Sunday, August 14, 2016
"Godka Lagu Cadaabyoow muxuu go'uhu been sheegay" Ina Abdille Hassan
Ninkan qoraxdda casarka joogta wax loogu dhiibay waxaas oo dhib ah wuxuu u maray siduu 6 bilood sandareero u qaadan lahaa. Bal dhegaysta beenta uu sheegayo markuu leeyahay wax doon ma ahi. Daqiiqadda 4aad.
Saturday, April 30, 2016
Thursday, April 28, 2016
Sunday, April 10, 2016
Saturday, May 30, 2015
Sunday, April 5, 2015
Tuesday, February 10, 2015
SNM oo ku bilawday weerar shacabka Jamhuuriyadda Awdal State.
Saturday, January 31, 2015
Sunday, December 28, 2014
Saturday, December 27, 2014
Friday, December 26, 2014
AWDAL TAGTEE YAA LA EERSAN!
Waxaan ogsoonahay in Ciidamada ku sii qul-qulaaya magaalooyinka Quljeed, Boon iyo Borama ee ah kuwa lagu magacaaabo RRU ay yihiin kuwo dawladda Ingriisku ku mushaar siiso,la dagaalanka waxa loogu magac daro, aragixiso, ha ahaadeeen argagixiso, islaam iyo kuwo kiristaan labadaba.
Balse ma aha kuwo sida siiraanyo u isticmaalaayo loogu talo galey.
Waxaanan u shegeynaa in aan cidna lagu cabsi gelin Karin damdamta ay waddaan, waxaanan ugu baaqeynaa dawlada ingiriiska in ay si taxadir leh ula socoto hawlahaa ay ku jiraan ciidankan hangshta ah ee siiraanyo sida ayda carbiska ah u isticmaalaayo. Lagana dul qaado dumarka iyo caruurta la dul keeney, ee aan rabin in indhahoodu qabtaan.
Waxaana hubaal ah in ciidan la soo dhoobaa arladan nabdoon, ay ka abuuri karaan xaalad murugsan, oo aa aan hadda la malaysan karin.
Waxa kale oo aan dawlada Maraykanka si toos ah ula socodsiineynaa gaar ahaan wassaarada arimaha debeda in Suldaan Abubakar Cilmi Wabar uu yahay muwaadin maraykan ah isla markaana joogaa dhulkiisii lagu doortey iyo magaaladii lagu caleemo saarey. Isla markaanan mudan in xuquuqdiisa aas-aasiga ah la dhawro meel kasta oo uu aduunka ka joogaba.
Waxaaa is weydiin mudan Suldaanku hadii uu ku dhawaaqey, kama mid nihin maamulka siiraanyo, ma kabcadii ayuu gubey, miyuunse xaq u lahayn in uu go,aan ka gaadho danaha dadka uu codkooda ku hadlayo,mise xaalku waa car juuq dheh, oo afkaa la iska sharooteynayaa ama balastar la iskaga dhejinayaa ( qooleyba qoor qabad biyo kuma qudh-qudhiyaan).
Looma dulqadan doono in dadkii gobolad galbeedka ay fadhateystaan ajaanib ajanib barkan, kuwii lahaana ka qatannaan maayan. Gaar ahaan hawlaha ka socda baki ee ah macdan baadhista iyo sifeynta macdanta, taasi oo ah mid khasaare naf iyo maalba geysatey sida lawadda ogyahay.
Waxaana xaq u leh in ay ka faa’iideystaan khayraadka ku duugan dhulkan umada ku dhaqan geyigan.
Nidaamkan hada jira waxaa lagu yagleeley, Magaadal taariikhiga ah ee Boorama City, heshiisbaana lagu gaadhey in loo wada guntado dib u dhiska iyo maamul u sameyta gobolada waqooyi, ka dib bur-burkii dawlada Soomaaliya.
Muddo 24 sanno ah waxay shucuubta gobollada galbeedku u heelanaayeen taabo gelinta iyo hano qaadka heshiiskaas waxayna garbaha ku sideen oo ay aduunweynaha ka dhaadhicinayeen in loo soo joogsado fariinta maamulkaas gaar uga baxey Soomaali weyn, waxaana cadaatey in uu naga iibsami waayey, garbihiina nagu daaleen. Sidaasi darteedna ay ummadani isku qanciyeen in ayna ka sii mid ahaan Karin nidaamkan damaca qaawan ku caan baxey.
