Thursday, August 30, 2012

Dr. Ali Isse Abdi



I have read his book before without even knowing his background. And now that I have listened his speech and I know his personal and political background, I must admit, it's an asset Somalia needs now. Thanks Ali. Keep doing the good job you are doing not only for Somalia but for Africa as a whole.

Halkani  hoose waa qudbaddii Cali ee shirkii Khaatumo 2 ee Taleex.


Jawaab: "Sidee Baashe Moxamed Cadde u arkaa Khaatumo"


Qoraal la soo gudbiyay.



Waxaan u jawaabayaa qoraal uu qoray Liibaan Axmed oo cinwaankiisu ahaa Sidee Baashe Maxamed Cadde u arkaa Khaatumo? Waa run oo Baashe waxay u muuqataa inuu ka macquulsan yahay niman badan oo Hargeysa ay wada joogaan. Ta muhiimka ay tahay in la arko waxaa weeye, Baashe iyo inta la joogta midna kuma joogo meesha uu joogo rabitaanka dadka ay ka dhasheen.

Soomaalidu waxay oran jirtay hadal gef ah laakiin ay ku sheegayaan meesh sartu ka qurun santahay, “Bisinba nin xoog leh baa bi’iyay”. Markaa Baashe iyo hadal wanaagiisuba waxayna waxba u tarayn maamulka iyo magaca uu difaacayo awgeed. Qofku siyaasi markuu yahay, dadka uu matalo ayaa la rabaa inuu la feker noqdo siyaasad ahaanna uu rabitaankooda uu ka turjumo.  Maaha inuu isku dayo in rabitaankiisa shaqsiyadeed uu ku khasbo ummad dhan. Ummadda reer Khaatumo State waxay aaminsan yihiin SOMALIA.  Waa wax aan marnaba dhacayn in reer Khaatumo State ay u fariistaan wax Soomaali kala goynaya.  Wada noolaansho iyo deris wanaag diyaar baay u yihiin, waxaanse marnaba dhacayn in Soomaali kala goynteed aan reer Khaatumo wada hadal ka gelaynin.

Ina Moxamed Cadde mid buu run ku sheegay, shaqsi carooday oo manfac shaqsi ah raadsaday in reer Khaatumo ayna waxba u noqonayn. Isaga iyo inta Hargeysa la joogtaaba taa si wacan bay uga dhereg san yihiin. Saleebaan waxaad moodaa in beryahan reer Hargeisa u jibaysan yhiin. Saleebaan caqligiisa ayuu qabaa. Wuu og yahay reer Khaatumo rabitaankooda oo buuxda iyo siday isaga u marxabeysiiyeen markuu saxnaa. Hadduu maanta raadkiisa dib u qaado, Kayse iyo inta maganta noqotay ayuu la mid noqonayaa. Saleebaanse intaas waan kala han weynahay.

Waxay u muuqata in Liibaan yara dhibsaday magacyadda loogu yeero nimankaa Hargeisa ka door biday rabitaanka dadkooda. Liibaan wuxuu malaha hilmaansan yahay, magacyo loogu yeero ayuu uga turayaa iyaguna waxay masuul ka yihiin raga iyo maato maalin walba lagu laynayo Ceerigaabo,  Kalshaale, Hagoogane, Meygaagle, Laas Caanood iyo meel kasta oo maleeshiyadda Galbeed laga soo ururiyay ay ku laynayso dadka reer Khaatumo State. Dhiig ayay shubayaan ama si toos ah ama si dadban, adiguna waxaad leedahay yaan loogu yeerin waxa ay yihiin.

Shacabka reer Khaatumo wada hadal ugama baahna nimanka ka masuulka ah xasuuqa dadka shacabka ah ee guryahooda loogu yimid. Inta ay manfac shaqsi ah iyo cad quureed ay ka door bideen rabitaanka dadkoodana sidaas uun bay duli ugu jirayaan. Wada hadal loogama baahna ee inay toobad keenaan oo cafis weydiistaan dadkooda ayaa looga fadhiyaa dulinimadan ay ku jiraana ay iska kor qaadaan. Waa haddii wali damiir ku haray oo dulinimada ay ku raageen suulin wixii Aadanaha looga bartay!

Waa runtaa “Soomaalidu Abyanno badan bay u baahan tahay”, waxaanse kuu xaqiijinayaa, Ina Moxamed Cadde iyo inta Hargeisa kula shira ee Kaatumo ku abtirsada midna in uusan ahayn Abyan.

Yusuf Garaad ma macnayn karaa "Somaliland"?

Qoraal la soo gudbiyay:



