Friday, April 26, 2013

"Indha shimiqdu way nagu qoslaan Eyda qalataaye" Abshir Bacadle

Ale ha u naxariistee Abshir Bacadle ayaa eraygaa yiri markuu ka hadlayay dhibkii Sacuudiga ka haystay. Hadaba ninka indhaha shimiqda ah leh ayaa wuxuu $$ kaga gurtaa qolada SNM waxaan idiin soo sahlayaa AQOONSI ee doolarka soo shuba. Ninkan oo ah Baaderi Catholic ah ayaa markuu howshii Kaniisada ka bixi kari wayay u biyo shubtay Lobbyist uu  lacagta ka gurto dadka war ma ogta ah.

"Riyo hadday dib leeyihiin dabadooda ayay ku qarsan lahaayeen" Ninkan haddii xigmad iyo cilmi ku haray wuxuu wax ka qaban lahaa jirkiisa jeerta la moodo ee faafay. Laakiin haddii war ma ogto shilimaad dadkoodii u baahan yihiin ku shubaan dhib ma leh.

Odaygii SNM dhalay ee War Criminalka ahaa intuu golo soo fariistay oo Been Bidaar is dhinac fariisiyay buu iska dal dalmay. Inuu Hurdo ayaad moodaysaa mar marka qaarkood.

Laba qof oo SSC ka soo jeeda ayaa laba su'aalood waydiiyay ka dibna odaygii waa la walaaqay.

Keep quit...iyo hadalo gidaarada laga yiraa baa laga maqlay. Kii Been Bidaarna xuxuuudiisii buu shubay oo dadkii inay fahmaan baaba ku adkaatay.

SNM riyo aan dhamaan bay ku jiraan. Culusowna hada waa shaqo geliyeen laakiin "Caamiltun Naasiba" ayaa Alle ka yeelay! What a delusional crowd.

No comments:

Post a Comment