Wednesday, April 16, 2014

Siyaasadaha Criminal Siilaanyo iyo qar iska xoornimadiisa. W/Q Maxamed Cllaahi Maxamud


Marka dib loo eego taariikhda Madaxwayne Siilaanyo laga soo bilaabo xilligii uu madaxda ka ahaa jabhaddii SNM illaa marakan oo uu noqday madaxwaynaha maamulka isku magacaabay Somaliland waxa muuqata in uusan weli ka tanaasulin siyaasadaha qar iskaxoornimada iyo dagaal wax ku raadinta ah , taasna waxaa daliil cad u ah markii isfahamku ku dhexmaray J.bouti 1986 labadii maamul ee Siyaad Barre iyo Hayla Maryam, kaas oo dhigayay in Jabhadaha labada waddan ee dalalkaasi kala taageersanaayeen in ay waddamadooda ka saaraan, ayaa Siilaanyo waxa uu markiiba qaatay go’aaan qar iska xoornimo iyo dagaal hurin ah kaas oo ummad dhan u horseeday bur bur iyo halaag. Waxa uu habeen yar ku soo guday Magaalooyinkii Burco iyo Hargaysa oo dagaal gashay, halkaasina ay ku nafwaayeen ummad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, bur bur taariikhda galayna uu kaga tagay dagaalkaas.
Xilligan oo uu noqday Siilaanyo Madaxwaynaha isku magacaabay Somaliland waxaa markii loo doortay xilka uu ku dhaqaaqay in uu dagaal sokeeyo ciidamadiisa gasho isagoo sida la wada ogsoonyahay waxa uu ka sameeyay arintii Kalshaale ee markii hore ka bilaabatay dad xoolo dhaqato ah oo dhul daaqsimeed isku haya in uu u badalay dagaal dhammaystiran oo uu magaalooyin ku raadinayo.
Madaxwayne Siilaanyo sida muuqata waxaa uu ka harsanyahay dagaal oogayaashii bur burka gashay ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ku baraaray siyaasadihii isir nacaybka ku salaysnaa ee laga hurshay ummadda Soomaaliyeed dhexdeeda min Koonfur illaa Waqooyi, taasoo illaa haatan raadkii ay ummadda Soomaaliyeed uga tagtay weli la daalaa dhacaysa.
Intaas kuma hakan, isagoo ay ka muuqato sida uu markastaa ugu ooman yahay in qori caaraddiis wax lagu xalilo ayuu markii Cl/wali Gaas xilka qabtay Puntland waxa uu booqasho awood ismuujin ah ku yimid meel aan saas uga fogayn dusha magaalada Boosaso, ha yimaadee waa dhul Soomaaliyeed oo cidina kama xigtee, uu haddana ku yimid isagoo ay maskaxdiisa ka guuxayso heshiiskii mugdiga ahaa ee Soomaali halkaas dhigay kaas oo ku dhexmaray tuulada Mustaxiil Jabhadihii xilligaas awoodda Siyaad Barre ka tuuray ee ay kala Hoggaaminayeen SNM, USC iyo SPM.
Heshiiskaasi waxa uu dhigayay in waddanka taladiisa iyo cududiisa ciidan wax laga waydiiyo iyaga uun oo kali ah, inkastoo xittaa jabhaddii u horaysay ee laga aas aaso Soomaaliya SSDF iyada qudheeda ay qayb ka ahayd burburkii qaran jabka Soomaaliyeed.
Qar iska xoornimada iyo dagaal u horseedida ummadda Soomaaliyeed dhexdeeda, khaas ahaan labada muumul ee walaalaha ah ee aan xudduudka iyo dadku u kala soocnayn labaatankii sano ee lasoo dhaafay, Haddana Madaxwayne Siilaanyo waxa uu ku dhaqaaqay middii uu ku yimid Bosaaso dusheeda mid Puntland maamulkeeda uga dharbaaxo kulul , taas oo ah awood iyo muruq kula wareegida magaalada Taleex, oo xittaa gumaystaha Somaliland dhahaan isagaa nagala ballamay dhulka iyo dadka uusan xukumi jirin xilligii uu waddanka Joogay. Sidoo kale waxay Puntland ka sheegataa maamulka Siilaanyo in uu siyaabo dadban u wiiqo nabadda gudaheeda.
Puntland
Madaxwayne Siilaanyo waxa uu ciyaarayaa siyaasad Jabhadaysan marka laga yimaado sheegashadiisa British Somali Protectorate Policy, taas oo shacabka ku abtirsada Puntland dhigaysa in ay galaan difaac naftooda ah si lamid ah sidii uu Caydiid ku khasbay weerarkii u ku soo qaaday Gaalkacayo 1991.
Caydiid Allaha u naxariistee marka laga yimaado kursi doonkiisa siyaasadeed waxa uu ummadda Soomaaliyeed gashay dagaal sokeeye oo isir neceyb ku salaysnaa, balse markii danbe iska qaboobay.
Puntland waxa ay ku khasbantahay marka laga yimaado boolaxooftanka ciidan iyo i jiid aan ku jiidka qaar ka mid ah siyaasiyiinta ku abtirsada magaalooyinka ay Somaliland qabsanayso in haddii ciidamada Siilaanyo ay saldhigyo ka samaystaan meelaha kulaalaya xarumaha waawayn ee magaalooyinkeeda ugu muhiimsan Puntland sida Garowe oo kale in ay gasho difaacunafsi si kastaa jawaabtu ha noqotee, taas oo haddii ay isku baddesho iska hor imaad hubaysan oo dhiig ku daato ummadda Soomaaliyeed dib ugu celin doonta bur bur iyo halaag kale, Alle ma qaddaree.
Madaxwayne Cabduwali inkastoo uu yahay nin aqoon yahan ah oo aan siyaasad ciidan iyo mid qabyaaladaysan toona shuqul ku lahayn, haddana waxaa markasta xakamaha u haya siyaasadaha jeexan ee bur burkii dagaalkii sokeeye uu u kala qo-qobay ummadda Soomaaliyeed iyo siyaasadda Puntland ee uu madaxwaynaha ka yahay difaacidda mabaa’diideeda.
Si kastaba arinku ha ahaadee, imaatinka Taleex ee ciidamada maamulka Siilaanyo iyo meelo kale oo ay ku oo wajahanyihiinba maaha mid kor uqaadaysa nabadda gobolka iyo midda dariswanaaga ee labada maamul ee mudadii labaatanka sano ahaa ay ku kala joogeen.
 Maxamed Cllaahi Maxamud
ildab20@gmail.com

No comments:

Post a Comment