Sunday, May 12, 2013

Oday Geelii Ba'ay oo marba gidaar isku qaadaya!




SSC: War horta qolyahiina SNM ma idinka dhab baa?
SNM: Maxaad ka wadaa ma idinka dhabaa?
SSC: Ina Cigaal siduu idiinka tegayba waxaad noqoteen quraanjo madaxii laga gooyay?
SNM: Arintaas armaad adigu isku wadaa. Anagu xurgufi waa jirtaa laakiin nama soo dhaafto.
SSC: Taas kama wadin ee waxoogaa waxaan saluugay sidaad ragga u doorantaan.
SNM: Oo maxaad qoonsatay?
SSC: Dee odaygan Siilaanyo ee hurdada ku jira meel kasta oo uu joogo iyo..
SNM: Odaygu Faqashtii uu budhka la dhacay baan ugu abaal gudaynaaa
SSC: Faqashtu ma maatadii SNM guryaha ka gubtay baad ka wadaa
SNM: Faqash idinkaa noogu dhow markaa in idinla la idinka bilaabo weeye
SSC: Dee dagaalkii 80aadkii uu Faqashta ku bilaabay buu halkii ka sii waday
SNM: Haa balantaa sidaa ahayd ileen sasabo nagu soo raaci waydo'en
SSC; War odagyan waanu naqaanaa oo colaadiisu waa soo jireen laakiin waxaan idinkula yaabnaa kan waalan ee Oday Geelii ba'ay ma cid kale oo meesh aad soo fariisisaan baad waydeen?
SNM: War horta qolyihiina reer SSC ileen isma dhegaysataan. OO markaad Oday Geeli ba'ay la yaaban tihiin anaguna waxaanu la yaabanahay mid idin hor boodi jiray oo imika noo yimid. Nin belo ka dhacday baan u haysanay. Markuu noo yimid ee aanu aragnayna waxaanu la yaabnay sida reerku ninkan u daba galay. Markaa idinkuba nin madhan waad dhoodhoobi taqaaniine kaayga waalan maxaa idin tusay.
SSC: Anagu waxaanu idinkaga duwanayn  waanu naqaanay wuxuu galo & wuxuu gudo oo inuu hadlo waan ka ilaalin jiray. Ee fadlan ninkan oday geeli ba'ay nac nacdiisa naga aamusiiya. Ninkaa Ceeb Hagoogte ee idiin yimidna naga aamusiya ileen xigmad kuma hadlayo markuu hadlo'e.
SNM; Talo isa siin iskuma lihin ee xabad baa inaga dhexaysa. Xabad waxaad ku heshaan ha inoo ahaato labadan dowdarna anagaa kaga hadalsiinayna.
SSC: Taasi sheegis uma baahna. Laakiin labadan dowdar hadaladoodu ceeb ugu filan SSC & SNM. Idinku laakiin waxaad nagaga fiican tihiin talada doqonkiina iyo deelqaafkiisaba waad u riyaaqdaan anagu laakiin doqonadayada Hargeisa baan u soo dirnaa.

No comments:

Post a Comment