Wednesday, December 26, 2012

Maxaa u haray?


Xaliimo Xusseen Warsame maalintay dhalatay waxaa ku farxay hooyadeed, aabaheed iyo qoyskeeda dhamaantii.  Maalintay Xalimo hana qaaday waxay baratay raaskay ka dhalatay, qabiilka ay ka dhalatay, iyo abtirsiimadeeda guud. Waxay ku qanacsanayd dhalashadeeda qoys iyo teeda qabiilba. Waxay ku riyoonaysay
mar haddii qoyskeedu awoodi waayay in iskuul u diro, oo ka badbaadiyo nolosha reer miyinimo taa macnaheedu inaysan ahayn inay ku waarayso nolosha xoolo raacnimo, noloshanina ahayn mid u qoran iyada inta nolosha ka hartay. Qoyskeedu reer miyi ha ahaado laakiin gayaankeed oo ilmaadeeradeed dhow iyo kuwo fogba in ay jiraan. In haybadeeda, quruxdeeda, iyo caqligeeda buuxa ee aan la gaarsiin meeshuu gaari lahaaba ay maalin maalmaha ka mid ah ay ku hanan doonto inaadeerkeed isagu helay fursadan ayna iyadu helin.

Xaliimo waxay markaa ay xoogga saartay inay ka haqab tirto qoyskeeda maanta waxa keliya ee ah awoodeeda. Awoodaas oo ah inay noqoto ciidan hooyo iyo aababa kaga seexdaan ariga ay raacdo. Waxay dhexda kaga jirtay oo ku dhex noolayd abtirsiimadeedu  meeshay gashay. Wiil yar oo da'deeda ah, oo inaadeerkeed oo la kaftama aragtay, weligeedse caqliga ma gelin shisheeye arxan daran, xishood daran kana awood badani inuu ka soo duulayo dhul aanay ab iyo isir toona u lahayn.

Maalintii nolosheeda ugu dambaysay, sidii caadada u ahayd arigii ayay subaxii la dhaqaaqday. Hooyadeed, aabaheed iyo walaalaheedii ka yaraaba may sii dayin. Sababtoo ah waa arin ay samyn jirtay 3dii sanno ee nolosheeda ugu dambeeyay. Marnaba uurkeeda may gelin in maanta tahay maalintii nolosheeda ugu dambaysay. Marnaba ma gelin in jirkeeda curdanka ah  lagula kaco wax dhaqnkeedu uusan baran. Marnaba kuma fekrin in murugo iyo saxariir gabalku ugu dhacayo qoyskii reer Xuseen Warsame. May niyaysan uurkutaalada hooyadeed. Argagaxa iyo dhakafaarka aabaheed
markuu arko gabadhiisii saaka iyadoo qoslaysa ka soo tagtay hadana maydkeedii, iyadoo loo dilay si uusan weligii maqlin jirkeedii curdanka ahaana loogu gefay ka hor intaan nolosha laga siibin. Waxaa aabeheed hor yimid, qayladii gabadhiisa uu jeclaa. Waxaa u sawirantay rag doolaalo ugu yimid oo gurigay ilaa maalintay dhalatay ku noolayd inta ugu yimaadeen ugu xad gudbay wax aan degaanka weli laga maqlin. Waxaa u sawirantay musiibadan ku habsatay gabadhiisii uu jeclaa. Meydkeedii oo uu aas u wado. Midi si aadminimada ka baxsan loogu jar jaray. Jidhkeedii curdanka ahaa oo loogu xad gudbay si uusan weligii ka fekerin. Waxaa ku noqotay wax madaxiisa ku dhex sawirma qayladii gabadhiisa markii niman cadow ah oo dhul fog ka soo duulay inta ugu yimaadeen degelkay ku kortay sidan aadminimada ka baxsan ula dhaqmay. Murugadii reer Xuseen u soo hoyatay waa mid uusan sheeko iyo shaahid toona ku maqal.

Murugadii Xuseen waxay aaskii gabadhiisa ka dib isu bedeshay ciil. Su'aalaha uu iswaydiinayo ayaa ah, Xaliimo sidee loo xaal marin karaa? Yaa xaal marinaya? Yaa xaqeedii soo dhicinaya? Yaa ka masauul ah gabadhii sebiga ah ee gurigay ku kortay inta loogu yimid sida waxshinimada ah loogu xad gudbay ka bacdina nafteedii sida araxan darada ah loo qaaday? Aakhiro ka sokow, yaa ifka xaqeedii raadinaya? Yaa u garab ah Xaliimo? Wuxuu garowsaday in cadowga SNM ee gabadhiisii
sebiga ahayd sidan ula dhaqmay ay u adeegaan rag ay garab ka sugaysay Xaliimo. Wuxuu aqoonsaday in Xaliimo aarkeeda aan looga fadhiyin nin tuugnimo ku dhashay ilaa iyo imikana ku shaqaysta oo SNM calooshiisa ugu adeega. Wuxuu Xuseen go'aansaday in SNMtii Xaliimo sida waxshinimada ah ugu xad gudbay inay u taliyaan kan Xaliimo garabka moodaysay uuna u shaqeeyo kuwii Xaliimo nolosheedii curadanka ahayd ku xad gudbay.

Xuseen wuxuu galoo garowsaday in kuwo meel ay ka yimaadeen aan la aqoon oo ku soo caan baxay xiligii qaran jabka qoyska Xaliimo ka soo jeedo kuna naalooda waxyeelada qoyska iyo reerka ay ku abtirsadaan aan looga fadhiyin inay Xaliimo xaqeedii raadiyaan.

Xuseen wuxuu go'aansaday in SNM iyo inta u shaqaysaa ay Xaliimo wixii gaadhay ka masuul yihiin. Wuxuu ciilkii Xuseen ku soo ururay; garanay wixii Xaliimo xaqeedii duudsiyay, ee yaa u maqan Xaliimo? Dadkay ka dhalatay ma ilaawi doonaan? Ma maqalnay oo ilownay baa Xaliimo ku dambayn toontaa? Mise tol dadnimo leh ayaa Xaliimo ka dambeeya? Ma inta Xaliimo jidhkeedii lagu xad gudbay la daawado, cidii ka dambaysay la aqoonsado, ayaa hadana ficil daro loogu darayaa? Xaliimo nolosheedii curdannimo ayaa lagu dhameeyay oo lama siin fursad ay ku noqoto qof ummadda waxay u qaban karto ka fekerta. Su'aasha reer Xuseen is weydiinayaan waxaa weeye, cadow ka xoog badan baa gurigoodi ugu yimid kuna xad gudbay oo qaatay waxay nolosha ugu jeclaayeen- gabadhoodii sebiga ahayd. Yaay reer Xuseen u hiil ah?

Jawaabtaas ayaa la sugayaa. Xaliimo inay laba goor dhimato iyo in dhimashadeedii iyo xad gudibkii iyada asiibay inuu badbaadiyo boqolaal Xaliimo oo maanta dhashay ama beri dhalan doona. Taas weeye ta reer Xuseen sugayaan. Ma Xaliimo ayaa ugu horaysay uguna dambayn toonta mise Xaliimo waa hordhac? Maxay sugaan reer Khaatumo? Maxaa u haray?

No comments:

Post a Comment