Tuesday, March 26, 2013

Uurka iyo Afkaba ka been sheege- Duf ku bax liitee! SNM u foorarso markay xabadda la dhacayaan walaaladaa

Nin ayaa ii waramay ka qayb galay shir SSC lahayd badhtamihii sanadkii 2011kii. Shirkaas oo ninka Ina Ciise Axmed Kaar la yiraahdaa ka qayb galay. Ninkaasi wuxuu ii sheegay in markuu hadalka bilaabayay uu Ina Ciise ku bilaabay " Fadlan sawiradda la qaadayo iyo codka la duubayo ha la joojiyo." Waxay u muuqatay buu leeyahay ninkaasi inuu ka war wareegayay in laga duubo hadalo beri isaga dib ugu soo noqonaya. Hadaba erayadii uu yiri ee meesha ka sheegay dadka qaarna aad u calool dhaqaajisay waxaa ka mid ahaa:

"Maalintaan SSC Nairobi ku asaasnay ayaa Puntland waxay u dabaal degaysay sanad-guuradeedii 10aad oo Faroole uu salaan ka qaadanayay ciidamadiisa. Maamulkiisuna soo ban dhigay wixii uu dadka u qabtay."

"Dhulkan SSC si horumarka looga ilaaliyo waxaa laga ilaaliyay nabadii. Meel aan nabad ka jirin, horumar kama jirayo. Nabadina kama jirayso haddii dadku ayna raali ka ahayn cidda xukumaysa. Reer SSCna dad aan iyaga ahayn inay xukumaan waa diideen."

"Anagu hunguri meeshan (SSC) umaanan doonan, madaxnimo umaanan doonan, cid wax ku yeel umaanan doonan. Waxa keliya ee aan u nimid waxaa weeye waxaan aragnay dhibaatada haysata dadkayagii. Sida labada reer ee hareeraha naga xigaa u hor mareen oo dhulkoodii u hagaagay anaguna aanu weli joognii dowlad burburkii."

Arintan u dambaysay ayaa wuxuu ninkii ka qayb galay ii sheegay inay dadka qaar "emotional" ka dhigtay. Beerka caara goysay ileen wax aan uurka ka jirin buu afka ka sheegayay! Alla aduunka ninka rag ugu liita calaamadihiisa waxaa ka mid ah, "Shalay wixii dhacay iloobe, beri waxa soo socda kuma xisaabtame maanta ma derse xafiiltan qoys u xoog badane" Intaas oo dhan ina Ciise ayay ku kulmeen. Duf ku bax "Alla muxuu caqli xumo reerka kala dhex baxay"

No comments:

Post a Comment