Thursday, October 18, 2012

Awrkiraale 101 - Wasiirka Dhul balaadhsiga!





Ninka loogu magac daray Awrkiraale 101 oo jabhadda SNM u magacawday wasiirka dhul balaarsiga SNM. Jagadaas SNMtu u magacawday Awrkiraale 101 ayaa waxaa loogu magac daray "Dib u dejin" taas oo macnaheedu yahay in SNMta si dahsoon loogu wareejiyo degaanka SSC. Awrkiraale 101 oo xanuunka loo yaqaan DEPRESSION lagu sheegay ayaa u murqaan doontay guriga Morgan ee looga taliyo Jabhadda SNM. Ninkan oo la damacsan yahay in SSC inta hartay SNM loogu faatexeeyo ayaa isagu fahamkiisu uusan ahayn mid sidaa u sii qoto dheer.

Awrkiraale 101, 4 sanno ka hor ayuu diiday jago wasiir oo maamul kan ka magac fiicnaa, tolkiisu markaa rabeen, kana tix galin badan ay u caleema saareen. Afar sanno ka bacdi, maal ma hayo, reer ma hayo, caruur ma hayo, qoys ma hayo, qabiil ma hayo, tol ma hayo. Wasiir ku sheeg kii hore ka liita looguna talo galay dhul balaarsi ayuu cad quureed u qaatay. Allow ha na tacab qasaarin. Maanta isaga oo intaas aan midna hayn ayuu SNM hoosta ka galay. Markaas bay sidii Awr sayladaha Yurub la geeyay marba meel lagu soo bandhigayaa. Khaatumo xumo iyo aayo daro waynaa! Walee kob cagaar leh baadan ka soo durdurin!


No comments:

Post a Comment