Monday, August 18, 2014

Rabbi, Run iyo Rag Ma aqaan Reerkana Anigaa u Talin

Magacaygu waa garaad,ugaas ama boqor, hana la yaabin magacyadayda badan oo gobolo Soomaaliyeed baa jira oo qofku sadex magac leeyahay. Mansabka laga dhadhansanayo magacyadaydana ama aabahay baa iiga dhintay ama reerkayaga ayaa mar ii ilduufay oo caano igu saydhay. Badiba waxaan ka hawlgalaa gobolada SSC, shaqadayduna waxay ahayd inaan wiil horgale ah oo ama Puntland ama Somaliland u shaqategaya shaambad weyn warqad habeen badhkii guriga la iigu keeno aan ugu dhufto. Inta badan xoogaa kaharash ah oo horumarin ah ayaan ka helaa ninkaa shaqadoonka u ah mamulada P/L iyo S/L, dhaqaalaha xoogiisuna wuxuu isoo gadhaa hadii nikaasi ku guulaysto shaqada uu doontay weliba waxaa ugu wanaagsan marka wasiir loo magacaabo ama madaxweyne ku xigeen. Waxa dhacda marar badan in hal shaqo oo maamuladu ku yaboohaan aan labaatan nin oo isku jilib ah aan kuligood shaambada ugu wada dhufto taas oo igu keenta dhibaato aanan ka soo waaqsan mudo dheer oo la ii maleeyo inaan ahay qof waalan, waxaase igu kalifa arintan ileen ruux cadaalad iyo iimaan leh ma ihi oo mar walba eex iyo laaluush baan gacanta kula jiraaye in la ii hanjabo oo la i iydhaahdo “Waa ku ognahay waxaad wado tuugyohow, hadaadan sida aad hebel ama reer hebel ugu shaambadaysay noogu shaambadayn, walaahi annaguna mid baanu caana ku shubanaynaa oo dib danbe shaambad aad leedahay u soo doonanmayno.” Markaas ayaan miyir beelaa oo idhaahdaa “War la kaalaya waxa warqad magaalada taal anaa idiin shaambadayne dagaalkana iga joojiya.”
Taa waxaa igaga daran berigii hore fariimo afka ah ayaanu maamulada isdhaafsanjirnay oo rag aan ku kalsoonahay ayaa noo kala dabqaadijiray, maantase waxaa jirta in telefoonka mobileka lagu wada hadlo oo si toos ah loo sheekaysto, waana arin faa`iido badan oo warkii degdeg buu isu gaadhayaa, balse waxaa marar badan dhacday in habeenimo anigoon aan arkayn magaca isoo wacaya aan halkii aan ka odhanlahaa “Riyaale/Siilaanyo inaan ka idhaahdo Cade/Faroole/Cabdiweli.” sidaasna lagu ogaado inaan ahay oday hungurigiisu aanu xuduudlahayn. Arintani mudo ayay dhib igu haysay, waxaase Illaahay mahadii ah inaan maanta telefoonada maamuladu isku khaldamin oo mid waliba aan mobile u gaar ah u sameeyey. Waxaase jirta arin dareen ay ka muujiyeen reerkaygu oo ah marka telefoonka maamuladu soo dhaco inta badan waan kacaa oo meel gaar ah ayaan tagaa dadkana waa ka durkaa, taas oo keentay tuhun iyo shaki hor leh. Waxaa iyaduna jirta arin ugub ah oo dhawaan soo korodhay oo kelmedii aan maalin idhiba waxaa lagu kaydiyay qalab muuqaal iyo codba duubaya oo la yidhaahdo “YUU TUUB.” oo hadii loo dhaba galo wixii aan ku tiraabay sanooyinkii ina dhaafayna waxaa si sahlan u cadaanaysa inaan ahay qof qalbigu qalalay oo aan xitaa is maqlayn oo is ogeyn.
