Thursday, August 30, 2012

Jawaab: "Sidee Baashe Moxamed Cadde u arkaa Khaatumo"


Qoraal la soo gudbiyay.



Waxaan u jawaabayaa qoraal uu qoray Liibaan Axmed oo cinwaankiisu ahaa Sidee Baashe Maxamed Cadde u arkaa Khaatumo? Waa run oo Baashe waxay u muuqataa inuu ka macquulsan yahay niman badan oo Hargeysa ay wada joogaan. Ta muhiimka ay tahay in la arko waxaa weeye, Baashe iyo inta la joogta midna kuma joogo meesha uu joogo rabitaanka dadka ay ka dhasheen.

Soomaalidu waxay oran jirtay hadal gef ah laakiin ay ku sheegayaan meesh sartu ka qurun santahay, “Bisinba nin xoog leh baa bi’iyay”. Markaa Baashe iyo hadal wanaagiisuba waxayna waxba u tarayn maamulka iyo magaca uu difaacayo awgeed. Qofku siyaasi markuu yahay, dadka uu matalo ayaa la rabaa inuu la feker noqdo siyaasad ahaanna uu rabitaankooda uu ka turjumo.  Maaha inuu isku dayo in rabitaankiisa shaqsiyadeed uu ku khasbo ummad dhan. Ummadda reer Khaatumo State waxay aaminsan yihiin SOMALIA.  Waa wax aan marnaba dhacayn in reer Khaatumo State ay u fariistaan wax Soomaali kala goynaya.  Wada noolaansho iyo deris wanaag diyaar baay u yihiin, waxaanse marnaba dhacayn in Soomaali kala goynteed aan reer Khaatumo wada hadal ka gelaynin.

Ina Moxamed Cadde mid buu run ku sheegay, shaqsi carooday oo manfac shaqsi ah raadsaday in reer Khaatumo ayna waxba u noqonayn. Isaga iyo inta Hargeysa la joogtaaba taa si wacan bay uga dhereg san yihiin. Saleebaan waxaad moodaa in beryahan reer Hargeisa u jibaysan yhiin. Saleebaan caqligiisa ayuu qabaa. Wuu og yahay reer Khaatumo rabitaankooda oo buuxda iyo siday isaga u marxabeysiiyeen markuu saxnaa. Hadduu maanta raadkiisa dib u qaado, Kayse iyo inta maganta noqotay ayuu la mid noqonayaa. Saleebaanse intaas waan kala han weynahay.

Waxay u muuqata in Liibaan yara dhibsaday magacyadda loogu yeero nimankaa Hargeisa ka door biday rabitaanka dadkooda. Liibaan wuxuu malaha hilmaansan yahay, magacyo loogu yeero ayuu uga turayaa iyaguna waxay masuul ka yihiin raga iyo maato maalin walba lagu laynayo Ceerigaabo,  Kalshaale, Hagoogane, Meygaagle, Laas Caanood iyo meel kasta oo maleeshiyadda Galbeed laga soo ururiyay ay ku laynayso dadka reer Khaatumo State. Dhiig ayay shubayaan ama si toos ah ama si dadban, adiguna waxaad leedahay yaan loogu yeerin waxa ay yihiin.

Shacabka reer Khaatumo wada hadal ugama baahna nimanka ka masuulka ah xasuuqa dadka shacabka ah ee guryahooda loogu yimid. Inta ay manfac shaqsi ah iyo cad quureed ay ka door bideen rabitaanka dadkoodana sidaas uun bay duli ugu jirayaan. Wada hadal loogama baahna ee inay toobad keenaan oo cafis weydiistaan dadkooda ayaa looga fadhiyaa dulinimadan ay ku jiraana ay iska kor qaadaan. Waa haddii wali damiir ku haray oo dulinimada ay ku raageen suulin wixii Aadanaha looga bartay!

Waa runtaa “Soomaalidu Abyanno badan bay u baahan tahay”, waxaanse kuu xaqiijinayaa, Ina Moxamed Cadde iyo inta Hargeisa kula shira ee Kaatumo ku abtirsada midna in uusan ahayn Abyan.

No comments:

Post a Comment