Friday, May 10, 2013

Ceeb Hagoogte oo weli SNM moqorofadii hoos wata.

Aqoonyare ciil kama kore Ceeb Hagoogte oo weli SNM hoos fadhiya ayaa maanta nac nac ka shubay meelaha SNMtu beenta isugu sheegto. Ceeb Hagoogte ayaa waxaa Hargeisa ku soo dhaweeyay Odaygii wax u yara dhinaayeen ee googaradda Hargeisa u daba galay iyo ninkii ku daba fayalay qoladdii SNMta kalaba dayrisay ee Sandulle. Nimankaa oo dulinimo iyo hanjabaad joogta ah lagu hayo inta ay ku hoos nool yihiin House of Cards SNM Hargiesa ka samaysatay ayaad waxaad ka fahmaysaa hadalkooda inay yihiin rag bah dil ku jira. Waxay kuligood hadal u dirayaan SNM oo ay is leeyihiin sii joogistooda ayaa SNM macna u yeelayasa. Ceebta iyo calool xumadda ay SNM la hoos joogaan waxaa ka daran dulinimadda ay dugsanayaan. Nimankaa hadalkooda markaad dhegaysato waxaa kuu cadaanaysa inay yihiin rag dulinimo iyo bah dil u gogol dhigtay. Waxani wax ka badane Hargiesa ba hilib Doofaar baa lagu iibiyaa xagay waxan ka yimaadeen?



Odayga Googoradda daba galay wuxuu kaga duwan yahay qaar kale oo badan, ugu yaraan isagu afkiisa ayuu hadlaa oo maaha nin la gabada hadalka. Malaha googarada uu daba socdo ayaa Hargeisa xiniinyo ku leh LOL. Waan fahmi waayay. Waxaanse maqlay walaalkii iyo wiil uu adeer u yahay baa SNM dishay iyagoo salaad tukanaya. Kuwii dilay ayuu maanta makhaayad la fadhiyaa isagoo aan eegi karin. Belo googarad kuugu daba fayshay!

Duf ku baxa...walee dulinimadaas baad ku dhimanaysaan bakhtigiina Hargeisa in lagu aaso weeye oo aan lagu soo celin SSC land.

No comments:

Post a Comment