Waxaan aad ula fajacay su’aal la waydiiyay Cali Khaliif Galayr oo uu waydiiyay Yuusuf
Garaad oo ah weriye ka shaqeeya BBC qeybteeda Af Soomaaliga. (http://horufadhi.com/bbc.php) Su’aashu
waa tan.
“… [H]alkanna (Somaliland) waa gobol gooni isu taagay oo
jamhuuriyad gooniya la baxay tegitaanka aad tagtay adigu .. iyo hadda in arintu
aanay ahayn kaliya gobolka arimihiisaan ka tashanaynaa laakin ay tahay goitaanku ma jirayo anagu
kama mid nihin ma u aragtaa dadkii degaankaasi (Khaatumo) arin weyn oo
Soomaalida labadeeda dhinacba u taala in iyagu keligood ay dusha saarteen
masuuliyad u dhaxaysa Soomaaliya iyo Soomaaliland haday kala go’ayaan iyo haday
wada jirayaanba.”
Waxaan la yaabay in Yuusuf Garaad ogaan runta uga leexanayo
iyo in aqoon la’aan ka hayso meesha waxa ka socda. Waa gartiis haddii war
la’aani hayso oo ragga uu warka ka sugaa ee idaacadda uga soo waramaa waa rag reerka
gooni isu taagga wada ka mid ah taageerana fikirkaa. Laakiin isagaa u doortay
waxii khalad ah ee ka yimaadda ee saxaafadda ka dhinac ah isagaa laga sugayay
inuu saxo balse taa waa laga waayay. Waxaase la yaab leh, Soomaaliland Yuusuf
yuu u yaqaan? Yuusuf hadalka siduu u dhigay, gobolka gooni isu taagay waa
Soomaaliland, Khaatumona waa ku gar daran tahay inay diido gooni isu taagga.
Reer Khaatumona arin u taala Soomaaliland & Soomaaliya ayay faraha la
galeen oo aan iyaga khusayn ayuu hadalka u dhigay. Waxaa cajiib ah in Yuusuf
inkiro ama is ilowsiiyo xaqiiqda dhabta ah. Maanta arintu maaha Soomaaliland
& Somalia wax la yiraahdo. Magac iyo summad waqtigeedii waa laga soo
gudbay, waana aqoon daro inuu manta yiraahdo, reer Khaatumo kama hadli karaan
mowqifkooda ku aadan kala qaybinta Soomaaliya. Yuusuf wuxuu ogaan isu
ilowsiiyaya, reer Khaatumo qofna ku khasbi maayaan inay Soomaali ka mid
ahaadaan. Laakiin qofna ka yeeli maayaan inuu ku khasbo inay Soomaali ka
go’aan.
Muddo aad u horaysa ayaa iigu dambaysay dhegaysiga BBC da.
Shaqsiyan sababta aan u daayay waxay ahayd anigga oo warkii Soomaaliya ka hela
shabakadaha Soomaaliyeed kuwaas oo si ka dhaqso badan uga warama xaaladda
Soomaaliya ka jirta. Waxaanse akhriyay qoraalo badan oo lagagga cabanayo dhex dhexaadnimadda
Laanta Af Soomaaligga ee BBCda. Qoraaladaas oo eedda ugu wayn dusha uga tuuray
Yuusuf Garaad oo tafatire ka ahaa idaacadda. Mudane Cali Khaliif oo aan
beryahan aad u xiisaynayay hadalkiisa ayaa maanta ii geeyay inaan BBC
dhegaysto.
Waraysigiisan oo sidda aan dareemay weriyuhu u xaglinayay oo
difaacayay qolyahan gooni isu taaga doonaya, waxaa ii muuqata ciddii Yuusuf
Garaad ku eedaysay dhex dhexaad la’aan inay gar leeyihiin. Waxaan kaloo dareemay in uu BBCda ka sheegay
warar aan xaqiiqda ku salaysnayn oo uu u tabiyay si doqoni ma garatay ah. Waxaa
ka mid ah markuu si dadban u sheegay in
Siilaanyo la kulmay Cameron oo aan xaqiiq ahayn.
Maanta oo warka loo helo si aad u fudud oo ka dhakhso badan
kan BBCda, baahidii loo qabay BBCdu na ay sii yaraanayso maalinba maalinta
ka dambaysa, waxay ila tahay dhexdhexaad
la’aantu waa wadka warfaafinta. Shan daqiiqo oo su’aal iyo jawaab ahna dhex
dhexaad la’aan iyo ololayn baan dareemay. Aaladaha cusub ee warfaafintu dhaawac ayay u
geysteen BBC da oo aad Soomaaliya looga jeclaa, Yuusuf oo war xulasho iyo
weriye xulashaba aan dhexdhexaad ka ahaynina baa’baeedii ayuu soo dedejiyay.
Waxaan kula talin lahaa, inta baaba’a idaacadda aan la
gaadhin inuu dib u fahmo waxa Soomaaliland la yiraahdo iyo Khaatumo waxay u
taagan tahay. Dhexdhexaadnimo loogama fadhiyo laakiin inuu is jahli bixiyo
isagay u fiican tahay!
No comments:
Post a Comment