Monday, December 9, 2013

Xasharo waa kuma?



Axmed Cabdi Xaashi (Xasharo) oo Muqdisho ku go'doon ahaa 25 sanno ee Hawiye Soomaali dhulka jiidayay ayaa laga yaabaa inay maanta u magacowdaan Prime Minister. Xasharo oo la dhashay halyeye Moxamed Cabdi Xaashi aadse uga karti yar ugana faham siyaasadeed liita ayaa wuxuu qolyaha Xamar u noqonayaa nin ay si fiican isu fahmaan. Anigga oo fikir badan ka haysta Xasharo ayaa waxaan hadda laga bilaabo u taaganahay inaanan waxba ka sheegin una aamuso. Taas waxaa na baray qolyaha SSDF oo doqonkoodana diric noogu sheego Diraca Daarood ee kalana doqon noogu sheega. Hadaad dib u fiirisid inta Raysal wasaare & madaxweyne soo maray illaa qaran jabkii waad qiyaasi kartaa xeeladda ay ciyaareen reer SSDF. Marxuum C/laahi Alle ha ka raali noqdee qaladkasta ha lahaado laakiin wuxuu ahaa nin karmeed. Qolyihii ka dambeeyay ee HAG u shaqeeyay labo SSDF & laba Mareexaan waxay ahaayeen rag raganimo liita.

Laakiin reer SSDF koodana waa daboolaan ragga kalana waa ku oriyaan. Hadda xaalkaygu waa laga barayba laga badi. Anigoo hoosta ka tasbiixsanaya inaan Xasharo na matalin hadana haddi HAG wax moodaan inta ugu yar ee aan samayn karaa waa inaan ka aamuso. Iyagaa na baray. Aaamusnaanta ayaan ugu dadaalaynaa!

No comments:

Post a Comment