Friday, November 2, 2012

Dowlada Khilaafka Baratay Intaanay Socod Baran!



Hadii aad ku daashay is jiidjiidadka dawladdii ku meelgaarka ee ay isaga danbeeyeen C/qasim Salad Xassan, Col. Cabdullahi Yusuf iyo Sh. Shariif Sh. Axmed, hadii aad is laheed kumeel gaarnimada ayuu khilaafku la socdaa oo hadii laga baxo, khilaaf kana waa laga bixi, waxaa halkan ah war dhiilo wata oo ay tahay inaan laga nixin oo kaliya ee wax qabad lagula tacaalo.
Haatan dawladda Soomaaliya way ka baxday xiligii ku meel gaarka, waxaana jira Baarlamaan, Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare, waxaana la sugayaa oo loo fadhiyaa helitaanka xukuumad tayo leh oo dalka ku hagta cadaalad iyo sinaan afarta sano ee soo socota, waxna ka qabata musuqa iyo amaan xumida, soo celisa kalsoonidii shacabka ee dhuntay, abuurta jawi wada noolaansho Soomaalida kala irdhawday dhexdeeda, la xisaabtanta shisheeyaha damaaciga waalan ee hawadii, baddii iyo barigiiba macaashka waalan ka samaynaya.
Rajadaa iyo iftiinkaa aan kor ku xusnay waxaad dib u liqaysaa markaad xog ogaal u noqoto waxyaalaha ka socda Villa Soomaaliya oo ay ku suganyihiin sadexdii masuul ee dalka ugu sareeyay. Ka waran hadii ay isku mari la’yihiin tiridii ay ka koobnaan lahayd xukuumadda la sugaayo in la dhiso, hadda lama gaarin magacyadii wasiirada iyo wasaaradaha ee waa tirada wasiirada, ma 9, ma 14 mise 18.
Waxaa la yiri, xaraf alifka ku halaabay albaqra kuma hagaago, sow murugo iyo rajo xumo kuuma soo baxayso dawladda khilaafka ku bilaabatay ee waliba intii ay is dhuubi lahaayeen oo wax kasta ka hormarin lahaayeen inayna qayladoodu dibadda u bixin oo si hoose u xalistaan, hadiiba ay gaarto in dad shisheeya ah uu soo kala dhex galo oo is faham la dhex dhigo. Sow naxdin ma aha ragga bilawgiiba heshiin waayay, kaagaba sii darane ee dad qalaad heshiisiinaayo sidii qolyihii ka horeeyay ee kumeel gaar ahaa.
Hadii ayna sida ugu degdegga badan wax ka badalin qaab dhaqanka ay wax ku bilaabeen, isla markaana ay sii wadaan khilaafaad soo noqnoqda, markaasi wuxuu dalku halis ugu jiraa inay beesha caalamka tiraahdo Soomaalidu isma xukumi karto ee waa in la xukumaa, ileen waa dhurwaa sidii uu doonaayay usha loogu dhuftaye. Hadii aad qabtay rajada ah in Soomaaliya ay qaaday dhabihii dawlad nimada, isla markaana ay kuu baxaayeen ileys ah in Soomaaliya ay qayrkeed dhinac ka raacayso, hadana ku darso hadii aan Alle xaqa iyo wanaaga iyo is fahamka garan siin madaxda dalka rajo xuma muuqata oo ku aadan in Soomaaliya si joogta ah loo kala diro ama loo kala qaybsado.
Eng: Mustafe Nuur
m-nuur1@hotmail.com

No comments:

Post a Comment