Thursday, December 6, 2012

Duqayntii Hore Dagid Nabad ah Baa ka Dambaysay

Bismillaahi Raxmani Raxiim, mahad idil keed waxaa iska leh Allah Subxan Watacaalaa nabad iyo naxariis na korkiisa ha ahaato Suubanaheenii Maxamed (CSW). Intaa ka dib waxaan dhamaan salamaayaa shacabka somaliyed dhamaantood gudo iyo dabadba gaar ahaan shacabka khaatumo ee xalaasha ah waxaana ku salaamayaa salaanta sharciga Islaamka ah ee Asalaama Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatahuu.
Hadaba aan usoo noqdo maqaal kan aan qalinka u qaatay. Sidaan wada ognahay taariikhda somaliyed iyo waliba taariikhda Africa waxaa muran ku jirin in Somalia tahay wadankii ugu horeeyey ee qaarada Africa ee lagu weerar xaga cirka ah taasoo loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka noocay doontaba ha ahaatee.
Hadaba suaashu waxay tahay xagee la weeraray yaase weeraray?
Weerarka waxaa lagu qaaday magaalada Taleex ee taariikhiga ee ka tirsan gobolka Sool  oo barigaas weerarka lagu qaadayey ahayd saldhiga ugu weyn ee daraawiishtii gobonimo doonka ahayd iyo hogaamiyahoodii Sayid Cabdulle Xassan Alle yaa Raxmi. Weerarkana waxaa gaystay guumaystihii ingriska oo markaa awoodiisu isugusoo shubatay xaga cirka kaliya kadib markay daraawiishtu hadh iyo hurdaba u diiday. Khasaarihii diyaaradaasi gaysatay waxaa ka mid ahaa jabkii darawiishta oo sooba kabsan waayey ka dib duqayntii cirka ahayd.
Hadaba 4 December 2012 Taleex maxaa ka dhacay
Afartii bishan aan kor ku soo xusay waxaa timid gobonimadii oo cagaheeda ku duulasa taasoo inoo siday indhii bulashadeena reer khaatumo haday noqoto isimo madax wasiiro IWM  oo dhamaan si nabad ah kusoo fadhiisatay garoonka diyaaradaha cusub ee Sayid Cabdulle Xassan. Sida aan ku xusay ciwaanka ka maqaalka sooma odhan karno tii horee inoo duqaysay iyo tan hada soo dagtay labaduba waala taariikhda galay maadaama midna tahay tii ugu horaysay ee duqaysay midna tahay tii ugu horaysay oo si nabada kusoo dagtay.
Dareenka reer khaatumo
Dadwaynaha reer khaatumo ee ku sugan dal iyo dabadba waxay aad iyo usoo dhaweeyeen hormarka ay ku talaabsatay maamulka khaatumo ee sagaalka bilood jirka. Si gaar ah marka loo cabiro dareenkooda ku aadan  diyaarada kusoo dagtay garoon diyaarada Taleex ayaa ah mid aan qoraal lagusoo koobi Karin. Aniga oo ah qoraha maqaalkan aragtidayda ku aadan diyaaradii taleex kusoo dagtay waxay  saray u sii qaaday dareenkayga  iyo rajadii aan ka qabay maamul goboleedka khaatumo state.
Maamulada dariska iyo ciilqabkooda
Hadaan ku bilaabo maamulka Somaliland ee ku caan baxay dhulboobka iyo riyada aan jirin  ee ku gidaaman aqoonsi aan sal iyo raad toona lahayn. Afkii baa juuqda gabay ka dib markii argagax iyo lama filaan ku noqotay Gobanimada cagaheeda kusoo fadhiisatay. Hadaan usoo janjeedhsado maamulka fashilmay ee la odhan jiray X- puntland oo isagu baaq u diray madax dhaqameedka khaatumo iyagoo ku sugan magaalada muqdisho baaqaas oo ahaa inay kasoo dagi Karin magaalada gaalkacyo ee gobolka Mudug.  Waxaan xasuustay barigaan caruurta ahaa marka nacnac naloo qaybiyo oo mid naga mida qado ama lasiin waayo nacnaca oo aan ku odhan jirnay “HOO KU SUUX HOO KU SUUX HOO KU SUUX”  marka labada maamul ee hareerha naga xiga waxaanu leenahay anagoo ah reer khaatumo garoonka talex iyo buhodle airport iyo kuwa kaloo badan oo noo dhiman sida garaad jamac ka sheegay saxaafada   “HOOYA OO KU SUUXA”
Axmed Cumar Xassan

No comments:

Post a Comment