Wednesday, April 16, 2014

Qar iska xoornimada dagaal-ooge Siilaanyo, nuglaanta Puntland baa ka sii daran.


Qar iska xoornimada dagaal-ooge Siilaanyo, nuglaanta Puntland baa ka sii daran.
Afeef: Ugu yeeri maayo maamulka Hargaysa magaca “Somaliland.” Magacaasi sharciyan iyo siyaasiyan midna ma qeexna. Magaca sharciyanka ahi waa SNM, sababtoo ah qoyskii jabhadda lahaa uun baa maamulkana leh.
Moxamed wuxuu sheegay in labada maamul ee Puntland iyo maamul reeroodka Hargaysa aan dadka iyo xuduuddu u kala soocnayn!
Moxamed waxaa kaloo dhibay, in ciidamadda maamulka SNM ay soo ag fariistaan magaalooyinka waawayn ee Puntland sida Garoowe! Moxamed wuxuu hadalka ku soo gaba-gabeeyay:
“imaatinka Taleex ee ciidamada maamulka Siilaanyo iyo meelo kale oo ay ku oo wajahanyihiinba maaha mid kor u qaadaysa nabadda gobolka iyo midda dariswanaaga ee labada maamul ee mudadii labaatanka sano ahaa ay ku kala joogeen.”
 Labadda maamul dadka iyo xuduudkuba waa u kala soocnaayeen. Soomaali waa is taqaan. Puntland, reer Burco iyo reer Hargaysa wax kama samaysan. Dadka samaystay maamulkaa waa la yaqaan. Degaanadoodana waa la yaqaan. Maamulka Puntland, waajib ayaa ka saarnaa ilaalinta degaanka dadkii samaystay iyo gaarsiinta adeegyadii maamulka laga sugayay.
Puntland, maamulka Hargaysa iyo shacabka SSC
Haddii sandakii 2007da aad waydiiso shacabka reer SSC maamul ahaan cidda ay yihiin, 98% jawaabtoodu waxay ahayd Puntland. Weli waxay daacad u ahaayeen maamulkii ay wax ka samaysteen wax dheef ah se ayna ka helin. Waxayse kalsoonidaasi luntay markii SNM isku balaarisay degaankii SSC, maamulkii loo xil saarayna ka laalaabtay.
“I jiid aan ku jiidee siyaasiinta magaalooyinka la qabsaday” waa sida Moxamed u dhigaye, shaqiyaad iyo shacab yaa xoog badan? Shaqsiyaadka SNM sandareeradda ula joogaa miyay ka xoog bateen maamulkii shacabka SSC doonayeen? Maxaa wiiqay awoodii shacabka iyo maamulkoodii wada socday, kii sandareero ku noolka iyo SNM na xoogeeyay? Soow arintaa in la is waydiiyo maaha?
Miyaanay ahayn in ay run u ekaanayso fikirka ah, SNM iyo Puntland mid bay ka midaysany yihiin: SNM inay sheegato dhulka SSC, Puntland iyana ay sheegato dadka SSC, labadooduna aanay wax kala gaarin?
Shacabka SSC iyo xalka siduu yahay
Nasiib daradda shacabka reer SSC haleeshay waxaa weeye, Juquraafi iyo hunguri ku nool badan oo ka dhashay.
Shacabka SSC, maamulka SNM wax kamay dhisan, laakiin si maamulkaasi degaanka u sheegto, wuxuu u yeertay calooshooda u shaqaystayaal badan oo diyaar u ah in calooshoodu buuxdo si ay dadkooda iyo degaankay ka yimaadeen horumarka uga ilaaliyaan. Calooshooda ayay dhaafsadeen horumarkii wadankooda.
Puntland oo ay wax ka dhisteena, waxaa cadaatay in boos buuxsi ay ahayd ee aan maamul Puntland ahi wax u qaban goboladda SSC. Mar haddii tobaneeyo dhulkaa ka yimid ay meelo muuqda ka joogaan maamulka, waxaa loo arkay in la ilaawi karo in wax loo qabto degaankii. Waana midda sababtay in calooshooda u shaqaystayaal saaran taangiyo SNM leedahay ay dirqiyaan 98% shacab ah. Kuwii degaanka ka yimid ee Puntland la joogayna, sidii kuwii SNMta la joogay bay u dhaqmeen oo calooshoodii bay la ciyaareen.
Khaatumo
Xaq bay noqotay in reer SSC ay tashadaan ama loo taliyo iyadoon wax la waydiin. Waxay go’aansadeen inay tashadaan. Waxay samaysteen maamul ay leeyihiin oo shacabkii 20ka sanno oomanaa ay abaabusheen. Laba sanno isagoo jira oo laba maamul iyo calooshooda u shaqaystayaal badani lugta jiidayaan, waxa Soomaali ku nooshahay ee UN bixisana intii loogu tala galay ay labada maamul weli qaataan, ayuu qabtay wax aan reer SSC loo qaban 20kaa sanno.  Dadkii baa isku tashaday, fikirkii SHACABKA ayaa midoobay, calooshiisa u shaqayste ayaan markan boos uga banaanayn. Khaatumo, sida maamuladda kale, shaqsi ma dar yeelo ee shacab ayuu dar yeelaa. Waa taas midda ay hadda labada maamul weli colaadda ugu wayn ay si wada jir ah Khaatumo ugu hayaan. Waxay “gentlemen’s agreement” ku gaareen baa shaki soo galay. Taas weeye midda hadda xaqqiiqda ah. Taleex in shir Khaatumo ka dhaco waxay Puntland ka door bidaysaa SNM baa qabsatay oo ka bacdina ay ku eedeeyaan shaqsiyaad. Hadaba, SNM iyo calooshooda u shaqaystayaal xoog maanta magaalo waa ku qabsan karaan, su’aashu waxaa weeye, xoog ma ku hanan karaan? Reer SSC waxay garawsadeen maanta, inta taladoodu ka go’ayso magaalooyin kale calooshooda u shaqaystayaal baa go’aankuna ka go’ayaa.
Puntland oo daacada ah maxaa la gudboon?
Khaatumo shacabka reer SSC baa raba. Lugooyadda ka daaya. Reer SSC oo isku duuban lugooyadana aad ka daysaan waxaa xaqiiq ah in SNM iyo kuwa ay caloosha ka kiraysteen ayna habeen u talinaynin. Qayla dhaanta iyo “Qowda maqashii waxna ha u qaban” reer SSC iyo Soomaali intooda badan waa ka dheregsan yihiin. SSC land oo maqan SSC people idinla joogi maayo. Fikirkaa iska ilaaba. Lugooyadda Khaatumo ka daaya. Khaatumona waxay balan qaadaysaa inaan SNM magaalooyinkiina soo ag degin. Horumarka fiican ee dhulka REAL Puntland ka socdana, Alle ha idiin barakeeyo, anaguna aan dhulkayaga dhisana’e intaa ma nagu garab galaysaan?

No comments:

Post a Comment