Lixbilood ka hor ayey beesha Puntlan u sheegtey in beesha Wagerdhac
ee mareexaan ee degta degmada Saaxo ay kusoo biirto maamulkooda Puntlan.
waxeyna u balanqaadey iney gaadhsiindoonto dhamaan adeegyada ayna ka
difaaci doonto beesha Sacad oo ay beehsaa marwalba isku dhacaan.
Laakiin laba casho ka hor ayaa magaaladii saaxo galmudug soo
weerartay sida ay ku dhawaaqeen shacabkii magaalada degenaa, laakiinse
markii ay gargaar ka dalbadeen nimankey isku maamulka ahaayeen waxey ugu
jawaabeen sidii caadada u ahayd garanmeyno wax maamulka Puntlan ugu
dagaalamo magaalada Saaxo. Taas oo la mida maalintii ay maxaabiistii
shacabka Sool beesha Isaaq kaga qabsadeen dagaalkii Adhicadeeye uu
taliyihii Cabdulaahi Yuusuf ee Careys ku wareejiyey sida bilaashka ah
beesha Isaaq, uuna goobtii ka jeediyey hadalkii caanbaxay ee uu yiri ”
garanmaayo anaga (Majeerteen) iyo walaalahayo Somaliland (Isaaq) waxaan
ugu dagaalano buurahan madmadoow (Laasacaanood) ee abaarta ah.
Welise waxaa muuqato kuwa iska dabo socda beeshaa iyagoon marna hoos
u eegeyn ficilada taariikhda madaow leh ee siyaasiyiinta beeshaasu kula
dhaqmeen dhamaan shacabka soomaaliyeed.
No comments:
Post a Comment