Tuesday, April 2, 2013

Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka arimaha gudaha oo qas u diyaar garoobay!

Ninka awooda badan ku leh dowladda Soomaaliya ee laysugu daray madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka Arimaha Gudaha iyo Aminga dalka ayaa fidmo ka wada gobola Gedo. Gobolkaas oo uu gudoomiye ka yahay Xuseen Ismaaciil oo hadda ku sugan magaaladda Kismaayo ayaa wuxuu fidmawalahani u magacaabay gudoomiye bug ah. Gudoomiyaha ninka u magacaabay oo ahaa ku xigeenkii Xuseen ayaa lagu abaal mariyay ka dib markii uu diiday inuu ninkani ka mid noqdo ragga Kismaayo tegaya. Ninkan oo $$ lagaga soo hurgufay Xamar si uu fidmo uga dhex rido dadka walaalaha ah ee Gedo ku degan ayaa waxay u muuqataa arin dhicisoowday. Waxaa maanta hadlay xildhibaan Magan oo sheegay in maamulka la magacaabay uu yahay Xaaraan. Hadaba Saacid oo aad moodo inuu u daba fadhiyo dadkii uu matalayay laba nin oo ay ka go'an tahay inay burburiyaan jiritaanka Jubbaland ayaa mudan in si wacan wax loogu sheego. Saacid wuxuu matalaa caruurtii Ina Ismaaciil dhalay meel kasta oo ay joogaan oo uu kursiga ku fadhiistay magacoodii. Laakiin waxaad mooda in madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka ahna wasiirka arimaha guduhu ay ku jees jeesayaan. Su'aashu waxaa weeye Saacid ma u hadli doonaa dadkii uu matalay mise waxa la sheegayo ayaa wax ka jiraan oo meesha wuu ku magacaaban yahaye ee marwada iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa hawsha kala qaybsaday? Loo joogee.

No comments:

Post a Comment