Arintu iyadoo meel fiican ii maraysa oo musharadu labada dhinacba iska soo dabadhacayaan, ayaa waxaa igu soo duulay jin iyo jaan lagu sheegay qurba joog oo wata waxay ku sheegeen Hogaanka SSC, nimankaa waxaa na dhexmaray dagaal faraha lagaga gubtay oo aan waxba la isu reeban, waxayse ku guulaysteen inay dadkii iga hor keenaan oo toosh weyn igu ifiyaan, aniguna waxaan ka faa`iiday mushaharkii maamulada oo kordhay maadaama cadaw maamuladu leeyihiin SSC ka bilaabmay. Dufcadan oo u badnayd dhalinyaro waxaan markii danbe dhulka ku dhigay tab iyo xeelad anigoo xitaa iyaga dhex maquurtay oo magacii SSC kula daartay maraqii ilaa aan markii danbe la soo baxay SSC/Smaliland iyo SSC/Puntland. Ciyaarta anigoo gacansareeya oo ay meel fiican ii raacayso ayaa raacdo reeb waayeelkii,siyasigii, aqoonyahankii iyo haweenkii reer SSC ku dhanyahay mar keliya igu kiciyeen hugun, onkod iyo hilaac aan ku indha daraandaray waxaana anigoo jiheeyuhu iga lunsanyahay oo meel aan joogaba garanayn la i geeyey qalcadii Taleex, waxaana indhaha soo kala qaaday oo miyirsaday iyadoo suul iyo saxeex la iga qaaday oo anigoon is ogayn maamuladaydii la iga horkeenay. Waxaa halkaa igaga dhacay diingaraaro aan ilaa hada ka soo waaqsanwaayay waxaan noqday hal laba midigoodle dhengedeeyey oo markan maamuladiina way iga aaminka baxeen, reerkaygiina carrabkayga dalabta leh way arkaan oo iyaguna il gaar ah bay igu eegayaan, aadna waan u baqayaa oo kacaanka Khaatumo ayaan is leeyahay yaanu ku galaafan, arinta maanta geerida igaga daran ee aan hubo inaan ku god gelayaa waa maamuladii oo soo rogay sharci cusub oo odhanaya “Oday kalsoonidii waa luntaye, hadaad maamulka wax la wado oo ay dhab kaa tahay kaalay caasimada maamulka.” Taas oo macneheedu yahay inaan Hargeysa ama Garoowe midkood ka soo jeesto.
Somalidu waxay ku maahmaahdaa “Hadii fooli timaado guda qarsi dhimay.” ina badan baan qarsanayay balwadan foosha xun, inbadan baa dad aan xogtayda dhabta ah waxba kala soconi i difaacayeen oo layaayeen maxaa laga rabaa odayga reerka? waxaa khasab noqotay inaan badheedho oo balwadayda daacad u noqdo oo Hargeysa iyo Garooweba ka soo dhex muuqdo, waxaan gelayaa dagaal ba`an anigoo isku huba in maamuladu ila dagaal gelayaan oo cadawga doonaya inuu aniga iyo mamuladaba meesha ka saaro ayaanu si wada jir ah isaga kaashanaynaa, cadawgaasi waa maamul goboleedka Khaatumo, arinta aan farta wadnaha kaga hayaa waxay tahay waxaa Khaatumo la jira rag i far garanaya oo aan hubo inay dhalaaxda i qaadayaan, waxaa taa ka sii daran dadkii oo baraarugay oo ka ilbaxay beentii aan buufinjiray. Waxaanse balanqaadayaa inaanan waxba reerba oo aan xadhiga kasta ka garaaco, dadkana fooda isu wada geliyo anigoo adeegsanaya kala qaybin iyo isku dir hoose oo beelaha Khaatumo ah. Maanta waxaan oday u ahay waa horgale iyo inta ku hareeraysan, saadaashu ma qurux badna, rajaduna waa mid sii gudhaysa, hayeeshee inaan qaado weerer naftii haliga ah sida Shabaabku waa xalka keliya ee i furan.
Ka dabategid: Warbixintu waxay khaas ku tahay kuwa amaanadii loo dhiibtay khiyaamay.
Ali Abdi
yagoori88@gmail.com

No comments:

Post a Comment