Tuesday, April 2, 2013

Ifkii ka tag, tii Aakhiro iyana waa dhiman tahay!

Dhiigyocab ka masuul ahaa xasuuqii degaanadda SSC ayaa maanta u jihaystay xagii loo badnaa. Dhiigyocab Dhancadde oo ka mid ahaa dhagar qabayaashii xasuuqa ka geysta degaanada Khaatumo State ayaa ka mid ahaa "War criminals" loo gudbiyay hay'adaha xuquuqul insaanka oo hadda raadraac ku wada dembiyaddii ay galeen dhiigyocabkan iyo kuwii la fikirka ahaa ee uu ku jiro Akbarul Dhiigyocab Siilaanyo. Ninkaas oo maanta ku halaagsmay Hargaisa ayaa ka badbaaday inuu ifka ku wajaho dembiyadii uu ka galay shacabka SSC laakiin wuxuu maanta la joogaa mid aan laga badbaadi karin. Qof kasta oo ku dhintay SSC isagoo dembiga uu gaystay oo keliya uu yahay inuu yiri "WE ARE SOMALIS" ayuu ka jawaabi doonaa sababta uu Kaarayaasha u mariyay reer miyiga, sababta uu u kufsaday adhi jirta, sababta uu u dilay maxbuuska iyo kuwo kale oo badan. Sida caadada u ah reer SNM ma noqonayo "Meyd Canaante" laakiin waxaan ku seexanayaa inuu maanta hor taagan yahay maxakamad Caadil ah oo og wax kasta oo aan dembina isaga ka galayn dembina ka galayn kuwuu isagu gar darada ku laayay. Allah Kariim! One to go, more to follow!

No comments:

Post a Comment