Saturday, January 11, 2014

ONE MORE KILLING IN LAS ANOD BY SNM THUGS


Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ardeyda wax ka barata magaalada Laascaanood aya maydkiisa laga helay xaafada koonfureed ee magaalada Laascaanood, kaasoo sida la xaqiijiyey la diley. Marxuumka waxaa la dhahaa magaciisa Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf { ina Suffi}.
Maleeshiyaadka ayaa Siilaanyo ee magaalada ku sugan ayaa maydka cunuga meesha ka qaaday ayagoo ilaa hada aan cadeyn cida dishay.  Ilaa hadana cid looma hayo dadkii diley wiilkas dhalinyarada ah, walow ay jiraan tuhumo aan sugnayn.
Magaalada Laascanaood ayaa tan iyo intii ay gacanta u gashay maleeshiyaadka soo duuley ee SNM, waxaa sidii Tusbax la furey loogu warjaafayey dad aan waxba galabsan iyo kuwa ayagu markaas u shaqeeya isla maamulkasi, waxaana dad badankoodu ku Eedeynayaan dilalkan ugaadhsiga ah mid ay ka danbeeyaan maleeshiyaadka SNM ee ku sugan Laascaanood.

Source: Horufadhi.com

No comments:

Post a Comment