Friday, August 8, 2014

Siraha Dahsoon ee Ogaadeeniya – Q-3aad

Dagaalka cusub ee Ogaadeenya…!
Waxaa dhacdooyinka laga soo gudbay lagu magacaabaa SOOYAAL,sida macnaha weedha ku cad waxay tilmaamaysaa wax laga soo gudbay,waxayna yeelan kartaa sifooyin wanaagsan ama xun.Haddaba sooyaalku hadduu ku sifoobo mid wanaagsan waxay u noqotaa mid had iyo jeer magac iyo meeqaan u leh jiilalaka danbe ee bulshadii lahayd sooyaalkaas,haddiise uu lahaado xumaan ama ceebo wuxuu noqdaa mid lagu tusaaleeyo jiilasha danbe, si khaladaadkii soo maray aan dib loogu dhicin.
Sidaas iyo darteed dagaalkan wajiga cusub ee ku socda dadka reer Ogaadeenya, wuxuu la xidhiidhaa hagar-daamooyinkii faraha badnaa ee aan horey u soo sheegay ee muddada dheer lagu hayey dadkanaga si toos iyo gudubba ah.
–>Akhri:  Q-1-2-aad ee Siraha dahsoon ee ogaadeeniya
Haddaba arartaas kor ku xusan haddii aan intaa uga gudbo oo aan u daadago ubucda sirta dagaalka cusub,waxaa lama huraan ah inaan aabudhka ka qaaado haanta suntu ka buuxdo ee taala bawdkanaga ee gunteeda ayna weligood hoosba u dayin dadka reer Ogaadeenya oo weliba qaarkanagu ay moodaan inay tahay haan caana ah oo kalgacal meesha loogu dhigay.
Haile Selassie
Haile Selassie
Sida la wada xusuusan yahay amaba dadkii soo joogay xilligaa ay weli nool yihiin sanadkii 1960 kii oo ay ahayd sanadkii ay Soomaaliya xornimada qaadatay, Geeska Afrika waxaa ka bilawday isbedel siyaasadeed oo dardartiisa wata,haddaba isbedelkaasi wixii u uu la yimid dadka Reer Ogaadeenya waanu ka soo sheekaynay,hase ahaatee waxaa jira dhinacyo aan weli la garanin inay ahaayeen laba-sadleyaal doonayey tan xorowday iyagoo isa siinayaa inay haddana nidaamkii Boqor Haile Selassie ku maalaan wax yeeleynta maldahan ee dadka Reer Ogaadenya.
Koofiyad Dhuub
Garaad Makhtal Daahir
Garaad Makhtal Daahir
Sida la hubo ee ay ku soo aroorto runta koofiyad dhuubi waxay ka soo foodhacday Soomaaliyadii la yidhi xornimay qaadatay iyo xamar,waxayna ahayd faladh ka soo jabay kuwii qawmiyadda sarriftay,oo doorbiday inay Haile Selassie u lug qabtaan dadkii dulmanaa ee Reer Ogaadeenya oo xilligaa u halgamahayey xuquuqdoodii ka maqnayd.Koofiyad Dhuub waxaa la asaasay kolkii uu qabsoomay shirkii (O.L.F.) ee Xoddayo june 1963 laguna doortay Halgamaa Garaad Makhtal Garaad Daahir.
maxamed-nuur-galaal
Galaal
Toddobaadyado gudahooda waxaa xuudada ka soo gudbay mooryaan wada qaar-qaawan oo uu hoggaminayo Dhagarqabe Maxamad Cabdille Ciyow oo ahaa nin boogaha ka dhayo Isbitaalka Beledweyne; waxaa arrinkaasi soo wada abaabulay labo xiddigle Maxamad Nuur Galaal oo ahaa madaxa wardoonka qeybta 26aad ee Xogga Dalka Soomaaliyeed ee Waqooyi Galbeed iyo Saraakiishii Amxaarada ee Taliska Harar. Waxaa laga yaabaa inaad is tidhaahdo maxay ahayd danta ay koofiyad dhuubyadu ka lahaayeen hadamaynta dadkanagii u halgamaayey dantooda markii ka horreysayna danta Qowmiyadda Soomaaliyeed ee guud naf iyo maalba u huray?jawaabtu waxay tahay kolkii horeba daacadnimo laguma  hawl gelin.
