's desperation that the only success they can point out to, if one can call it as such, is in winning a clutch of SSC collaborators and Quislings to their side. The question one has to ask at the end of the day is what value do these collaborators add to the enclave's recognition prospects to compensate for all the financial sacrifices invested in them?. How often have we seen Xaabsade, the turn-coat par excellence and the secessionists over-used trump card, presented at international forums, but humiliatingly ignored for what he is: a pathetic worthless puppet of his masters and not a representative of the SSC people as his keepers will laughably have the world believe.
Somaliland's dual track, of carrot and stick approach, is a failure every where in the unionist regions and more so in the SSC/Khaatumo State of Somalia. On the ground, the capital of Khaatumo is in their hands, but the days of their hold on the city are numbered. And at international level, the United Nations and its member States have on so many occasions upheld the unity and territorial integrity of Somalia, as they are obliged under the United Nations' Charter - a stand they took at the Istanbul conference on Somalia that clearly rejects the secession and by implication recognises the right of the SSC people to self determination and to be part of Somalia.
Far from rewarding occupiers with recognition, the international community is more likely to sanction successive Somaliland leaders for trampling over the inalienable rights of the occupied SSC people, and, if warranted, bring all those that are culpable before the International Criminal Court ( ICC) in The Hague for possible war crimes and crimes against humanity. The pictures now appearing in the media showing the dead bodies of SSC prisoners captured in the recent clashes in Sool Joogto, who were clearly cold-bloodedly murdered while in captivity, is only the latest incontestable case of war crimes committed by Somaliland. This will only add more weight to demand for the indictment of those who had a role in these unspeakable heinous crimes. The indictment of some African leaders in Liberia, Sudan, Kenya, Congo Democratic Republic, among others, at the ICC have ended the era of impunity in Africa. Somaliland should be no exception.
Facing looming defeat in the SSC regions at home, and with support for Somalia's unity and territorial integrity now the dominant resurgent voice of the international community at international forums, this would have been the time when common sense and realism should have prevailed and trumped illusions and wishful thinking. Unfortunately, the secessionists remain prisoners of their own make-belief and blinded to the reality. Instead, they have now resorted to using their last card of destabilising Khaatumo State of Somalia through the use of local mercenaries it armed, while courting all Khaatumo drifters with increasing bounties. The hope is that where occupation has failed to win them results, destabilisation will do the trick by gnawing at the fabric of Khaatumo and ultimately bring it down. This is like a drowning man clutching at a straw and the outcome is predictable
As bad news take their toll on the enclave, at home, abroad and at international conferences on Somalia, they get uplifted each time they get another SSC dropout in their net and trumpeted as a harbinger of the end of the SSC/Khaatumo's opposition to the secession. We are now going through one of those times, following the purported defection of Mr Suleiman Isse Ahmed (Xagla Toosiye) to Somaliland. One has to ask what this man, for sometime a spent force and adrift, can bring Somaliland that others before him could not do? What has been the returns on Somaliland's other bigger catchs such as Qaybe, Xaabsade, Aden Fuad Cadde and the other miserable lot now marooned in Hargeisa - all bleeding their hosts' meagre resources?.
Xagle Toosiye's defection will not have any dent on Khaatumo. His sell-out to the secessionists can only evoke pity and sorrow for a once promising young man who now sadly brings his final downfall on himself - a man who was once admired for his business acumen and success and above all his generosity to his community. The question of course will still be asked why he did it? Was it for financial gain now that his business has busted?: possible but unlikely. He may be politically misguided but he is not venal and in his own a way a proud man. Was it then a collective revenge on his Khaatumo people for denying him, as he sees it, the crown he deserved at Taleex and blaming them for his demise? Very possible. Or is it that he still sees himself as the reigning SSC Hogaan (leader) who is merely meeting his counterpart, Siilaanyo?: Possible but disingenuous and ridiculous. It could be any of these possibilities but that is a moot point now. Whatever the true reason, he may not be the last person to take that beaten track to Hargeisa. As long as the secessionist enclave exists and eager to reward collaborators, Somaliland will continue to be a dumping ground for Khaatumo's drop outs, drifters and dead woods. The bottom line is that these drifters are no gain for Somaliland and no loss for Khaatumo. When will they learn that?
Osman Hassan
Khaatumo Forum for Foreign Affairs

Adeer Osmaan muxuu ka yiri Xaglatoosiye?














