Tuesday, July 30, 2013

Afeef: Professor Samatar

Anigu shaqsiyan uma aqaan professor Samatar. Waan akhriyay qoraalo badan uu leeyahay waana dhegaystay hadalo fara badan oo uu jeediyay. Nin calool wanaagsan oo Soomaalinimo qadariya ayaan ku aqaanay intii uuna Muqdisho tegin. Professorka waxaan filayaa Soomaali inta uu ka arkay oo ka bartay waa inta qurbaha la joogta. Intaasina markay isaga hor fadhiyaan ama la sheekaysanayaan Soomaalinimo iyo wadaninimo aan sii qodnayn bay ka sheekeeyaan. Isagoo fikirkaa qaba ayuu Muqdisho tegay. Wixii kaga dhacayna waa la soconaa.

Muqdisho madaxweynenimo daaye cid salaantaba wuu waayay. Cid fikirkii uu 20ks sanno daba socday wax ka waydiisa ayuu waayay. Wuxuu ku dareemay cidlanimo iyo qalo uusan Soomaaliya gudaheeda ka filanayin. Waxaa si cad iyo si sarbeebanba loogu yiri ma gaydid kursiga madaxweynaha. Waxaa kaloo lagu yiri ma noqon karti Raysal Wasaare sababtoo ah qolo kale oo kaa laan dheeraysan baa xaq u leh.

Arin aan is leeyahay wuu ogaa laakiin uu is lahaa taariikhdaada ayaa ka mudan ayaa hungo soo dirtay. Labaddaa xafiis ka dib wuxuu isku dayay inuu noqdo Wasiirka Arimaha dibadda. Laakiin madaxweyne kalsoonidiisu liidato oo ka baqay inuu "over shadow" gareeyo ayaa ka dul booday. Wuxuu Samatar oo 25 sanno Soomaalinimo u taagnaa ka door biday islaan 6 bilood ka hor u ordaysay kala goynta Soomaaliya.

Professor Samatar markuu arkay bah dilka iyo quudhsiga Muqdisho loogala dhaqmay nin carooday inuu wuxuu doono sameeyo way ula ekoonaatay. Qolyaha qoqobka wadaana marxabaynta beenta ah aad bay ugu dheereeyaan. Waa la marxabaysiiyay  markuu Waqooyinga Soomaaliya tegay. Professorkii oo af kale ku hadlayay ayaan arkay.

Anigu wixii professorka Muqdisho kaga dhacay waan ka xumahay oo difaaci maayo. Inuu caroodo oo nin rag ah oo la xiniinyo taabtay wax walba waa ka suuroobaane waan filayay. Laakiin aniga iyo qolyo badan oo markii hore aad u taageersabaa professorkaba way nagu adkaatay wadadda uu maanta hayo.

Muqdisho wixii ka qabsaday Hargaysa xijaab ugagama xirna. Hargaysana markaa sidaa loogala dhaqmo xaggee buu aadayaa? Anigu waxaan kula talin lahaa professorka inuu u hubsado meeshuu wax u wado. Aniga kolay markaad qaab qawseen gasho waan kaa harayaa. Dad badan oo fikirkaagii hore kugula socday kuuna han waynaa arintoodu waa caro iyo qiimo jab aad u wayn. Cilmi iyo da' midna kuuma dhina. U hubso talaabadaada tan xigta. Waa iga talo iyo waano. Aragtidayda kugu aadanina waa taas. Qoraalo badan oo kugu saabsan meeshan waa saaraan yihiin. Laakiin fikirkagya shaqsiga ahi waa kaas. Maca Salaama.

No comments:

Post a Comment