Dadkii ahaa koofiyad dhuub waxay doonayeen waxaan danba u ahayn dadka Reer Ogaadeenya,ujeedada ugu weynina waxayba ahayd dal-boob siyaasadaysan in la hanto deegaanka barwaaqada ah lagana faa’iidaysto colaadda dhex taalo boqortooyadii dadkeeda baylihisay ee Haile Selassie iyo shacabka Reer Ogaadeenya ee labada goorba la dhagray ee noqday hilib haad u wadhan,taas waxaa daliil u ah kuwa noqday koofiyad dhuubta ayuunbay ahaayeen kuwii heesta ka soo lalinayey idaacaddii muqdisha,haddana unuun jarayey dadka deegaanka  iyagoon u aaba yeelin waayeel,haween,caruur iyo culumaba waxaa lagu deegaameeyey degmooyinka koofureed ee dhaca webi shabeele,  gaar ahaan inta u dhaxeysa Qallaafo illaa xuduudka Somaliya,weliba waxaa intaa dheeraa iyagoo boqortooyadu u qalabaysay una taba-bartay ciidamo si toos ah u gumaada dadka muwaadiniinta ah si ay u qaxaan,marka ay qaxaana u dhigta jidgooyooyin,dhibaatada ay koofiyad dhuubi geysan jirtay waxaa aad loogu xusuustaa gawracii iyo uus xabaalkii socotada,taasoo ugu danbeyntii dhalisay in dadkii asalka ahaa ay gabi ahaanba ka hayaamaan dheegga webiga iyaguna ay kaga soo guureen Soomaaliya;Shabeelana ay u noqotay dan la helay,gocoshooyinka aan dhamaadka lahayn waxaa ka mid ah lixdii nin ee hoggaanka u ahayd bulshadii la barakiciyey in iyagoo nool hadhka oo cad la daldalay raggaas waxaa ka mid ahaa DACAR MUXUMAD oo illaa iyo maanta aan xusuusta ka tirmin.kolkaa saw ma ahan BAN BALAAYO SHALAY UN MA AHAYN..koofiyad dhuubina iyadaa dhashay USCdii Mingistu u adeegsaday xasuuqii kalkii danbe 1991kii,sifaalahaa foosha xun baa shabeelle ugu meeray LABA-SEDLIHII boolida ku saanyaday illaa saakana ay u tahay halis aan la sahashan Karin.
Aasaaskii Jabhadahii
SSDF oo Soomaalida inteeda badan u taqaano KULMIS, jabhaddan waxay asaasantey markii uu dhicisoobay  afgembigi ay isku dayeen koox Saraakiil  ah oo ka mid  ahaa saraakiisha  ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed inay la wareegaan taladii dalka Soomaaliya,durbadiiba waxay saldhig ka dhigteen Ethiopia oo xilligaa uu ka talinayey Dergigii Mengistu oo jeclaa cid kasta oo cadaawad u qabto nidaamkii Soomaaliya iyo jabhaddii Soomaali Galbeed oo fara kulul ku hayey.
Heshiiska ay SSDF la gashay Ethiopia dan uma ahayn shacabka Reer Ogaadenya oo marxalad adag ku jiray,hase ahaate SSDF sidii la rabay wax uguma fulin,haddana SSDF ma ahayn jabhad toos ugu badheedha dhibaataynta shacabka Reer Ogaadeenya ,midda labaad SSDF ma ahayn dhul doon ama dhul boob,waxa keliya oo ku weynaa waxay ahaayeen in la rido nidaamkii siyaasadeed ee Soomaaliya xoog iyo xeeladba.