Saleebaan Cisse Axmed Kaar (Xagle Toosiye) waxaa loo doortay bishii October ee Sanadkii 2009 Hogaanka Badbaadada iyo midaynta SSC shirkii qurba jooga SSC ay ku yeesheen magaalada Nairobi. Anigu shirkaas baan ka qayb galay aniga oo hogaaminaya wafdi ka socda ururka NSUM. Kulankas baa iigu horaysay barashada Xagle Toosiye. Waxaan xusuustaa in dadkii yiqiin ee ka yimid Maraykanka iyo SSC gudaheeda ay ka digeen in uusan ka soo baxayn xilkaas laakiin dheg looma jalaqsiin ee aqlabiyad 2 cod ah ba lagu doortay. Si kastaba ha ahaatee, shirku farxad iyo damaashaad buu ku dhamaaday marba hadii wax SSC ay leedaday ay abuurmeen.
Balantii Nairobi lala lahaa Saleebaan waxay ahayd in dhulkii aado, shaqadii loo xilsaaray uu guto, taas oo ahayd inuu dadka mideeyo, meelkasta oo SSC ah uu tago ka howl galo oo deegaanada la haysto uu xoreeyo. Intaa marka uu guto ayaa waxa balantu ahayd in la qabto shirwayne SSC oo laga tashado in ama maamul gaara SSC la sameeyo ama in Puntland lagu sii jiro. Saleebaan intaas baa looga fadhiyay laakiin waa kawada dheregsanahay waxa uu ku danbeeyay min taariikhdii loo magacaabay Hogaanka October 2009 iyo Shirkii Taleex ee December 2011. Waa run oo samcadii SSC bilowgii intii mudda ah cirka ayay isku shareertay. Laakiin samcad aan camal la socon waa xoor oo kale, xoorna waa kii dhaca oo aan ku haqabtirin. Warku isaga oo kooban wuxuu yahay, Saleebaan dadna ma midayn, halganna ma gelin, mana jabhadayn, dhulna ma xorayn. Shaqadiisii waxay isugu uruurtay in uu ku ekaado fadhi ku dirir gurigiisa Buuhoodle.
Fashilaada Hogaankii Saleebaan baa keentay in la abaabulo shirarkii Khatumo kow iyo laba ee ka dhacay London iyo Taleex ee dhaliyay in la sameeyo Khatumo State of Somalia oo loo sameeyay in uu qabto wixii Hogaankii Suleiman ka baaqsaday in uu qabto oo ahayd midaynta iyo Xoraynta SSC. Sharafta, gobanimada iyo wanaagu wuxuu ahaa in Saleebaan garab iyo gaashaan ba siiyo Khatumo isaga oo u danaynaaya danta iyo maslaxadda dadkiisa SSC ee uu gabay. Saleebaan sidaa ma yeelin ee markuu iska arki waayay madaxda Khaatumo ayaa wuxuu u guntaday in uu aarsado oo burburiyo sidii habar masayrtay. Waa yaabka yaabkiise, yaa islahaa waxaa la arki doonaa Saleebaan kii ahaa Hogaanka badbaadada, midaynta iyo xoraynta SSC oo horgale iyo horseed u noqda kala furfurka, kala fogaanshaha, iyo haysashada Somaliland qaybaha SSC!.
Dadku qaarba si bay u cabiraan sababaha ku kalifay Saleebaan in uu heshiis la galo Siilaanyo. Laga yaabee in aan qaldanahy, laakiin anigu Saleebaan inta aan ka arkay uma arko in uu yahay nin dhuuni qaata ah oo huguri iyo lacag jacayl geeyeen Hargeisa. Anigu sawirka aan ka qaatay Saleelbaan waa nin isla wayn, hanwayn, saqajaanka ka xishooda, madax adag laakiin garashadiisa la saluugo oo markaa caqlixumo jar ka tuuri karto. Anigu waxaan u arkaa sababta Saleebaan gaysay Hareisa in ay tahay aar gudasho uu ka aar gudanaayo Khaatumo oo coolaada uu gaadhsiiyay heer gobaleed iyo degaan. Faysal Cali waraabe ayaa laga hayaa “wiilka Amxaarka ah ee ku dhashaaAddis Ababawaa iga xigaa wiilka Somaaliyeed ee Xamar ku dhasha”. Sida muuqata, Saleeban reer Hargeisa ayuu ka xigsanayaa Dhublahantha aan ahayn reer Buuhoodle! U malayn maayo in ay jrto colaad gaara ah oo uu qabo shacabka reer Nugal ee wuxuu u aanaynayaa colaada uu u hayo shakhsiyaadka ka soo jeeda Nugal ee ka muuqda Khaatumo oo uu u arko in kursigiisii ay qaateen. Sow caqli xuma maah?
Heshiiska uu Saleebaan la gaadhay Siilaanyo waa laba arin: maxabiis la is waydaarsado iyo ciidamada SNM oo dib ugu noqda dhowr kiiloomiter dhinaca Qorulugud. Su’aashu waxay tahay: tani ma nabad dhab ah baa oo waaraysa misse waa mid dhalanteed ah? Haday dhalanteed tahay, waana tahay, sow beriba Siilaanyo dagaal soo oogi maayo, reer miyi maxabiis u qabsanmayo, oo iska daah Maygaagle iyo Sool Joogto oo ay dib ugu soo laabtaane ay socon doonaan ilaa iyo Buuhoodle wakhti reer Buuhoodle isdhigteen, nabad been been ah isa siiyeen, oo ciidamadoodiina kala dareereen oo reerahoodii ku noqdeen. Himilada hoose ee qarsoon ee nabada been beenta ah lagu dhaahaayo waa taa.
Himilada guud ee Siilaanyo waxay tahay burburka Khatumo oo Saleebaan iyo wixii uu wataa ay fuliyaan, kadibna uu SSC oo maamul la’aan, iyo madax la’aan ka jirin uu markaa qabsado SSC dhamaanteed, hoog iyo xeelad midkastaba ha noqotay. Hadii Siilaanyo ay ka dhab tahay nabad uu la gaadho Dhulbahante, waxaa uu ka bilaabi lahaa ciidamdiisa sanadaha Laascanood ku hayay tacadiga iyo xanuunka oo uu kala baxo iyo meel kasta oo kale oo SSC ah. Laakiin dhowr kiilomiter baan ciidamadiisa dib u guranayaa gudaha gobolka Cayn waa sheeko lagu maaweeliyo waxma garadka ee meel ka dhac bay ku tahay ummada SSC, meel kasta iyo gobol kasta haka tirsanaadeene.
Siilaanyo wuxuu Saleebaan ka helay is dhiib iyo Soomaaliland ka midnimadeeda oo lagu asturay gogol nabadeed iyo nabad been been oo intii sanad ah uu raadinaayay in uu Dhulbahante ula yeesho reer reer iyo magalo magaalo. Widhwidh baynu ogain, maantana waa Buuhoodle. Sida Meles uuSomaliau kala saarsaaray gobol gobol taladiiSomaliaku burburtay, ayaa Siilanyana rabaa in SSC u kala furfuro. Dabcan Dhulbahante lakala furfuray waa kii si sahlanSomalilandku noqda, beelihiisu u tartamaan Siilaanyo sida isaga iyo Faroole iyo kuwa maamulada kale ee Somaliyeed ugu tartamaan Meles. Guushaas inta badan waxaa u soo hooyay Xagle Toosiye iyo kuwa kale oo caam baxay magaca horgalayaasha. Waa halki geedkii yidhi ” gudin yahay imaadan goyseen hadaan badhkay kugu jirin “.
Waxaa tiiraanyo leh in wax ma garadku iyo danraaco ay Saleebaan ugu soo dhoweyeen soo noqodkiis Buuhoodle sidii halyay guul usoo hooyay halka uu guul daro soo hooyay. Maalin kale ayaa la garan in Saleebaan yahay cadow Dhulbahante, cadow midnimo iyo cadowSomalia. Allah mahd leh, Khatumo waa ka wayntahay wax hal qof iyo wax ka badani ay dumin karaa. Mudadii yareed ee ay jirtay, waa ka saayid calaysaySomalilandgudo iyo debed ba. Xoog baa intaa u sii kordhaaya. Midnimo la’aani waa guul la’aan. Gobol iyo beel inta kale ka maarmi kartaa ma jirto (Divided we perish, united we succeed). Waxa meesha ku khaatuma beelay waa Xagle Toosiye waana mid laga xumaado in halyagii aan ku dooranayNairobiuu saa ku danbeeyo
Osman Hassan

