Qar iska xoornimada dagaal-ooge
Siilaanyo, nuglaanta Puntland baa ka sii daran.
Afeef: Ugu yeeri maayo maamulka Hargaysa magaca “Somaliland.”
Magacaasi sharciyan iyo siyaasiyan midna ma qeexna. Magaca sharciyanka ahi waa
SNM, sababtoo ah qoyskii jabhadda lahaa uun baa maamulkana leh.
Moxamed wuxuu sheegay in labada maamul ee Puntland iyo
maamul reeroodka Hargaysa aan dadka iyo xuduuddu u kala soocnayn!
Moxamed waxaa kaloo dhibay, in ciidamadda maamulka SNM ay
soo ag fariistaan magaalooyinka waawayn ee Puntland sida Garoowe! Moxamed wuxuu
hadalka ku soo gaba-gabeeyay:
“imaatinka Taleex ee ciidamada maamulka Siilaanyo iyo meelo
kale oo ay ku oo wajahanyihiinba maaha mid kor u qaadaysa nabadda gobolka iyo
midda dariswanaaga ee labada maamul ee mudadii labaatanka sano ahaa ay ku kala
joogeen.”
Labadda maamul dadka
iyo xuduudkuba waa u kala soocnaayeen. Soomaali waa is taqaan. Puntland, reer
Burco iyo reer Hargaysa wax kama samaysan. Dadka samaystay maamulkaa waa la
yaqaan. Degaanadoodana waa la yaqaan. Maamulka Puntland, waajib ayaa ka saarnaa
ilaalinta degaanka dadkii samaystay iyo gaarsiinta adeegyadii maamulka laga
sugayay.
Puntland, maamulka
Hargaysa iyo shacabka SSC
Haddii sandakii 2007da aad waydiiso shacabka reer SSC maamul
ahaan cidda ay yihiin, 98% jawaabtoodu waxay ahayd Puntland. Weli waxay daacad
u ahaayeen maamulkii ay wax ka samaysteen wax dheef ah se ayna ka helin.
Waxayse kalsoonidaasi luntay markii SNM isku balaarisay degaankii SSC,
maamulkii loo xil saarayna ka laalaabtay.
“I jiid aan ku jiidee siyaasiinta magaalooyinka la qabsaday”
waa sida Moxamed u dhigaye, shaqiyaad iyo shacab yaa xoog badan? Shaqsiyaadka
SNM sandareeradda ula joogaa miyay ka xoog bateen maamulkii shacabka SSC
doonayeen? Maxaa wiiqay awoodii shacabka iyo maamulkoodii wada socday, kii
sandareero ku noolka iyo SNM na xoogeeyay? Soow arintaa in la is waydiiyo
maaha?
Miyaanay ahayn in ay run u ekaanayso fikirka ah, SNM iyo
Puntland mid bay ka midaysany yihiin: SNM inay sheegato dhulka SSC, Puntland
iyana ay sheegato dadka SSC, labadooduna aanay wax kala gaarin?
Shacabka SSC iyo
xalka siduu yahay
Nasiib daradda shacabka reer SSC haleeshay waxaa weeye, Juquraafi
iyo hunguri ku nool badan oo ka dhashay.
Shacabka SSC, maamulka SNM wax kamay dhisan, laakiin si
maamulkaasi degaanka u sheegto, wuxuu u yeertay calooshooda u shaqaystayaal
badan oo diyaar u ah in calooshoodu buuxdo si ay dadkooda iyo degaankay ka yimaadeen
horumarka uga ilaaliyaan. Calooshooda ayay dhaafsadeen horumarkii wadankooda.
Puntland oo ay wax ka dhisteena, waxaa cadaatay in boos
buuxsi ay ahayd ee aan maamul Puntland ahi wax u qaban goboladda SSC. Mar
haddii tobaneeyo dhulkaa ka yimid ay meelo muuqda ka joogaan maamulka, waxaa
loo arkay in la ilaawi karo in wax loo qabto degaankii. Waana midda sababtay in
calooshooda u shaqaystayaal saaran taangiyo SNM leedahay ay dirqiyaan 98%
shacab ah. Kuwii degaanka ka yimid ee Puntland la joogayna, sidii kuwii SNMta
la joogay bay u dhaqmeen oo calooshoodii bay la ciyaareen.
Khaatumo
Xaq bay noqotay in reer SSC ay tashadaan ama loo taliyo
iyadoon wax la waydiin. Waxay go’aansadeen inay tashadaan. Waxay samaysteen
maamul ay leeyihiin oo shacabkii 20ka sanno oomanaa ay abaabusheen. Laba sanno
isagoo jira oo laba maamul iyo calooshooda u shaqaystayaal badani lugta
jiidayaan, waxa Soomaali ku nooshahay ee UN bixisana intii loogu tala galay ay
labada maamul weli qaataan, ayuu qabtay wax aan reer SSC loo qaban 20kaa
sanno. Dadkii baa isku tashaday,
fikirkii SHACABKA ayaa midoobay, calooshiisa u shaqayste ayaan markan boos uga
banaanayn. Khaatumo, sida maamuladda kale, shaqsi ma dar yeelo ee shacab ayuu
dar yeelaa. Waa taas midda ay hadda labada maamul weli colaadda ugu wayn ay si
wada jir ah Khaatumo ugu hayaan. Waxay “gentlemen’s agreement” ku gaareen baa
shaki soo galay. Taas weeye midda hadda xaqqiiqda ah. Taleex in shir Khaatumo ka
dhaco waxay Puntland ka door bidaysaa SNM baa qabsatay oo ka bacdina ay ku
eedeeyaan shaqsiyaad. Hadaba, SNM iyo calooshooda u shaqaystayaal xoog maanta magaalo
waa ku qabsan karaan, su’aashu waxaa weeye, xoog ma ku hanan karaan? Reer SSC waxay
garawsadeen maanta, inta taladoodu ka go’ayso magaalooyin kale calooshooda u
shaqaystayaal baa go’aankuna ka go’ayaa.
Puntland oo daacada
ah maxaa la gudboon?
Khaatumo shacabka reer SSC baa raba. Lugooyadda ka daaya. Reer
SSC oo isku duuban lugooyadana aad ka daysaan waxaa xaqiiq ah in SNM iyo kuwa
ay caloosha ka kiraysteen ayna habeen u talinaynin. Qayla dhaanta iyo “Qowda
maqashii waxna ha u qaban” reer SSC iyo Soomaali intooda badan waa ka dheregsan
yihiin. SSC land oo maqan SSC people idinla joogi maayo. Fikirkaa iska ilaaba.
Lugooyadda Khaatumo ka daaya. Khaatumona waxay balan qaadaysaa inaan SNM
magaalooyinkiina soo ag degin. Horumarka fiican ee dhulka REAL Puntland ka
socdana, Alle ha idiin barakeeyo, anaguna aan dhulkayaga dhisana’e intaa ma
nagu garab galaysaan?