S N M
Siilaanyo
Siilaanyo
Si dadkii daaqsinta u yimid amase doog raaca ahaa u yeeshaan qayim siyaasadeed oo raali ka dhigaya nidaamkii dergiga ee Mengistu Haile Mariam una sheegay inay ka caawin karaan baabi’nta jabahaddii Soomaali Galbeed,haddii iyaga la hubeeyana ay adkaan doonto in jabhaddu ka soo talawdo xeryihii ay ku tababaran jireen Soomaliya gudaheeda ugu danbeyntana ay xidhi doonaan saldhigyadii jabhadda ee ku yiil Waqooyi Galbeed Soomaaliya. SNM oo ahaa dhaqdhaqaaq qabiilka Isaaqa ku midaysanaa meel uu joogaba;gacansaarka SNM la yeelatay Ethiopia wuxuu xambaarsanaa laba arrimood:  mid waa danta siyaasadeed ee markaa jirtay midina waa colaad gaamurtay ee ay u qabeen qabiilka Ogaadeen oo markaa dagaal adag kula jiray nidaamkii dergiga ahaa.
snmHaddaba si la isu waafajiyo labadaa arrimood ayaa lagu dhaqan galiyey isbahaysiggi xaaraanta ahaa ee SNM iyo DERGIGII Mengistu Haile Mariam.Inkastoo ay illaa 1978kii iyo ka horba dadka reer Ogaadeenya ee socotada ah ama baayac mushtarka ah waxyeelo baahsan lagu hayey haddana SNM waxay heshay rukhsaddii uu siiyey Mengistu Haile Mariam in ay ku gumaadaan dadka Reer Ogaadeenya.
Howlgalkii Koowaad
koodbuur
Ibraahim Koodbuur
Hawlgalkii Koowaad ee ugu horeeyey oo SNM ka fulisay gudaha Ogaadeenya waxaa fuliyey dhammaadkii sanadkii 1982kii, sarkaal ka mid ahaa asaasayaashi SNM laguna magacaabi jiray C/xakiim Sumuni iyo gacanyarayaashiisii kala ahaa Ibraahim Ismaaciil Koodbuur,Maxamed Xaashi Diiriye (lixle),iyo Maxamed Cali . Hawl-galkaasii waxaa jid gooyo lagu sameeyey gaadhi uu lahaa nin Reer Qabridaharre ahaa oo la odhan jiray Cabdullahi ugaas Guuleed, gaadhigaas oo u rarnaa tujaar reer Qabridaharre ah waxaa la socday xujay sagaal xaaji ka kooban oo kolkaa xajka ka soo noqday,SNM iyo dhagarqabe  Sumuni waxay dhegta dhiigga u dareen safarkiiyo dhan kana xishoon waayey xujayda waayeelka ah ee gurigii ilaahay ka soo noqday,hantidii iyo gaadhigiina waxay u geeyeen askartii Mengistu Haile Mariam oo iyaga dib u soo siisay. Waxaa intaa dheerayd in  loo diray Ergo 7 qof ah oo Reer Qorraxeey ah oo uu hoggaaminayey Cabdicasiis Maxamad Dhaqne iyagana gowrac baa loogu jiiday.
samale-iyo-muse-biixi
Muuse Biixi & M. Kaahin
Isku soo wada duub,  himiladii Mengistu uu u hubeeyey SNM oo loo qaatay in loo abuuray xasuuqa dadka reer Ogaadeniya, waxaana taas lagu garan karaa gumaadkii la fuliyey January 1991, ayna ka  fuliyeen xeryahii qaxootiga ee waqooyi Galbeed ee Jamhuuriyaddi Soomaaliya. Xerooyinkaas waxaa si toos usoo galay Jabhadii SNM, oo ay hoggaaminayeen saraakiil uu watay Gacan-kudhiigle Muuse Biixi Cabdi iyo Saaxiibadii oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Kaahin Axmed, C/laahi Askar Barqad, Axmed Mire Maxamed iyo Ibraahim C/laahi Xuseen (Dhegaweyne). Taariikhda la aruuriyey waxaa lagu xaqiijiyey ayna qoreen UNHCR, la taxliiliyey in kumanaan qofood in lagu waayey Xeryihii qaxootiga ay ku jireen shacab masaakiin ah oo aan waxba galabsan oo reer Ogaadeniya ah, Firxadka dadkaas qaarkoodna waxaa looga daba yimid howdka u dhaxeeya Hargeysa & Awaare, goobtaasna lagu xasuuqay, maantana ay lafahooda yaallaan.