Waxaan ummadani goosaney in ayna ku sii hoos jiri Karin, nidaamkan cida gaar ka ah u adeegaaya, ayna haboon tahay in reer walba gobolkiisa maamusho taas wax dhaantana la waayey.
Waxaanan ku so xidhayaa baaqeygan, odhaahda ah wax la waayey weydoow ninkii waalanbaa u duda.
Cabdullahi M Hoori.
Thursday, December 25, 2014
The Threat to Somalia’s Unity from Hassan’s Perfidy, By Mohsin Mahad
Hassan’s pro-secessionist stand had shown its true colours from the outset at the first talks in Turkey between him and the leader of the secessionist enclave. That was the time when, at the stroke of his pen, with no constitutional authority, he granted Somaliland de facto equal status with Somalia and, to boot, rewarded them with give-away concessions as reflected in the communiqué. To add insult to injury, he would disingenuously claim on his return from these talks that he defended Somalia’s unity when the opposite was the case. This double talk has been his template ever since.
Of all the talks with the secessionists, none has been more damaging to Somalia and its unity under Hassan’s watch than the one held in Djibouti on 20 December 2014. The outcome of the meeting was hatched up before hand by the pro-Somaliland organisers of the meeting, namely Presidents Hassan Sheikh Mohamoud and Omar Ismail Geele. Given their shared positions, what remained was a propitious timing for this plot to be executed, a time when president Hassan would be free from any parliamentary and government challenges.
This timing presented itself when the former Prime Minister (and his government) was out of the way, ousted by President Hassan through vote-peddling parliamentarians, and when his successor and his government not yet formally in charge. It speaks for itself that President Hassan’s delegation, except for the pliant former foreign minister from Awdal, consisted entirely of members from his clan sharing his position, and none from the principal stake holders from northern Somalia – Khaatumo, Awdal and Makhir States- or from other wider Somali clans in Somalia. In crude Somali terms, this was a meeting and an anti Somalia outcome conceived by leaders not from representative mandated governments but by oligarchs (one of them masquerading as a mediator) sharing common interest and hailing from three Somali clans to the exclusion of the others.
The exclusion of other clans is all the more reprehensible when it ignores the on-going liberation struggle in northern Somalia being waged by all the four unionist clans against the occupying secessionist clan. Their cause is not only to be free of the secessionist clan’s hegemony but above all to defend Somalia’s unity. In normal times and under true Somali leaders, they could have counted on automatic support from Mogadishu. But under Hassan, it is perversely the other way round; it is the secessionists he is supporting, covertly or overtly, against the unionists for his own ends.
The first indicator to gauge Djibouti’s support for Somaliland’s aspired status as a separate country from Somalia is the reception accorded to Siilaanyo on his arrival at Djibout Airport. Needless to say, President Ismail Omar Geele went out of his way to give him a reception with all the pomp and ceremony normally reserved for a visiting head of State: red carpet, guard of honour and an immediate audience with President Geele. Siilaanyo, and for that matter no other Somaliland leader, had ever received such pomp presidential treatment until now. No wonder the normally torpid leader was animated beaming with pleasure.
The second indicator is the status given to Siilaanyo at the meeting itself. Here again, Hassan and Siilaanyo were treated as equals, addressed respectively as the President of Somalia and the President of Somaliland; in other words, two presidents representing two separate countries, brazenly in denial of the fact that Hassan is the President of the whole of Somalia including Somaliland and Siilaanyo the president of the one-clan secessionist enclave just as Abdiweli Gaas is the president of the Regional State of Puntland. Given the leaders’ shared common perspectives, the direction of the substantive discussions and the outcome of the Djibouti talk were predetermined and predictable.
Given the status that President Hassan and President Geele accorded to Siilaanyo and his enclave, Somaliland got the deal due to a favoured separate country on par with Somalia: among other things, co-hosting control of “Somalia and Somaliland’s” airspace; non-interference in what the secessionists consider their internal affairs, entailing that President Hassan and President Geele accept that the unionist regions/States of Awadal, Khaatumo and Makhir are part of Siilaanyo’s separatist kingdom, thereby legitimising his occupation of these regions and misappropriation of international humanitarian and development aid earmarked for these non-Isaaq unionist regions/states.
As observers have pointed out, every Somali State/region/clan has an air space, so what legal or constitutional basis gives one State/region/clan to claim special status over others to co-host Somalia’s air space? For once, Abdelweli Gaas of Puntland got it right when he pointed out in an interview with VOA that Puntland has a better claim than Somaliland to co-host control of Somalia’s air space given that they are part of Somalia unlike Somaliland’s secession declaration.
