Wednesday, December 19, 2012

HOPELESSLY DELUSIONAL CROWD STILL IN OUR MIDST


Qoraalkaygu jawaab uma aha qoraal tayo liita, xumaan doon ah oo qof sharaf ka mudan reer Khaatumo iyo Soomaali weynba lagu af lagaadeynayo. Qoraalkani waa u caqli celin Raxanreeb, raarli gelin adeer Cusmaan, run u sheegid wasiirka koowaad iyo jaahil bixin qofka magaca Khaatumo & magaca ehlu-sharafkaba xumaynaya.

Raxanreeb waxaan leeyahay, aad baad ugu mahadsantihiin wararka xaqiiqda iyo dhexdhexaadnimadda ku salaysan ee aad Soomaali u soo tebisaan. Raxanreeb waa webka aan ugu hor furo markaan Soomaali warkeeda raadinayo. Warar tayo leh iyo waxaad isku darsateen war buuxnimo (constant update.)
Waad ku mahadsantihiin inaad u ogolaataa Raxanreeb inay noqoto gole laysku dhaafsado fikir kala duwan. Waxaanse  idinkula dardaarmayaa inaad iska ilaalisaan inaad siisaan rag xumaan doon ah goob ay ku aflagaadeeyaan Soomaali iyo shaqsiyaadba. Haddii qoraalka qof soo dhiibto ku salaysan yahay aflagaado iyo maagis fadlan sharfta Raxanreeb hoos ha ugu dhigina inaad u daabacdaan.

Adeer Cusmaan waxaan leeyahay, qolyo Khaatumo xumaanteeda raba kuna gabanaya inay danta Khaatumo wadaan kuwo inagu cusub maaha. Shaatiyo kala duwan bay soo xirtaan. Mar shaqsi bay sheegtaan, mar qoys bay sheegtaan, maantana gobolo Maraykan bay sheegteen.  Muhiimadoodu maaha saxitaan, muhiimadoodu waa hoosaasin iyo tashuush. Adeer reer Khaatumo waa ka dheregsan yihiin fikirkaa fadhiidka ah. Labaatan sanno ayuu hayay, waase ka bogsadeen. Adigana raali ka ahow qoraal kurayga ay
Raxanreeb sida fudud u soo daabacday.  Waa la kala aragti duwanaan karaa, balse maamuus ayay leedahay fikirka laysu dhaafsado.  Reer Khaatumo hadaan nahay, anigoo ka wakiil ah “Silent majority”, waxaan ku leenahay raali ahow. Waanad ku mahadsantahay dadaalkaaga aadan ka daalin reer Khaatumona abaal aan la gudi karin ayay kuugu hayaan.

Wasiirka koowaad; Saacid su’aal ayaan waydiinayaa. Yuu matalaa? Yuu u yahay wasiirka koowaad? Soomali ma u yahay? Muxuu uga hadli waayay gardaradda SNM eek u aadan degaanka Khaatumo? Qabiilo xoolo isku dilay gudi buu u saaray iyo wafdi dhexdexaadiya, ummad lagu laynayo maxaad Soomaaliya u sheeganaysaana aamusnaan buu ku wajahay. Markii lagugu dirqiyay inaad wax ka
tiraahdo gardardda SNM Inaad ku jawaabto, “Labada qolo nabad ha ka shaqeeyaan” wixii
lagaaga fadhiyay maaha.  Soomaali baad masuul u tahay, inaad fahamto weeye masuuliyadaadu meeshay gaarsiisan tahay.  Koolkoolin garadaraalaha ama “appeasement” xal aduunka lagu gaadho weli lama sheegin. Adiga iyo dowladda aad ku jirtaa koolkoolinta gardaraalaha ayaad caadaysateen. Wax reer Khaatumo u cuntamayana maaha!

Qofka qoraalka soo qoray jawaab ma mutaysan. Aflagaado iyo been abuur jawaab ma leh. Markuu leeyahay “Taageerayaasha Khaatumo ee Ohio, Minnesota, Boston iyo California” beentiisa ayay soo bandhigtay. Ha soo cadeeyo dadka reer Ohio, MN, Boston, & California ee uu matalo. Hadduu soo
gudbiyo 4 qof oo afartaa gobol/magaalo ka kala yimid waan dhegaysan karnaa. Laakiin inta wax micno daro ah la soo qor qoro in dadna la aflagaadeeyo dadna lagu been abuurto waa fool xumo weyn. Qoraaga qoraal ku sheegan jawaab iyo canaan toona ma istaahilo. Raxanreeb bay ahayd inay xaqiijiso in qoraalkani ka
yimid dad reer Khaatumo oo degaanadaa jooga. Dabcan taasi waa mid aan dhici karin.
Qoraalkan meesha ku qoran wuxuu ka turjumayaa  fikirka qolyo ku daalay lugooyadda Khaatumo oo maanta naf mooday been abuur iyo Khaatumo iska yeel yeel. Aad baan uga xumahay inaad manta taas tamar moodeen. Waase meel aad is dhigteen. Waxaan idin oranayaa hadal da' yartu isku tiraah marka qof wuxuu isagu isu gaystay ay ku dhacaan. BAGGA! Hadaad maanta been iyo khuraafad xaalkiinu ku soo ururay hurdaa ii eg! 

No comments:

Post a Comment