Ibraahim Dhegaweyne
Ibraahim Dhegaweyne
Layntii SNM ay ku bilowday reer ogaadeenya 1982, ee dhagar qabe C/xakiim Sumuni iyo Ragiisa ay ka danbeeyeen, waxay soo gaartay illaa xilligii Ciid Daahir & C/majiid ee labaduba ka tirsanaa SMN.
Howlgalkii Labaad
gaariye iyo hadraawi
Gaariye iyo Hadraawi
Sidaanu horey u soo sheegnay dhagartii lagu hayey dadka Reer Ogaadeenya waxaa loo helay cadaw loo makaabsado oo casri ah kaasoo noqday nidaamkii Mengistu Haile Mariam,dhagar qabe Cabduqaadir Koosaar oo horgale u ahaa SNM oo ay wehliyaan HADRAAWI IYO GAARIYE waxaa loo xilsaaray dab ku shidiida beelaha Reer Ogaadeenya ee aan ku dhoweyn Waqooyi Galbeed,waxaa markiiba u holaday inuu kiciyo qabiilada hawiye iyo dir, kuna gubaabiyo laynta dadka ku abtirsada qabiilka Ogaadeenka si Mengistu Haile Mariam raali uga noqdo,waxaa uu xero ka ooday degmada,  BAARREEYee gobolka afdheer taasoo la odhan jirey xerada tababarka SNM waxaana lagu taba jiray qabiilada la direeyey oo Gaadsantu ugu madax roon tahay waxaana taliya ka ahaa  CABDI INGIRIIS,waxaa kaloo hawlaha wax ka ogaa Cabdi Warsame Isaaq oo dawladdii xamarna ku jiray iyo Aw-Cabdiraxmaan Mubaarak,tani waxay ka markhaati kaceysa in Reer Ogaadeenya si walba loo jebiyey?.
Koosaar
Koosaar
Dhagar-qabe Koosaar oo wada hagardaamadiisii wuxuu gaadhay Mustaxiil si uu u soo ogaado Hawiyuhuu hubeeyey halkay wax marinayaan una dhex dhexaadiyo laba garab oo hub iyo lacag isku hayey,isagoo isu haysta in Hawiye taabac u yihiin oo uu hubeeyey si ay u laayaan qabiilka Ogaadeenka,laakiin koosaar wuxuu dhaadi waayey in ay nimankani yihiin hadhaagii koofiyad dhuub oo  aanay halkaas isaga waxba uga oggoleyn,ismandhaafkii Hawiye iyo dhagar-qabe Koosaar ee ku jihaysnaa laynta ,barakicinta,dhaca iyo qaxinta Ogaadeen wuxuu ku aakhirsaday in dhagar-qabe Koosaar qoorta seef kaga jiro nin ay aad isu xigeen jeneral Galaal,Koosaar abalkiisii wuu helay laakiin dilkii iyo dhicii lagu hayey dadkii Ogaadeenya ma joogsanin ee maalinba waji cusub baa lagu hirgeliyaa haddaba si loo hirgeliyo hammigii KOOSAAR waxaa rubuc qarni ka dib habaaska laga jafay buuggii hagardaamada, ha yeeshee waxaa maanta la maagan yahay maaha qabiilkii Ogaadeen ee waxaa la isu urursaday hab wajiyo badanleey ah oo dagaal ka adag kii hore lagu qaadayo jiritaanka DDSI Iyo hoggaankeeda,haddii Koosaar iyo SNM ay soo saareen aragtidaas guracan,haddaba SNM waxay dhashay SOMALILAND iyaduna waxay guntiga lawga u geysay inay dib u abaabusho nidaamkii dhagarta tas-hiilaad badana u qoondayso cid waliba oo hagardaamo u geysan karta maamulka Suuban ee DDSI iyo Nabada ka hanaqaaday deegaanadaas.
Hadraawi
Hadraawi
Taariikhda iyada ayaa dib isu qoraysa, waxaana maqaalka kusoo gabagabaynayaa,  tuduc ka mid ah maanso uu tiriyey Hadraawi , waxaana maansadan usoo qaaday meeqaamka ragga  wata magaca Abwaan , halka ay kaga jireen Dira-diraha bulshada & dagaal-ooganimada. Sii akhri

No comments:

Post a Comment