The Somaliland delegation had every reason to go wild over the deal they were given on a plate by Presidents Hassan and Geele. The good news had spread like wild fire to every corner of the enclave. This was received as de facto Somaliland’s recognition. With this mindset, it is difficult to believe as President Hassan does that he has changed Somaliland’s hearts and minds or that he defended Somalia’s unity at the talks. With this gain, it is unlikely that the secessions can be persuaded in future to give up what they had won from Hassan and Geele. But Hassan would always repeat his mantra every time he returns from such talks that he defended Somalia’s unity when in fact he has betrayed it. Either he reckons nobody cares or everybody is gullible.
On the positive side, the unholy alliance of the trio in Djibouti against Somalia’s unity is a sideshow bound to unravel sooner or later and come to nothing. Hassan can trot on the stage as the big man unilaterally dispensing with Somalia’s unity and territorial integrity. But the end of the day, he has no constitutional powers to act that way. It rests with Parliament to control him and where he abused his powers to make him accountable to it and to undo his misdeeds. But even if that fails, it is the determined will of the people of Khaatumo, Makhir and Awdal to remain in Somalia which will in the end defeat the secession and discredit the Djibouti conspiracy against Somalia.
No other Somali leader has been so much engulfed in scandal and shamed by the United Nations investigations as Hassan for alleged unscrupulous and unbridled malpractices. Devoid of credibility through his own actions, he remains in office not for what good he can do for Somalia but what more damage he may inflict.
Wednesday, December 24, 2014
Beeshi Saaxo oo dhiigoodii oo qubtay ku baratay balanqaadka reer Puntland! Dhegayso
Lixbilood ka hor ayey beesha Puntlan u sheegtey in beesha Wagerdhac
ee mareexaan ee degta degmada Saaxo ay kusoo biirto maamulkooda Puntlan.
waxeyna u balanqaadey iney gaadhsiindoonto dhamaan adeegyada ayna ka
difaaci doonto beesha Sacad oo ay beehsaa marwalba isku dhacaan.
Laakiin laba casho ka hor ayaa magaaladii saaxo galmudug soo weerartay sida ay ku dhawaaqeen shacabkii magaalada degenaa, laakiinse markii ay gargaar ka dalbadeen nimankey isku maamulka ahaayeen waxey ugu jawaabeen sidii caadada u ahayd garanmeyno wax maamulka Puntlan ugu dagaalamo magaalada Saaxo. Taas oo la mida maalintii ay maxaabiistii shacabka Sool beesha Isaaq kaga qabsadeen dagaalkii Adhicadeeye uu taliyihii Cabdulaahi Yuusuf ee Careys ku wareejiyey sida bilaashka ah beesha Isaaq, uuna goobtii ka jeediyey hadalkii caanbaxay ee uu yiri ” garanmaayo anaga (Majeerteen) iyo walaalahayo Somaliland (Isaaq) waxaan ugu dagaalano buurahan madmadoow (Laasacaanood) ee abaarta ah.
Welise waxaa muuqato kuwa iska dabo socda beeshaa iyagoon marna hoos u eegeyn ficilada taariikhda madaow leh ee siyaasiyiinta beeshaasu kula dhaqmeen dhamaan shacabka soomaaliyeed.
Dhegayso
Wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaalilaand: Dhab mise Dheeldheel?
Soomaalilaand waxay ku doodeysaa in shacabkeedu uu isku raacay inay Somaliland ahaato dal madax bannaan. Waa mawqif cad oon cidna ka dahsoonayn. Soomaaliya waxay ku doodeysaa inuu dalku mid qudha yahay, kaasoo aynu isna oran karro waa mawqif cad. Saasoo ay tahay, haddana markaad hoos u faaqiddo, waxaa kuu caddaanaysa in Soomaaliya, xilligii Sheekh Shariif iyo maantaba, habka ay dacwaddeeda u dhigaysaa uu yahay mid garteeda rasmiga ah wiiqaya, midnamada Soomaaliyana burburin kara.
Bal eegoo, waxaynu niri Soomaalilaand waxay ku doodeysaa inuu shacabkeedu ISKU RAACAY
goosashada. Halkaa waxaa ku jira saddex sheegasho: 1) in Soomaalilaand u taliso oo wakiil ka
tahay dhammaan dadka ku nool intii laysku oran jirey Somaliland; 2) in shacabka Soomaalilaand
uu isku raacay goosashada; iyo 3) in goosashadu aanay ka-noqosha lahayn.
