Thursday, January 31, 2013

Hunguri: Cadka Rag walaaleeya? Mise!

Somaalidii hore ayaa waxay odhan jirtay, cadka rag walaaleeya waa hunguri.
Taas oo macnaheedu ahaa, qofka markaad wax tarto oo aad xoolo aad ku dhaanto aad wax ka siiso, qofkaa waad isku dhowaataan oo qofkaasi "wax wada cun" baa idinka dhaxeeya. Haddii aad qaladaad kale ka gashana waxaa laga yaabaa inuu arintaa hungurigga awgeed uu kuugu hamrado. Taas macnaheedu maaha, xoolaha aad siisay awgeed waxaad qofkaa ka bedeshay fikirkiisii iyo aragtidiisii isaga u gaarka ahayd ee ku wajahnayd aragtidiisa guud, balse waxaad muujisay isu soo dhowaansho labadaa qof kaliya u dhaxeeya. Sidda caadada Soomaaliyeed ahaan jirtayna, qof mowqifkiisa ku bedesha sarif yar oo dacalka loogu soo shubay wuxuu shacabka dhexdiisa ka mudnaan jiray liidnimo iyo in ragganimadiisa iyo waxtarnimadiisa shaki la geliyo oo waxaa loogu hal qabsan jiray:

"war qofkii maalintaa shaaha u shuba baa kaga hadal siiya"
"War ma shillinkii Hebel baa hadlaya, mise maskaxdaadii"
"Taas maqalnay, oo waa laguu soo dhiibaye, adigu fikirkaa hadal" IWM

Haddaba iyadoo sidaa loo arki jiray ragga noocaas ah, ayaa waxaa muuqata in adduunkii is bedelay oo imika rag badani ay ceeb la'aan la tahay wixii aabayaashood iyo awoowayaashood ay ka hagoogan jireen. Rag badan ayaa subixii u kalaha oo u suuq taga inay seyladaha wax lagu kala iibsado geeyaan fikirkooda oo qofkii bixiya shilimaadka ugu roon ay ka iibiyaan fikirkooda. Fikirkoodu saacadda laga bilaabo maaha mid shaqsiyan ah ee waa mid kiro ah. Inta heshiiskaasi jiro fikirkaasi waa jiraa, maalinta heshiiskaasi dhamaadana ama waa in la cusboonaysiiyaa ama mar kale ayaa la iibinayaa fikirkooda, kii shalay mid ka soo horjeeda ayaa laga yaabaa inay waqtigan ka iibiyaan. Kana xishoon maayaan in la weydiiyo is khillafka ku jira kiisii shalay iyo kan maanta. Sababta ay uga xishoon waayeen waxaa weeye, qiimayntii umadda oo dhan ayaa hoos u dhac ku yimid oo qaar badan oo ummadda ka mid ah ayaa iyagoo fool xumadda meesha ka socota u jeeda aan waxba ka odhanayn balse waaba difaacayaan oo cudur daaro laga weji duubto isticmaalaya.

Taasi waxay sababtay xaaladda ka jirta SSC, iyo inta axad ee shalay Puntland hormuud ka ahaa, markii cusboonaysiintii la waayayna qaatay qandaraas kale oo Hargeisa soo dhoodhoobtay. Fu'aad Aadan Cadde, waa nin xumaddi hayso oo wareersan, balse arin uu yidhi baan u guuxay oo uu ku dhaamo caadda qaate kasta oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu ka yimid. "Sii carar oo marba dhan u carar, waa gunnimo" ugu yaraan isaggu waa nin mowqif leh, haddii arin meel lala dhigana waxay u egtahay in loogu imanayo.

Cadkii Hunguri ahaa ee rag walaalayn jiray waxay u muuqataa in waqtigu bedelay oo imika uu noqonayo "cadkii rag kala geeyay." Sababtu waxaa weeye, odhaahdaa soo jireenka ahi waxay ka turjumaysay wax isa siinta iyo siday ragga isugu soo dhawayso. Balse imika, rag hunguri qaatay, iyo qolo durbaanadda u garaacaya ayaad moodaa in SSC ay kala gaynayaan. Golayaal badan oo SSC waxaad ku arkaysaa fikirkii la iibsaday oo si habsami ah u shaqaynaya, hungurigiina wuxuu u xuub siitay inuu noqdo rag kala geeye'e aan cad kale oo rag walaaleeya caleema saarano!
waxaan ku soo gunaanadayaa gabaygii Dhoodaan tiriyay. Dhoodaan gef bay ka ahayd, balse halkan waa ku haboon yahay!


Faqa soo dhamaaday ee, ogaan loogu fulinaayo
Nacas fooraraa yeela, iyo ficilka doofaare
Fariid kamabba suurowdo iyo, geesi fool addage
Rag fidaa'inimo sheegta, oo meel facshara taagan
Runta anoo ka fuuryeeli, waa inaan shir feydaaye
Markii aad shacbiga fuuqsatee, dili fariidkaaga
Garaadiyo(darajo) fuluus bay dabeed, kuu fasaxayaane
Loomaba fadhiyin waa amuur, xaal fashiiste ahe
Darajada faduusha ah, waxay fadhato kuu siisay
Amay faraqa lacagtaad ku shuban, kuugu fidinayso
War soow taa in laga fiirsadaa, meesha kuma fiicna
Fanna cawdu maxaa taa, inaad fahanto kuu diiday?

No comments:

Post a Comment