Tuesday, March 26, 2013

Wixii la wadaago markaad ka tagtid waxaad gaar u leedahay baa khalkhal la gelinayaa!


Horta yaa wanaag laga doonayaa? Ma reer Jubbaland kaliya? Wanaaga la doonayaa miyaan laga wada rabin Soomaaliya? Caasimaddii ha lagu soo celiyo caasimad Soomaaliyeed inay tahay markaa ka bacdi Soomaali wanaageeda kale ha laga shaqeeyo. Midnimadu maaha "One way street"
Dhibaatada madaxda dowladda ku meel gaarka ah haysataa waxaa weeye waxa uurka ay ku haystaan iyo waxay publicly u sheegayaan baa is khilaafsan. Muhiimadoodu waxaa weeye inay xukun iyagu ay sawirteen gaadhsiiyaan "Koonfurta Gaalkacyo ilaa Kenya." Maaha anigu mid aan samaynayo waa waxa uu Gurguurte afkiisa ka yiri iyo sida ficilkoodu uu tusayo. Waxay rabaan wixii wadanka soo gala in intaa lagu maareeyo. Waxay kaloo doonayaan sidii Muqdisho ka dhacaday in dhulkii Xaaraanta lagu degay 20kii sanno ee la soo dhaafay ay u xalaaleeyaan xaaraan-cunayaashii.

Taas weeye siday ay Shabeelaha Hoose ugu xalaaleeyeen dadkii ka soo haajiray goboladda dhexe. Kismaayo waxay rabaan dadkii asal u lahaa in xoog iyo caga juglayn looga qaado. Waxay doonayaan in ay geystaan rag ay iyagu soo maamusheen oo "dhexdhexaad" ay ku sheegaan. Yay dhexdhexaad ka tahay? Haday Muqdisho dhexdhexaad noqon wayday magaalo kale dhexdhexaad ma noqonayso. Dadka degaanka waxaan u sheegayaa, duulimaad baa la idinku yahay jaati dowladeed loo soo geliyay ee xaqiina ilaashada. Ninkan la soo maqiiqay ee fikirka kale watana iska ilaaliya. Fikir dan dadka ugu jirto ma hayo ee wuxuu hayaa fikir u adeegaya reer xididkii.

No comments:

Post a Comment