Saado Cali Warsame (AHN) waxaan ahayn walaalo, asxaab. Waxan u lahaa aqoon dheer, markii iigu dambeeyey ee aan wada hadalno waxay ii sheegtay, “Muqdisho ayaan ku laabanayaa, waxaanse u baahanahay inaan helo cid sugta nabadgelyadayda. Waxa jira dad aan dhul isku haysanno. Mar aan gurigaygii oo dad kale deggan yihiin tegey hadda ka hor, waxaan weydiiyey dadkii guriga degganaa, inay I garanayaan iyo inkale, waxayna iigu jawaabeen haa waa ku naqaan oo waxaa tahay Saado Cali. Meesha weji xun ayaa nala tusay, waana iskaga tegey. Bal maxkamadda ayaan rabaa inaa kala quusto si ay dadkaa iiga saaraan hantidayda,”
Maansadan waxa Saado loo diley waxay daarran tahay waxyaabaha cad ee keenay in Saado la dilo, ha noqoto hantida laga haystay, heesaha waddaniga ah ee ay sida isdaba joogga ah u qaadaysay sannadihii u dambeeyey nolosheeda. Waxa kale oo taa dhinac yaal siday uga go’nayd soo noqoshada dawlad Soomaaliyeed oo midnimo.
Akhris wanaagsan Maansaduna waa dareenka aan ka qabo cidda ka dambaysa dilka Saado Cali Warsame (Xiddigtii Qaran ee Soomaaliya, Hooyo Qaran Soomaaliyeed), ilaahay jannadii fardowsa ha ka waraabiyo. Akhris wanaagsan.
Waxa Saado loo diley
Soomaalinnimadiyo
Sumaddaada baabi’i
Calankaa sifada wacan
Suuraddiisa xidhan tahay
Sumcaddiisa liidoo
Kaan sidanno sara yeel
Waxa Saado loo diley
Sawd xaqa u baaqiyo
Suugaanta heesaha
Runta siisan maynee
Su’aalaadka naga daa
Soomaali dhimataye
Rajadeed ha soo celin
Waxa Saado loo diley
Islaam saxa ayaan ahay
Sinjigay Wahaabiya
Seed igama soo galo
Sahal laysu gawraco
Soomaaliyeed daa
Waxa Saado loo diley
Soo noqdaye dadweynoow
Saldhiggaygu waa Xamar
Hoygaygii saakaba
Iiga saara Mooryaan
Waxa Saado loo diley
Soomaali waa qaran
Dhulka yaan la soo gelin
Badda yaan la siin cadow
Cirka yaan sedkeennii
Simbiilaadka lagu guran
Waxa Saado loo diley
Dadka Sool Sanaag dega
Silic iyo dhib yay mudan
Gardarradu xaqsoor maleh
Soomaaliya nin diidoow
Soone kale u diga rogo
Waxa Saado loo diley
Soomaaliya midnimadeed
Sadho yaanay noqonoo
Sirta cadowgu meel marin
Soomaaliya nin diidoow
Soone kale u diga rogo
Abwaan Maxamuud Axmed Cabdalla
Email:mabdalle@gmail.com
No comments:
Post a Comment