Waxaan aad ula fajacay su’aal la waydiiyay  Cali Khaliif Galayr oo uu waydiiyay Yuusuf Garaad oo ah weriye ka shaqeeya BBC qeybteeda Af Soomaaliga. (http://horufadhi.com/bbc.php) Su’aashu waa tan.
“… [H]alkanna (Somaliland) waa gobol gooni isu taagay oo jamhuuriyad gooniya la baxay tegitaanka aad tagtay adigu .. iyo hadda in arintu aanay ahayn kaliya gobolka arimihiisaan ka tashanaynaa  laakin ay tahay goitaanku ma jirayo anagu kama mid nihin ma u aragtaa dadkii degaankaasi (Khaatumo) arin weyn oo Soomaalida labadeeda dhinacba u taala in iyagu keligood ay dusha saarteen masuuliyad u dhaxaysa Soomaaliya iyo Soomaaliland haday kala go’ayaan iyo haday wada jirayaanba.”
Waxaan la yaabay in Yuusuf Garaad ogaan runta uga leexanayo iyo in aqoon la’aan ka hayso meesha waxa ka socda. Waa gartiis haddii war la’aani hayso oo ragga uu warka ka sugaa ee idaacadda uga soo waramaa waa rag reerka gooni isu taagga wada ka mid ah taageerana fikirkaa. Laakiin isagaa u doortay waxii khalad ah ee ka yimaadda ee saxaafadda ka dhinac ah isagaa laga sugayay inuu saxo balse taa waa laga waayay. Waxaase la yaab leh, Soomaaliland Yuusuf yuu u yaqaan? Yuusuf hadalka siduu u dhigay, gobolka gooni isu taagay waa Soomaaliland, Khaatumona waa ku gar daran tahay inay diido gooni isu taagga. Reer Khaatumona arin u taala Soomaaliland & Soomaaliya ayay faraha la galeen oo aan iyaga khusayn ayuu hadalka u dhigay. Waxaa cajiib ah in Yuusuf inkiro ama is ilowsiiyo xaqiiqda dhabta ah. Maanta arintu maaha Soomaaliland & Somalia wax la yiraahdo. Magac iyo summad waqtigeedii waa laga soo gudbay, waana aqoon daro inuu manta yiraahdo, reer Khaatumo kama hadli karaan mowqifkooda ku aadan kala qaybinta Soomaaliya. Yuusuf wuxuu ogaan isu ilowsiiyaya, reer Khaatumo qofna ku khasbi maayaan inay Soomaali ka mid ahaadaan. Laakiin qofna ka yeeli maayaan inuu ku khasbo inay Soomaali ka go’aan.
Muddo aad u horaysa ayaa iigu dambaysay dhegaysiga BBC da. Shaqsiyan sababta aan u daayay waxay ahayd anigga oo warkii Soomaaliya ka hela shabakadaha Soomaaliyeed kuwaas oo si ka dhaqso badan uga warama xaaladda Soomaaliya ka jirta. Waxaanse akhriyay qoraalo badan oo lagagga cabanayo dhex dhexaadnimadda Laanta Af Soomaaligga ee BBCda. Qoraaladaas oo eedda ugu wayn dusha uga tuuray Yuusuf Garaad oo tafatire ka ahaa idaacadda. Mudane Cali Khaliif oo aan beryahan aad u xiisaynayay hadalkiisa ayaa maanta ii geeyay inaan BBC dhegaysto.
Waraysigiisan oo sidda aan dareemay weriyuhu u xaglinayay oo difaacayay qolyahan gooni isu taaga doonaya, waxaa ii muuqata ciddii Yuusuf Garaad ku eedaysay dhex dhexaad la’aan inay gar leeyihiin.  Waxaan kaloo dareemay in uu BBCda ka sheegay warar aan xaqiiqda ku salaysnayn oo uu u tabiyay si doqoni ma garatay ah. Waxaa ka mid ah markuu si dadban  u sheegay in Siilaanyo la kulmay Cameron oo aan xaqiiq ahayn.
Maanta oo warka loo helo si aad u fudud oo ka dhakhso badan kan BBCda, baahidii loo qabay BBCdu na ay sii yaraanayso maalinba maalinta ka  dambaysa, waxay ila tahay dhexdhexaad la’aantu waa wadka warfaafinta. Shan daqiiqo oo su’aal iyo jawaab ahna dhex dhexaad la’aan iyo ololayn baan dareemay.  Aaladaha cusub ee warfaafintu dhaawac ayay u geysteen BBC da oo aad Soomaaliya looga jeclaa, Yuusuf oo war xulasho iyo weriye xulashaba aan dhexdhexaad ka ahaynina baa’baeedii ayuu soo dedejiyay.
Waxaan kula talin lahaa, inta baaba’a idaacadda aan la gaadhin inuu dib u fahmo waxa Soomaaliland la yiraahdo iyo Khaatumo waxay u taagan tahay. Dhexdhexaadnimo loogama fadhiyo laakiin inuu is jahli bixiyo isagay u fiican tahay!

Wednesday, August 1, 2012

Is SSC family @ War?


Su'aal baan waydiinayaa reer SSC. Horta ma SL baad ka tirsantihiin mise PL? Haddii aad mid ka
tirsantihiin maad ka dhex muuqataan oo laydinka arko? Haddii aydin midna ka mid ahayn xaggaad ku taxaluqdaan?

Haddii labadaba aad ka maqan tihiin,  muranka maxaa keenay? Anigu sidaan u arko rag shaqsiyan ahi  lacag waa ka gurtaan Hargeisa iyo Garowe, laakiin SSC people 20kii sano ee dowlad la'aantu wadanka ka jirtay dadka waa ka hadheen.  Caruurna wax ma baraan adeeg  kalana dhulkooda lagama helo. Miyayna ahayn markii laga bixi lahaa nin iyo maamul jeclaysi oo danta reerka laga hor marin lahaa danta shaqsiyaadka?

Inta talada reerku ku seetaysan tahay Garowe iyo inta Hindi calooshiisa u jaqayste Hargaysa jooga wax la bidayo reerku jaah  wareerkan ka bixi maayo. Isn't about time we see the reality on the ground and do something about it?

Shaqsi calooshiisa u shaqayste ah kii daba fadhiya anigu wax tar ka sugi maayo'e, ninkii maskaxda iyo calooshaba ka xor ahi arintan ha ku baraarugo hana baraarujiyo intuu arko.

Salaama