Thursday, May 22, 2014

"Markaan tamary hayayna talo ma hayn, markaan talo hayayna tamar ma hayn"



download (2)Warka manta soo baxay ayaa wuxuu sheegayaa in nimankii SNM hoos fadhiyay intii “Goo-garaddu” maamulaysay mooyaane intii kale inay bishinta calaalinayaan.
Xaabsadde oo 23kii sanno ee Soomaali burbursanayd maamuladda hareerahana la joogay ayaa manta oo cimri uu joogo ogaaday in xaalkiisu aakhiro seeg yahay. Lugooyadiisii ugu waynayd waxay ahayd isagoo SNM u gacan geliyay degaan badan oo reer Khaatumo. Isagana markii dantii laga lahaa laga gaaray baa banaanka loo tuuray. Maantana wax laga waydiiyo deegaankiisii iyo dadkiisii ma jiraan.

Waa ta isagoo Hargaysa SNMta magan u ah lagu duulay Garaadkii guud ee Dhulbahante isagana garaad qoys u ah. Waa midda cid kasta oo damiir lahi ay qaadan wayday in Garaadkii oo jooga meelaha ugu fog xuduudda SNM in inta loo tago isagoo gurigiisii jooga gurigiisii loogu galay! Ninka manta taa qaatay ee ka sii darane aan xitaa loo sheegin qorshaha iyo waxa laga samaynayo deegaankisii laguna sharfin Garaadkiisii ayaa hadda ogaaday xaqiiqda 14 jirka Kalabaydh joogaa uu ogyahay.  Waxay manta ogaadeen kuligood waxa ay xaqiiqatan yihiin oo ah “Ag Fadhiyaal” ku hoos nool horqodaal reereed una fadhiya cad quureed. Waa ta manta iyadoo caruur, ciroole, wax garad iyo dhamaan reerkoodii ay ka tashanayaan aayahooda ay weli hoos fadhiyaan SNM is waydiinayaana war maxaa xigi?

Waa ka manta isagoo 80 jirka ah yiri “Qoomamo” ayaa I haysa. Qoomamo nin da’ yar iyo nin go’aan fudud si sahlan ku qaatay waa looga fadhiyaa laakiin 80 jir inuu dhaqankiisii yiraahdo waan ka qoomamaynayaa waa wax laga argagaxo.
Waxaan is lahaa horgaleyaashu waa hunguri badan yihiin laakiin damiirkii kama dhamaan. Maalintaan maqlay in Garaad Jaamac gurigiisii la galay oo ay ogaayeen ayaan ka rajo dhigay.  Niman damiirkii ka dhintay oo habaarkii dadkoodu ka soo if baxay baan u qaatay.
Haddiise laga qariyay oo ayna ogayn, taasi macno kale ayay samaynaysaa. Waxay tusaysaa nimanku in meesha caloosha keliya ay la joogaane ee aanay talo, xushmad iyo qadirin toona ku lahayn. Niman sheegta inay matalaan dad, dowlad ka tirsan yihiin, dadkii ay mataleen iyo dalkiina marka sidii la rabo laga yeelayo aan lala socodsiin, micnaheedu waxaa weeye raggu meesha in laga soo xoreeyo ayay u baahan yihiin. Malaha waaba falan yihiin.
Maanta laga bilaabo, qolyaha Goo-garaduhu xambaareen ee Hargaysa looga taliyo iyaga rajo kama qabo, laakiin intii kale inaan soo furdaamiyo ayaan isku dayayaa. Xorayn fikriyan ah ayay u baahan yihiin. Aad baan uga xumahay in sidii loo bah dilo. Doqomo hunguri badan ha u badnaadaan laakiin sida muuqata iyaga laftooda ayaa Laas Caanood ka hor la qabsaday. War nacalaa shaydaan ku yaale raga ha la xoreeyo!

Dhoodaan, AHU maxaad ka tiri arintaan?

       Faqa soo dhamaaday ee, ogaan loogu fulinaayo
      Nacas fooraraa yeela, iyo ficilka doofaare
Fariid kamaba suurowdo iyo, geesi fool adage
Rag fidaa'inimo sheegta, oo meel facshara taagan
Runta anoo ka fuuryeeli, waa inaan shir feydaaye
Markii aad shacbiga fuuqsatee, dili fariidkaaga
Garaadiyo fuluus bay dabeed, kuu fasaxayaane
Loomaba fadhiyin waa amuur, xaal fashiiste ahe
Darajada faduusha ah, waxay fadhato kuu siisay
Amay faraqa lacagtaad ku shuban, kuugu fidinayso
War soow taa in laga fiirsadaa, meesha kuma fiicna?

Tuesday, May 20, 2014

Sabi xaqdaro lagu dilay!



Waxaa ka dhacay meel Buuhoodle waqooyiga ka jirta arin aad looga murugoodo. Nin miskiin ah oo dan yar ah meel koone ahna reer ku korsanayay ayaa waxaa si gaado ah u soo ag-fadhiistay niman SNM soo dirtay oo raba inay wax laayaan. Nimankaas oo dhowr ahaa ayaa mid ka mid ahi wuxuu ku soo dhowaaday gurigii reerka. Wiil yar oo 14 jir ah ayaa adhigii soo diday is yiri bal fiiri waxa soo didiyay. Wiilkii adhigii buu is yiri eeg. Nin isa soo qaawiyay si malaha aan maradu geed uga qabsan ama loo arag ayaa wuxuu ku furay rasaas aad u tiro badan oo ciidaa ka badan. Ninkii oo ordaya ayaa u galay qoladii daba fadhiday. Nimankiina rasaastii faraha badnayd awgeed malaha waxay is yiraahdeen ninkii lala teg kanina waa mid idin doonaya. Iyagiina isagiibay baas la dhaceen.

Wiil yar oo sabi ah, wax alaale iyo wuxuu gaystay ayna jirin buu 20 xabaddood ku dhuftay. Waqti hal daqiiqo ka yarna isagii baa ka daba tegay. Alle isagu waa Qaadir! What a justice!

Monday, May 19, 2014

"Gunnimo nina kula tartami maayo"!

Garaad Jaamac Garaad Cali oo u jawaabay qowlaysatada qurbaha iyo horgalayaasha is biirsaday ee wixii wacan ku xajiimooda. Caqli laawayaal fara badan ayaa u turjumay in hadalkan dad gaar ah loola dan leeyahay. Hadalkani wuxuu u socdaa qolyo is biirsaday oo xumaanta reerka isu soo qaawiyay. Meel kastana kaga sheekeeya in sida ay reerka reeerka kale u hoos gaynayaan ay ka qurux badan tahay sida Garaad Jaamac & Cali Khaliif wax u wadaan!