Tuesday, July 29, 2014

Saakaan Saada Tebayaa

Odhaahda tifaftirka: Bahda WardheerNews waxa ay la wadaagaysaa akhristayaasheeda sharafta
leh qoraalo, iyo suugaan taxane ah oo isugu jira Af Soomaali iyo Af Ingiriisi oo ay waxgaradka Soomaaliyeed ku xasuusanayaan Alle ha u naxariistee  fanaanadii caanka ahayd ee Xildhibaan Saado Cali Warame oo dhawaan koox wax magarato ahi ku dileen magaalada Muqdisho. Tixdan gabay ayuu Cali Baxar kula wadaagayaa  Abwaan Shiine oo horey gabay uga tiriyay dilka Saado.
______________
Sax baad tahay Abwaankow, Saada iyo sifeynteed,
Summad sudhan Albaabada, Sahal lagu Ilaaweyn,
Sidaad adigu sheegtaan, Saakaan Saada tebayaa,
Soomaali badankuna, Sid maanta lagu Jiro,
Siliciyo sadkani lumay, Saada ay ka dhiidhiday,
Si cad uma dhawaaqaan, Sirbay hadal ku tabiyaan,
Sanqadh dhagaha taagaan, Sida Adhiga didayaan,
Seylad lagu xereeyaa, Sumal iyo Sabeenaha,
Ogaan loo sadqeeyaa, Suuqa meydku wadhanyahay
Saakaan Saada Tebayaa Seefteedi maqantahay
Sidan daaya cidi odhan, Soomali ba’naa?
Sina umma gadoodaan, Sankaa xadhiga loo sudhay,
Sida Awrka loo raray, Su’aal kama hor keenaan,
Sunbaa Lagu Afuufaa, Qabiill lagu sasabayaa,
Siduu Gaariye u digay, Maxaa Samihii laga tegay,
Summad iyo Dir-sooc iyo, Muxuu Sabi Qabiil dilay,
Sabab La’aan a gowracay, Dhiigiisu Subag yahay,
Soortii ubadka loo siday, Ragbaa Sacabka buuxsaday,
Soomaali kala guur, Xumaan lagu sifoobiyo,
Saadaan dilay Amaan tahay, Sir u dooxu sharaf yahay,
Saakaan Saada Tebayaa Seefteedi maqantahay
Sasabuhu colaad dhalay, Seefo la Isla dhacayaa,
Sawirkani kharibanaa, Soomaali Ba’naa?
Samir iyo Islaamnimo, Sina loogu kari waa,
Same kii ka taliyana, Sankaa laga qabsanayaa,
Suuqaa lagu deldelaya, Sina uma Ammaan helo,
Maantaan Saada Tabayaa, Sidan dhaama maqantahay,
Sidii lagu aqoon Jiray, Soodkii macaana,
Soomalinimadii, Soo Jeedkii Qarannimo,
Suugaantan dhaawacan, Saakaba ayaa u kici?
Siinlayda yaa Tirin, Soo xidhan Cunaabida,
Halkii Saada noo gali? Allow Samaha Aakhiro,
Sariirtii Janada Gee, Soomaali Idilkeed,
Samir Ka Sii Intii Jecel.
Aamiin.
Cali Baxar
Email:alibahar731@gmail.com

No comments:

Post a Comment