Tuesday, February 5, 2013

Faroole iyo SNM u dhukiskiisa ma is waydiiseen?




Faroole maxaad u qaadateen u dhukuskiisa SNM land?

Faroole wuxuu u dam iyo dig leeyahay anaa idiin sheegaya.

1) Wuxuu ogaaday in mashruucii SNM indho beelay oo hadda uu kuudud-san yahay.
2) Wuxuu arkay in Soomaaliya dowlad ka dhalatay. Dowladaas oo Hawiye bur tuur u yahay. Xitaa ninka Hawiye ugu mu'minsan, ugu daacadsan, ugu cadaalisan ugu wadanisan hadduu soo baxo reer Puntland waxay rabaan inay boqno gooyaan. (Intaa ilaa iyo hadda midna Culusow kuma tilmaamayo. I tus oo i taabsii weeye xaalku. Dabcan sidoo kale haddii nin intaas oo calaamadood oo Daarood ah or malah majeerteen ahi soo baxo qolyo Hawiye oo xaaraamaynay la waayi maayo. Taasi waa dhaqan laga yaqaan koonfur. I waydiia anigaa ka imid'e. Isu samirku waa ku yar yahay.
3) Maadaama dowladda Hawiye & Mareexaan joogaan wuxuu rabaa inuu ama kuududiyo ama qarqarsiyo hadba kii u fududaata.
4) Khaatumo wuxuu u arkaa kuwii fikirkiisaa guracan xanibi lahaa.
5) Khaatumo oo madax banaan oo dhulkeeda iyo aayaheeda ka talisa Faroole SNM ha hoos joogto ayaa kala haboon.
6) Maadaama SNM indho beeshay wuxuu ka baqayaa in SNM & rag Khaatumo ka mid ah (Galayr) ay mabda' la soo baxaan la yiraahdo "Reer Waqooyi" vs. Reer Koonfur. Taasi waa dhabar jabka Faroole iyo fikirkiisa. (Waa arin aan 100% ka soo hor jeedno qolyahayga reer Khaatumo ee reer Jubbaland.)
7) Faroole PL ha rogmato ayuu ka door bidayaa in fikir Cali Galayr lug ku leeyahay jaan qaado.

8)Wax kasta oo awoodiisa ah Faroole wuxuu rabaa inuu ka hor tago "Waqooyi alliance" SNM oo la aqoonsado oo Khaatumo kaxaysato ayaa u dhaanta "Reer Waqooye vs Reer Koonfur" formula. Maadaama taasi dhacaynin wuxuu rabaa inuu ka hortago SNM & Khaatumo wadahadal ay leeyihiin. Anaa qayb u taliya qaybna idinku u taliya baa dhaanta sida Khaatumo rabto weeye hadafkiisu.


Taas weeye waxaa fiinta ka ciyisiiyay. Waa feker guracan. Reer Khaatumo weligood ma harqodaal rag kale bay hoos fadhiyayaan mise waxay leeyihiin bay raadsanayaan? Yaa idiiin diiday inaad idinku majarihiina qabsataan?

No comments:

Post a Comment