Friday, November 29, 2013

Maalintay qadhaadhaato baa la kala miirmaa!


Waxaa meesha iiga muuqdo caqli wiqiyad aad u tiro badan. Qolyo badan oo Khaatumo u bashbash lahaa markii adeerkood hor boodayay ayaa maanta u muuqda inay ka soo hor jeedaan. Taasi waxay kuu cadaynaysaa hadafkoodu maahayn kan guud ee Khaatumo ee wuxuu ahaa mid hoose oo qoys ku salaysan. Taas caqli xumadda iyo dadka u saaxiibka ah ha loo daayo.
Intiina kale, qaar badan waxaa laga yaabaa inay iskaga kii qaldanayeen labad maamul ee hareeraha idinka xiga. Hadaad is leedihiin mid baa kan kale ka dhow riyo qabyaaladaysan baa idin haysay. Labada maamul waxaa caado u ah in nin liidka iyo geel-kiiska reerka ay urursadaan kuna karbaashaan dadka muxsinka ah ee qadiyadda leh. Labada midna guulaysan maayo. Ogaada haddii tuulo ka soo harto degaanka Khaatumo aakhirka fikirka Khaatumo, Soomaalinimo ayay ku dambaynaysaa.
Hadaba reer Khaatumo qabyaaladda inta iska daaysaan PL & SNM land isku si ha u arkeen. PL jiritaankaaga ma ogola. Waxay ka door bidi lahaayeen in maanta SNM Taleex qabsato oo inta SNM ka carartay ay iyaga magan u noqdaan oo Hawiye iyo Soomaalina ay kula gor gortamaan inay inaga ina matalaan.
Riyadan casarka joogta inta iska daysaan SNM, PL (Majeerteeniya ugu yeeri maayo oo Faysal Cali Dhurwaa ku dayan maayo) iyo Awr kiraale kasta oo la socda Ina Cali SHire hurdaaye iyo Hebelkaa karaash inta hadal hayntooda daysaan is waydiiya waxaad rabtaan.
Labo idinkaa u door leh. In reer Khaatumo mid noqdo iyo in nin waliba wixii la gudboon uu yeelo.
Hadaad isku raacdaan inaad mid noqotaan, saddex inaad kala doorataan weeye.
1) Inaad Dhaqan raacdaan oo SNM wax la qaybsataan. SNM ayaad dhaqan wadaagtaan ee Dhabayaco dhaqan idinkama dhexeeyo. SNM wax la qaybsigay rabaanna waa inay Soomaali idinka kaxeeyaan. Markaa waxaad ka yeeli lahaydeen waa talo idiin taala!
2) Inaad Dhiig raacdaan oo aad PL marti ka noqotaan. Waxay idiin gartaana aad qaadataan. Sharcigii Oromo sheegay ee ah in PL tahay naag Dumaal ah oo Moxamuud Saleebaan keliya geyo aad adeecdaan (Tusaale waxaa idiinku filan 20ka musharax imisa ayaa Moxamuud Saleebaan ah?.)
3) Iyo inaad Khaatumo u dhimataan. Sadexdaas ayay idiin joogtaa hadaad meel isku raacdaan.
Hadaad meel isu raaci waydaan oo nin waliba meeshii la gudboon yeelo.
1) Jaamac Siyaad tashay oo SNM buu door biday.
2) Ugaadhyahan tashay oo meeshii wax yaalaanba lug inay ku darsadaan bay u bateen. PL iyagaa matala SL markii looga hore marayna waa ka daba galeen.
3) Bahararsame tashay oo SNM in la hoos joogo bay dhegta isugu sheegeen.
4) Barkad SNM buu u batay. Rag badan oo Khaatumo gowska ku dheganina waa jiraan.
5) Xassan Ugaas tashay oo PL (Dhalasho dhaqan u asal yahay) bay doorbideen. Dhalasho mooyee Dhaqanna waa la wadaagaan reer PL.
5) Reer Buuhoodle ayaa weli kala miirmin. Waxaa la kala ogaan doonaa beri dhow inay sida qolyaha kale lababa meel aado. Inay SNM xarigga ku xirtaan. Inay PL magan u noqdaan. Armayba Kililka ku biiraan?
Taasay maanta idiin joogtaaye kala doorta. Caadifadda qabyaaladaysan iyo cayda aad meeshan la joogtaana iska daaya. Indhosheel ninkii maanta maaga ama caaya waa doqon duli huwan. Waa ninka kaliya ee saddexdii nin ee la sharfay u taagan in Khaatumo meel istaagto. Ama dhaqan ha xeerinayo ama garasho uu dheer yahay asal ha u ahaato maanta saddexdii nin isagaa ka joogga.