Khaatumoda Allow ha naga xumayn!


Ninba meel ayaa kartidiisa & garaadkiisu dhigaa. Xaglatoosiye awoodiisu waxay ku soo sintay ilaa iyo maalintii reer SSC ay midoobayeen. Maalintay midoobeen ayuu ka xarig furtay oo meeshii ugu xumayd aaday. Ma garaad bay ka tahay, ma hunguri bay ka tahay, mise wax kale? Waqtiga ayaa noo sheegi doona. Waxaanse leeyahay, Alle waxaan anigu ka baryayaa inuusan Khaatumadda iga xumayn. Waxaan kale oo cadaynayaa, talo SSC isku raacday inay aniga i dabarto xitaa haddii shaqsi ahaan laygu gafo.










"Meyd dhintay ayaa dhaama kuwan nool" Siday u arkaan weeye

Safarkii loo kala taratamay.













Shariif wuxuu u tagay in madaxweyne laga dhigo
Cabdiweli wuxuu u tagay in madaxweyne laga dhigo
Faroole wuxuu u tagay in uu in person u yiraahdo "Melez anaga ayuu naga dhintay"!
Siilaanyo wuxuu u tagay inuu inta ooyo sidii Hargaisa uu yiraahdo "Saaxiib qaali ah ayaan ahayn".
Cabdi qabydiid wuxuu u tagay inuu ka bedeli doona uga dheereeyo xaynta kii hore u shaqayn jitay.

Soomaali taas ayaa u dambaysay. Waa siduu rabay, medkiisii ayay xitaa u kala dhowaanayaan!