Wednesday, December 5, 2012

"Necessity is the mother of invention!"



Diyaaraddii ka soo degtay Taleex 4/12/2012 waxay tusaale u tahay awoodda ay leedahay ummaddi markay midayso cududeeda. Taleex Airportkeedu wuxuu ku yimid midnaan iyo reer SSC oo go'aansaday inay iyagu awoodooda kuu xisaabtamaan.

Faroole iyo biidhiwalaha ka hooseeya markay hor istaageen reer Khaatumo inay dhulkooda soo maraan wax ku yeela ayay ka ahayd laakiin waxay ka dhigaysaa wax tar. Qof kasta oo maamulka PL iyo maamulka SNM ay ku colaadiyaan qadiyadda Khaatumo waxay qofkaa u kordhinaysaa sharafta uu ku dhex leeyahay dadkiisa reer SSC. Sababtoo ah, qof PL iyo SNM ka soo hor jeesteen waa qof danta reer SSC wada. Qofkii dadnta reerka daloolinaya waa kuwa ay soo dhawaystaan ee shilimaadka jeebka ugu guraan. Waa shaqsiyaadka iibsaday naftoodii iyo sharaftoodii oo ku bedeshay sandareero ay siiyaan nin isaga ka liita baryo gaalse kaga hor maray.

No comments:

Post a Comment