Bahasha qabyaaladda la yiraahdo waa sidii loo sheegay oo ma joogsato. Waa sidii basal. Shaqsina lama taageero ee hadaf baa la taageeraa. Hadaad Indhosheel, Hebelkaa Karaash, Biindhe iyo kuwa adeegayaasha ah aad raas ku taageerayso, dee beriba way tegayaane ma meeshay aadaan baad la aadi? Haddii Xaabsay shalay ahaa "your hero" markuu PL joogay maantana ma "Hero" ayuu kuu yahay? Kala barta bahash siyaasadda la yiraahdo.

Kan maanta ku xasuuqay dadka ehelka ah Taleex, Faroole beri ayuu tufi doonaa sida Xanjo macaanka laga dhamaystay. Xaguu geli? Ma Faroole Futadiisa ayaa fadhiisin u noqon doonta? Raggan uu xasuuqay ee raaska u laayay isagaoo Majeerteen u adeegaya adeegsanayana sow kuwa Xudun jooga maaha iyagoo SNM la socoto? Haday maanta soo dhaqaaqaan oo Taleex soo aadaan isaga iyo 40 gaadhi ee Majeerteenku u soo dhiibeen Garoowe xagga kale ayay ka marayaan. Yaqaan dhibe u xiniinyo wayn weeye ragga xabadda uga turaya. Bal meesha uu his miserable life ku dhamaysto ayaan arki doonaa.

Aaad baan uga tacsiyadaynayaa reerkaa Taleex lagu xasuuqay. Sababta kaliya ee lagu laayayna ay tahay NO to Majeerteen NO to SNM yes to Khaatumo! We shall never forget!!

Barasho wanaagsan……

Abwaan Faroole iyo kuwa u faruur xidhani ku gowraceen Taleex.


Halkan ka daawo

Xasuuqa Taleex waa Xasuuq reer Khaatumo meel kasta oo ay joogaan.





Dubai,(lasanod Online)- Jaaliyaada khaatumo ee wadanka imaaraadka oo ka tiiraanyeysan xasuuqii Cabdisamed iyo Faroole ay u geysteen shacabka reer Taleex..
dhacdadii lama ilaawaanka aheyd ee ay ka geysteen Magaalo madaxda khaatumo ee taleex taariikhda 27/28/ 11/201. tasoo ay ku naf waayeen qaarna ay ku dhaawacmeen hanti badana ku bur burtey.
Waxaanu cadeyneynaa hadaanu nahey jaaliyadda khaatumo in aanu la qeybsandoono dhibka isugu jira
xasuuqa iyo bara kicinta umad aan waxba galabsan uu guryahoodii lagu xasuuqey, waxaana naga go'an jaaliyada ahaan .

1) In aanu umadda khaatumo dal iyo dibadba loo diyaar garoobo
    sidii shacbiga khaatumo ee reer taleex ee xasuuqa xun loo geystey
    aynna geystee CABDISAMAD, FAROOLE iyo canaasiirtiisu si deg deg ah jawaab looga
    bixiyo .
2) Jaaliyaada imaaraadku waxa ay ka codsaneysaa in jaaliyadda khaatumo
    ee ku kala nool qaaradha aduunka sidii gurmad dhanac kasta ahba
    loo gaadhsiin lahaa xasuuqaas ka dhacey magaalada taleex.
3) Jaaliyadu waxa ay ka cosaneysaa in shacabweynaha ku dhaqan
    goboladda SSC guud ahaan fadhiga ka kacaan sidii loo la isu garab
    taagi lahaa walaaladeen reer taleex.
4) Jaaliyadda imaaraadka waxa ay ka xuntahey iyada oo mudo hada laga
    joogo 15 cisho waa markii duufaantu ku dhufatey gobolka uu ka soo
   jeedo dagaal ooge Faroole ay si wada jir ah ugu gurmadeen shacbka



REER TALLEEX  iyo reer khaatumo dal iyo dibadba in dhaqaalihii ay
   iska soo ururiyeen loogu abaal gudo in lagu soo iibsado rasaas lagu
   xasuuqo shacbiga reer taleex iyo guud ahaan reer khaatumo.
 5) Jaaliyaadu waxa ay beri oo ku beegan 30/11/2013 isugu imaaneysaa
    shir deg deg ah oo ay kaga tashanayaan xasuuqaas Faroole iyo kooxdiisa. u geysteen shacabka xalaasha ah ee reer Taleex .
SHACABKA REER TALEEX WAXAANU LEENAHEY INAA LI LAAHI
WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN MANA ILAAWIDOONO DHACDADAAS


RASHIID DIIRIYE FAARAX
AF HAYEENKA KHAATUMO
EE WADANKA IMAARAADKA