Thursday, October 18, 2012

Awrkiraale 101 - "Bilaa calaykum SNM boss igu xejiya"





Awrkiraale 101 oo maqaam biday dhinac fadhiisiga dhiigyacabka hogaamiya SNMta.  Awrkiraale 101 ayaa laga sheegay inuu dalbaday inuu midigta ka fariisto dhiigya-cab Siilaanyo. Ninka ka taliya guriga Moorgan ee Tooriile la yiraah ayaa sidaan horay u sheegay golayaasha laysugu yimaado ku soo bandhiga Awrkiraala 101 uu yiraahda "Wasiirka fadhiga uga kaca". Horgalayaashii ka sii horeeyay ayaa laga sheegay inay goroda laa laadinayaan oo ay leeyihiin "Awrkiraale 101" oxgeyntii buu naga qaatay.

Waan maqlayay mid kutaani ka dheregtay oo muqlaysan oo lagu magacaabo "Nac-nacle" LOL -I am being serious that is his name,  inuu lahaa "Waar dee wiilka yar ee foofkii naga jiiray muxuu ahaa." Nac-Nacle waa mid SNMta la shaah karsaday oo maanta haddii la yiraah SSC ha la soo masaxo si gurigiisu u badbaado nacnacdiisa ayuu sii shubayaa. Waxaa la ii sheegay in Xaabsay uu kuwii Awrkiraale 101 meesha uga sii horeeyay ay ka fekerayaan waxay ka yeelaan. "Martida hore tan dambe ayay ka naxdaa" ayaa la yiri, Sida adeer Cusmaan us sheegay SNM waxay noqotay meesha wixii tolkood soo nacaan ay Af qadhmuunka iyo naf nacaybka la aadaan.

Guul SSC, Guul Khaatumo, Guul Soomaaliya!

No comments:

Post a Comment