Sunday, April 28, 2013

Ninkii muxuu yiri war maana waalan mise Cadan baa laga heesayaa!

Shalay ayaan waxaan dhegaystay waraysi uu siiyay Prof. Axmed Samater warbaahinta SNM. Professorku wuxuu kuu hadlayay waxay ila noqdeen amakaag iyo fajac! Waxayba iila ekayd inaan dhegaysanayay af-hayeen SNM leedahay.

Professarku isbedelkiisa 360 degree ah wuxuu u sababay wuxuu ku soo arkay Muqdisho. Wuxuu aad ugu cel celiyaa in Qabyaalad loogu awood sheegtay. Professorka waxaan waydiin lahaa, siyaasadda Soomaaliya wuu la socday 20kii sanno ee ina soo dhaafay ee xaggee bay ka martay inuu fahmo sida Soomaaliya looga dhaqmo? Ma wuxuu moodayay in arday lecture loo jeediyay, term papers, iyo patriotic messages inay wadada u xaadhayaan? Ma is waydiiyay sababta Afartii nin ee madaxweynenimada ugu horeeyey saddex ka mid ahi aya hal raas (not even Qabiil) ay ahaayeen? Haddii wejiga Soomaaliya yaala ay ku qaadatay inuu Muqdisho ku fahmo, malaha Professorku -Ma oran karo aqoon daro ayay ka ahayd, laakiin waxbuu is tusay!

Hadduuse is leeyahay, Muqdisho wax ka duwan baa Hargiesa kaga dhacaya, he is in for a RUDE awakening! Hadduu aaminsanyahay SNM Muqdisho waa ka duwantahay ma arkay Xisbiydda SNM samaysatay? Imisee raaskiisu madax ka yahay? Maxaa u diiday in raaskiisu xisbi madax ka noqdo?
Reer aan SNM ahayn xisibiyadda kale madax ma ka yihiin?

Xitaa ninkan hadda dhiigyocab Siilaanyo ku xigga, xisbigiisa yaa imika isku haysta? Rag SNM ah ayaa ku dagaalamaya isaga hungurina kagama jiro cid u han qabtaana ma jirto. Maalinta doorashadu timaado nin SNM ah ayaa ku boodaya oo u ordaya if your family is lucky (because it's some of your family only that are part of this sham project) mid kale oo Gudabiirsi ah yaa meesha affirmative action ahaan loo keenayaa. Mar haddaadan geyin jagadda ugu saraysa adigoo sidii Riyaale ay noqoto mooyee waxaad magaalana ku caaydaa (Muqdisho) midna ugu durbaan garaacdaa (Hargaisa) waxay ila tahay waa arin emotion sabab u yahay ee mid xaqqiiq ku fadhida maaha!

Riyaale wixii looga yaqaanay degaanadda SNM ma taqaanaa? Calaf iyo Wad! Oo macnaheedu tahay calafna wuu ku lahaa, wedna wuxuu u yimid Ina Cigaal AHUN. Doorashadii uu ku guulaystay isaga maahayn guushu ee waxay ahayd raggii la noolaa ee SNM oo ilaashanayay dantooda oo isagoo meesha sii jooga ay ku xidhnayd nolol maalmeedkoodu. Qolyihii qurbaha nala joogay ee ay madaxweyne ku xigeenkiisa isku raaska ahaayeen markuu Riyaale soo noqday cadhadii ka dhacday waan xusuustaa! Xitaa madaxweyne ku xigeenka ay isku raaska hoose ahaayeen inuu sii joogo waxay ka door bidayeen in nin kale oo SNM ahi uu madaxweyne ahaado. Si cad ayayna taa iigu sheegeen.
Professor haddii aad is leedahay Hargeisa weji ka duwan kii Xamar baad ugu tegi marka sacabka hore iyo marxabayntu dhamaato malaha waxaanan ogayn baad og tahay!

Remember as they say; "Experience is not what happens to you; it is what you do with what happens to you." I am afraid your actions shows lack of experience in Somali politics!

Su'aasha aan is waydiinayaa waxaa weeye, dhalintii ku jamatay ee Soomaaliyeed sidee hadda wax ugu sheegi? Adigaa teendhadii Soomaaliyeed soo yareeyay ogow dadka ku dhegaysanayaana sidaad teendhada u yaraysay bay u yaraanayaan.

No comments:

Post a Comment