Monday, April 21, 2014

Xurmadle Caaqil Axmed Cabdi Gaas (Hoolif) oo Jaamac Yare runta farta u taabsiiyay

Caaqil Axmed Cabdi Gaas (Hoolif) oo ka mid ah odayaasha ugu da'da iyo xushmadda baddan odayaasha  Khaatumo ayaa waraysi uu siiyay BBC da ku cadeeyay inay masuuliyaddii lagu sharfay ka qaadeen Jaamac-Yare Garaad Ismaaciil. Caaqil Hoolif Alle cisada aduun raali ahaansho Aakhiro ha ugu daree wuxuu waraysigiisa ku sheegay sababta markii hore Jaamac-Yare loo boqray imikana looga qaaday maamuuskii lagu aaminay. Xurmadle Axmed Hoolif Alle ha ka raali ahaadee wuxuu kaloo sheegay dhibka lagu hayo reer Khaatumo inta maamulka SNM ku hoos nool. Wuxuu kaloo cadeeyay Xurmadle Caaqil Axmed Hoolif in kuwa hayb ahaan Khaatumo ka soo jeeda calooshase SNM uga kiraysan inay is hor taageen in Xurmadle Axmed iyo rag kale inay aadaan Taleex si ay uga qayb galaan shirka Khaatumo. Dhagayso Xurmadle Axmed Hoolif






No comments:

Post a Comment