Tuesday, September 4, 2012

Jawaab: “Xagla toosiye wuxuu dhigay cashar ku saabsan nabadda”


Qoraal uu qoray Liban Axmed looguna magac daray “Xaglatoosiye wuxuu dhigay cashar ku saabsan nabadaynta” ayaa ah qoraal aan ku fadhiyin xaqiiqda ka jirta degaanka Khaatumo.

Xaglatoosiye Khaatumo ka hor wuxuu ahaa gudoomiyihii ururka Sool, Sanaag & Cayn (SSC). Ururkaas oo matalayay dadka ku dhaqan deegaankaas. Shirkii Taleex ka dib, dadkii degaankaasi waxay samaysteen maamulka Khaatumo. Saleebaan wuu ka qayb galay shirkii Taleex wuxuuna cadeeyay in shirkaa ka bacdi, dadka SSC go’aanka ay gaaraan uu waafaqsanyahay, hoggaanka ururkiisuna ku egyahay inta shirkaa ka horaysa go’aanka ka soo baxana waafaqsan yahay.

Dadka SSC waxay ku shireen Taleex, Khaatumo ayaa dhalatay, Xaglatoosiyena nasiib uma helin in la doorto. Sida Soomaalida caadada u ah, wuxuu noqday siyaasi laga cod badiyay oo aan aqbalin go’aankii dadka wuxuuna bilaabay mucaaradnimo ku wajahan Khaatumo.

La kulanka uu Siilaanyo la kulmay iyo talaabooyinka uu qaaday oo dhan waxay lidi ku yihiin midnimadda iyo jiritaanka maamulka Khaatumo. Xaglatoosiye wuxuu ahaa gudoomiyaha ururka SSC saan u sheegay, maanta markuu hadlayo kama hadlo SSC ee wuxuu ka hadlaa Buuhoodle. Hadalkaasi waa hadalka iyo fikirka maamulka Siilaanyo oo raba in arimaha Khaatumo loo kala jebiyo qoys qoys & degaan degaan. Degaan walbana loo diro qof ula hadla degaan ahaan si loo wiiqo fikirka guud ee Khaatumo iyo fikirkii hore ee SSC ee Xaglatoosiye hogaaminayay. Xaglatoosiye shirkii Khaatumo ka bacdi lagama maqal magaca SSC. Qudbadiisu waxay ku salaysantahay Buuhoodle. Xaglatoosiye SSC buu hogaamin jiraye maxaa nabadiisa maanta ku koobay Buuhoodle? Ma fikir isaga hadda ku soo kordhay baa mise waa fikir dad kale u danaynaya? Xaglatoosiye ciidanka uu nabadda ku raray muxuu u gaadhsiin waayay dhamaan degaankii uu hogaamin jiray? Sababta Xaglatoosiye iyo Liibaan Buuhoodle ugu celcelinayaan ee u kala saarayaan hadafka dadka reer SSC ma noo sheegi karaan?

Liibaan wuxuu yiri taladdii Buuhoodle waxay ku soo noqotay reer Buuhoodle. Goorta taladii Buuhoodle ka baxday gacanta reer Buuhoodle noomuu sheegin. Reer Buuhoodle Garaadadoodii, Isimadoodii, Boqoradoodii iyo dhamaan caaqiladoodii way joogeen shirkii Khaatumo. Waana taageereen 100% Khaatumo. Maantana Khaatumo oo reer Buuhoodle hogaaminayaan ayaa Buuhoodle joogta. Micnaha uu Libaan ka wado reer Buuhoodle taladii ku soo noqtay isagaa laga rabaa inuu naga jaahil bixiyo.
Libaan waxaan weydiin lahaa, goorta waxa walaalkaa ahaan jiray ay noqotay inay ku siiso tix gelin dheeraad ah? Moxamuud Xaaji Cummar waa oday reer Buuhoodle ah laakiin oday dhaqameed maaha. Caaqil maaha, magac ka sareeyana kuma magacaabna. Cid aflagaadaysay oo wax u dhintayna ma jirto. Reer Buuhoodle Garaadadoodii, suldaankoodii iyo Boqorkoodii oo reer Buuhoodle raali ka yihiin wakiilna u ah ayaa magacaabaya xildhibaanadooda.

Xaglatoosiye nabad ku meel gaar ah oo dano gaar ah laga leeyahay ayuu qayb deegaanka SSC ah u keenay ee sida Liibaan u sheegay shaqo wayn ma qaban. Gardaradda maamulka Siilaanyo ayuu u noqday jid fur. Maamulka Siilaanyo Buuhoodle kaliya dembi kama gelin dhulka Khaatumo. Dhamaan degaanka SSC- malaha waa sida Xaglatoosiye jecelaan lahaaye, ayaa dembiyadu ka dhaceen. Xaglatoosiye hadafkiisii ahaa SSC wuxuu ku badalay Buuhoodle. Wuxuu la saaxiib noqday qof kasta oo shalay markuu SSC ahaa colka la ahaa. Xaglatoosiye bal maanta hareerihiisa ha eego oo ha iswaydiiyo qof kasta oo maanta la socdaa shalay markuu Xaglatoosiye danta SSC u taagnaa siday u arkayeen? Ma is waydiin karaa taageerayaashiisa maanta oo shalay ka soo horjeeday ma isagaa mowqifkiisii bedelay mise taageerayaashiisa maanta? Ha is waydiiyo waxa mideeyay maamulada hareeraha iyo taageerayaashiisa iyo siday isaga shalay u arkayeen.

Nabaddu waxay asal u tahay nolosha. Nabaduse waddo iyo marin loo maro ayay leedahay. Liibaan nabad aan qaan gaarin ayuu Xaglatoosiye ku amaanayaa. Xaglatoosiye waxaa si wacan uga faalooday hadafkiisa Cusmaan Xasan. Xaglatoosiye iyo Siilaanyo midkoodna nabad doon maaha. Dantooda ayaa maanta midaysay. Dantaas oo ha mid ka soo horjeeda danta shacabka SSC ama Khaatumo.

No comments:

Post a Comment