Markaad saddexdaa qodob u fiirsato, waxaan shaki ku jirin in qodobka saddexaad uu ku qotomo
labada qodob oo hore. Haddii labada qodob oo hore ay burburaanna, ay qadiyaadda goonni-isutaagga
Soomaalilaand burburayso.
Haddaba waxa isweydiinle: Maxay Soomaaliya ka qabtaa labada qodob ooy dacwadda Soomaalilaand ku qotonto oo halbawlaha u ah?
Anigu, shakhsiyan, ma ogi waxay labadaa qodob (oo kala ah in Soomaalilaand u taliso oo wakiil
ka tahay dhammaan dadka ku nool intii laysku oran jirey Somaliland, iyo in shacabka Soomaalilaand uu isku raacay goosashada) Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud ka yiraahdeen. Waxaase ii cad in habka ay labada Madaxweyne ula dhaqmeen Soomaalilaand ay markay u yaraato muujinayso garasha li’i, haddaanay garasha li’i ahayna ay tahay mid daacadnimo iyo waddaninimo ka arradan.
Muwaddiniinta Soomaaliyeed waa inay fahmaan inay xaajadani, waa goonni-isutaagga Soomaalilaand eh, tahay mid qaanuuni iyo akhlaaqi (moral) labadaba ah. Qaanuuniyan iyo akhlaaqayan, dhinacaad ka eegtoba, mawqifka Soomaaliya oo iska indhatiraya labadaa qodob waa mid fashal weyn keeni kara, ama markuu u yaraado xaajadaa daba dheerayn kara. Waa mare, qaanuuniyan, waa tanaasul aad u weyn oon wax lagu helay aanay jirin. Waa midda kalee, akhlaaqiyan, waxay xadgudub iyo meel-ka-dhac aad u weyn ku tahay qaybaha ka midka ah shacabka Soomaaliyeed oo iyagoo aan raalli ka ahayn lagu qasbayo goosashada.
Waxay oraah Ingiriisi ahi tiraahdaa: The best defense is a strong offense. Wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh xaq u leeyahay inuu Soomaalilaand kula doodo maammulidda goballada Woqooyi oo Dawladda Dhexe laga taageersanyahay. Adduunka laguma arag dal qayb ka midi ay rabto inay go’do oo qaybtaasi ay qayba kaloon lawadaagin go’itaanka ku darsanaysao go’itaankeeda, haddana Dawladdii laga go’ayey aanay taa waxba ka oran, oo aadba mooddo inay saa raalli ka
tahay.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Sida walaalahana wax isu siiya, sida cadaawahana u xisaabtama. Dawladda Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay si dhab ah, oo xilkasnima leh, arrinakan u waajahdo. Debeca iyo tanaasulka ay hadda samaynaysaa waa caqabado dhowaan hor iman doona. Way adkaan doontaa wixii shalay la yeelay (qawl iyo ficil midkii la doonaba ha lagu yeelee) in berri laga noqdo.
Runtii xaajadani way ka weyntahay mid lagu halleeyo shakhsi, Madaxeyneba ha ahaadee, amaba
koox kooban. Waa arrin halbowle ah oo horseedi kara burbur ku yimaadda Soomaaliyada Koofureed laf ahaanteeda. Waxaynu ku jirraa marxalad xasaai ah. Weli ma jirto kalsooni buuxda oo madaxda Dawladda lagu wada qabo. Waxaana ii muuqda inaanay Dawladdu u bislayn wadahadal wax-ku-ool ah ooy la gasho Soomaalilaand. Sidaa darteedna waxaan ku talinayaa:
IN LA HAKIYO WADA HADALLADA U DHEXEEYA SOOMAALIYA IYO SOOMAALILAAND LANA SAARO GUDDI ISU DHEELLI TIRAN XAGGA AQOONTA, WAAYA-ARGANIMADA, IYO MATELAADDA SHACABKA OO KASOO TALA BIXISA SIDA LOO WAAJAHAYO DIB-U-MIDAYNTA SOOMAALIYA.
Ma arko sabab uu Madaxweynuhu isugu soo koobo talada wada hadallada, waana inuu
feejignaan gaar ah u yeeshaa siyaalaha loo fasiran karo dhabbada uu hadda ku taaganyahay oo la
mida tii uu Sheekh Shariif ku taagnaa.
Ugu dambyna, haddaan dib ugu soo noqdo su’aasha ah:
Wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaalilaand: Dhab mise Dheeldheel?
waxay aniga ila tahay, Soomaalilaand waa ka dhab, Soomaaliyase waa ka dheeldheel.
Maxammuud Cali Geeldoon
Medical Physicist
mgaildon@aol.com
Thursday, November 27, 2014
"Wiilku Awalba mid khayr leh ma ahayn" Daba qoodhi ku Af-xun kuna damiir xun.
Allaha u naxariistee Garaad C/laahi
Garaad Soofe markii Illaahay oofsaday ayaa, waxaa soo baxay waxyaabo
badan oo asturaa oo garaadku aan ku shaqaysan jirin oo rag kale hadda
doonayaan sidii garaadada nugaasha jooga oo ehelkoodu qaarna garoowe u
joogaan soor lagu margado, qayb ka mid ahina Hargaysa looga yaqaan
rabbaayad oo ah kalmadaha loo isticmaalo bisadaha, iyo xayawaanka dad
la jooga ah, in hadda Buuhoodle loo soo xawilo dhaqankii caynkaas ahaa.
Hab dhaqankii ahaa “Foof oo soo hooyo”
maadaama Cismaan Garaad Soofe (uu yahay wasiir maamulka hargaysa oo
dhiig badan ku daadshay dadkan iyo dhulkan xilligan dhow loo caleema
saarayo C/risaaq garaad Soofe, waxaa xusid mudan oo u baahan in la is
xasuusiyo wakhtigii dagaalka kalshaale socday in uu ku shahiiday
Cismaan Garaad C/laahi oo Ahaa wiilka garaadku dhalay , maanta haduu
noolaan lahaa aanba la is weydiiyeen garaadnimada ninka qaban lahaa.
Kolkii loo sheegay geerida Cismaan
G/raad C/laahi,, odaygan wasiirka maamulka hargaysa u ah ee la yidhaa
Cismaan Garaad Soofe oo xaqiiqdii wiilka shahiiday loogu magacdaray
ayaa waxaa laga hayaa markii la yidhi war ma og tahay wiilkii aad
Adeerka u ahayd ee Cismaan Garaad C/laahi in uu ku geeriyooday dagaalka
kalshaale iyo maamulka aad ka tirsan tahay aad waliba u tahay wasiirka
Amniga oo mas’uulba ka ah dagaalada socda, jawaabtii Cismaan Garaad
Soofe yidhi , waxay ahayd (Wiilku Awalba mid khayr leh ma ahayn).
Hadalkaas Cismaan Garaad Soofe ma
beenayn karo oo ragii uu ku yidhi baa Hargaysa kula nool, haddaba waxaa
is weydiin leh Allaha u naxariistee Cismaan Garaad C/laahi oo ku
shahiiday dagaalkii la doonayey in dadkiisa lagu barakiciyo, in hadal
liidnimada intaas le’eg loo quudho, inagoo wada og maqaamka iyo
miisaanka uu ku lahaa bulshada dhexdeeda oo ay ka markhaati kacayaan
dhalinyaro badan oo maanta ku nool Buuhoodle iyo waayeel & haween
waxqabadkii uu ka qaban jiray arimaha bulshada degaanka, waxaan leenahay
Allaha u naxariisto Shahiidkaas aan hadalka u qalmin la yidhi..
Cismaan Garaad Soofe waxaa u danbaysay
dagaalkii Saaxdheer ka dhacay in uu ciidan loogu yeedho RRU kala yimid
hargaysa, laascaanood la yimi maalin ka dibna dagaalk ka qarxay
saaxdheer halkaas waxaa ku geeriyooday dhalinyaro, sadex ka mid ahi
waxay qoys ahaan ka soo jeedeen beesha garaadka hadda caleemo saaraysa,
ragaas dhintay maamul baa dilkooda leh , laakiin runta waa in aan laga
baydhin Cismaan mas’uuliyadeeda wax buu ku lee yahay, maantana waxuuba
hormuud ka yahay in isagu bixiyo casumaada caleemo saarka, maamulo
colaad gaamurtey inaga dhaxaysana inoogu keeno Balliga Buuhoodle, iyadoo
wali dhiigii qoyan yahay ragaas ku geeriyooday difaacida naftooda iyo
maalkooda iyo sharaftooda, oo waliba uu ku jiro.
Allaha u naxariistee Cismaan garaad
C/laahi Garaad Soofe shahiidkii lahaa garaadnimadan hadda qaban
qaabadeeda la wado, shacabka Buuhoodle taa ma aqbali karaan, in Cismaan
Garaad Soofe yidhaa wasiir baan u ahay Somaliland oo xumaan kasta ay
sameeyaan raali baan ka ahay, walaalkayna garaad buu idiin noqon? taas
caqliga saliimka ah ma qaadan karo C/risaaq garaad Soofe haduu doonayo
in uu noqdo garaad beesha dhan wadato, waa in uu iska fogeeyaa waxa uu
qooshanayo Cismaan Garaad Soofe , waa in hadal cad uu ka soo saaro
Fikirka uu aaminsan yahay wax la yidhaa garaad Soomaliyeed baan ahay,
Nin dhaqan baan ahay ma jirto..
Sanadkan lagu jiro mandaqadan dadka
Soomaliyeed degaan nin walba hadalkiisa waa cad yahay markaa C/risaaq
garaad Soofe hadalkaagu ha cadaado, dadku waa ka daaleen cimaamad la
isa saaro iyo caano inta la isku shubo hadhoowna qofku waxuu doono
sameeyo.
Waxaan doonayaa in aan xasuusiyo
C/risaaq Garaad Soofe iyo dadka kaleba Allaha u naxariistee Garaad
C/laahi Garaad Soofe ayaa waxa xilligii Riyaale Hargaysa joogay in
badan isku dayey in uu si uun xidhiidh ula soo sameeyo Garaad Cabdilaahi
Ilaahay haw naxariistee, qaab kasta oo lagu dayo rag deegaanka Garaado
ka ahaa, haddana qaarkood ka yihiin oo wixii loo soo dhiibaba aan gafin,
Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe ilaahay haw naxariistee hadal cad oo
sharaftiisa iyo karaamadiisa iyo ta tolkii uu ku dhawrayo ayuu istaagay.
Haddaba waxaan u sheegayaa garaadkan
Cusub ee hawshiisa la wado in uu ku dhaqmo dhaqankii walaalkii ee
sharafta badnaa uuna ka feejignaado sharaf dhacan lala doonayo ee
Cismaan Garaad Soofe iyo waxan uu wado in uu ka fogaado, taas ayuu ku
noqon karaa Garaad reer Buuhoodle, Garaad Khaatumo,, Garaad Dhulbahante,
Garaad Soomaliyeed.
Ciise Soofe oo xidhiidh qoto dheer la
leh Somaliland waxaan xasuusta beri aanu Burco isku aragnay, 2007
markii Laascaanood la qabsaday ayaan weydiiyey fikirkiisa ku saabsan
magaalada. Ciise Soofe waxuu igu jawaabay kuwii Siyaad Bare la
shaqaynsan jiray bal haka saaran ciidanka Laascaanood isagoo taageero u
muujinaya Somaliland,uma muuqan ceebta dhacday iyo shacabka baro kacay,
nafta iyo xoolaha burburay, sidee baa ninka caynkaas ah maanta u
odhanayaa saldanada beesha ayaanu haynaa.
Ciise soofe waa odayga hadda aaminsan in
Salaadiinta Isaaq la keeno Buuhoodle isagoo aad u danaynaya aadna moodo
in aan walaalkiis noqon karin Garaad haddaan reero kale Aqoonsan taas
waxaan leenahay Ciise waad ku qaldan tahay, C/risaaq Garaad Soofe waxaa
ka dhigi kara garaad Dadkaa degan Buuhoodle iyo shacabka Khaatumo, waa
sababta ilaa hadda C/risaaq u cadayn la yahay fikir ahaan waxa uu
aaminsan yahay, shirkii beeshu la gashay , waa la ogaa C/risaaq Garaad
Soofe diidmadii uu ka baxshay in uu waxa uu aamin yahay cadeeyo taasna
waxay u taal dadka dooranaya in uu Garaad noqdo waxa ay ka yeeli
lahaayeen.
Gabogabadii garaadnimadu yey noqon wax
lagu shaqaysto oo waa in aad u fahantaan sharaf la idin saaray idina
aad asturtaan oo hab dhaqankeeda ilaalisaan tusaale fiican waxaa idiin
noqonaya hadaad ku dhaqantaan . Allaha u naxariistee Garaad c/laahi
Garaad Soofe.
Jaamac Cabdiraxmaan Yuusuf
USA
Saturday, October 11, 2014
Friday, October 10, 2014
Subscribe to:
Posts (Atom)