Tuesday, September 4, 2012
Adeer Osmaan muxuu ka yiri Xaglatoosiye?
Saleebaan Cisse Axmed Kaar (Xagle Toosiye) waxaa loo doortay bishii October ee Sanadkii 2009 Hogaanka Badbaadada iyo midaynta SSC shirkii qurba jooga SSC ay ku yeesheen magaalada Nairobi. Anigu shirkaas baan ka qayb galay aniga oo hogaaminaya wafdi ka socda ururka NSUM. Kulankas baa iigu horaysay barashada Xagle Toosiye. Waxaan xusuustaa in dadkii yiqiin ee ka yimid Maraykanka iyo SSC gudaheeda ay ka digeen in uusan ka soo baxayn xilkaas laakiin dheg looma jalaqsiin ee aqlabiyad 2 cod ah ba lagu doortay. Si kastaba ha ahaatee, shirku farxad iyo damaashaad buu ku dhamaaday marba hadii wax SSC ay leedaday ay abuurmeen.
Balantii Nairobi lala lahaa Saleebaan waxay ahayd in dhulkii aado, shaqadii loo xilsaaray uu guto, taas oo ahayd inuu dadka mideeyo, meelkasta oo SSC ah uu tago ka howl galo oo deegaanada la haysto uu xoreeyo. Intaa marka uu guto ayaa waxa balantu ahayd in la qabto shirwayne SSC oo laga tashado in ama maamul gaara SSC la sameeyo ama in Puntland lagu sii jiro. Saleebaan intaas baa looga fadhiyay laakiin waa kawada dheregsanahay waxa uu ku danbeeyay min taariikhdii loo magacaabay Hogaanka October 2009 iyo Shirkii Taleex ee December 2011. Waa run oo samcadii SSC bilowgii intii mudda ah cirka ayay isku shareertay. Laakiin samcad aan camal la socon waa xoor oo kale, xoorna waa kii dhaca oo aan ku haqabtirin. Warku isaga oo kooban wuxuu yahay, Saleebaan dadna ma midayn, halganna ma gelin, mana jabhadayn, dhulna ma xorayn. Shaqadiisii waxay isugu uruurtay in uu ku ekaado fadhi ku dirir gurigiisa Buuhoodle.
Fashilaada Hogaankii Saleebaan baa keentay in la abaabulo shirarkii Khatumo kow iyo laba ee ka dhacay London iyo Taleex ee dhaliyay in la sameeyo Khatumo State of Somalia oo loo sameeyay in uu qabto wixii Hogaankii Suleiman ka baaqsaday in uu qabto oo ahayd midaynta iyo Xoraynta SSC. Sharafta, gobanimada iyo wanaagu wuxuu ahaa in Saleebaan garab iyo gaashaan ba siiyo Khatumo isaga oo u danaynaaya danta iyo maslaxadda dadkiisa SSC ee uu gabay. Saleebaan sidaa ma yeelin ee markuu iska arki waayay madaxda Khaatumo ayaa wuxuu u guntaday in uu aarsado oo burburiyo sidii habar masayrtay. Waa yaabka yaabkiise, yaa islahaa waxaa la arki doonaa Saleebaan kii ahaa Hogaanka badbaadada, midaynta iyo xoraynta SSC oo horgale iyo horseed u noqda kala furfurka, kala fogaanshaha, iyo haysashada Somaliland qaybaha SSC!.
Dadku qaarba si bay u cabiraan sababaha ku kalifay Saleebaan in uu heshiis la galo Siilaanyo. Laga yaabee in aan qaldanahy, laakiin anigu Saleebaan inta aan ka arkay uma arko in uu yahay nin dhuuni qaata ah oo huguri iyo lacag jacayl geeyeen Hargeisa. Anigu sawirka aan ka qaatay Saleelbaan waa nin isla wayn, hanwayn, saqajaanka ka xishooda, madax adag laakiin garashadiisa la saluugo oo markaa caqlixumo jar ka tuuri karto. Anigu waxaan u arkaa sababta Saleebaan gaysay Hareisa in ay tahay aar gudasho uu ka aar gudanaayo Khaatumo oo coolaada uu gaadhsiiyay heer gobaleed iyo degaan. Faysal Cali waraabe ayaa laga hayaa “wiilka Amxaarka ah ee ku dhashaaAddis Ababawaa iga xigaa wiilka Somaaliyeed ee Xamar ku dhasha”. Sida muuqata, Saleeban reer Hargeisa ayuu ka xigsanayaa Dhublahantha aan ahayn reer Buuhoodle! U malayn maayo in ay jrto colaad gaara ah oo uu qabo shacabka reer Nugal ee wuxuu u aanaynayaa colaada uu u hayo shakhsiyaadka ka soo jeeda Nugal ee ka muuqda Khaatumo oo uu u arko in kursigiisii ay qaateen. Sow caqli xuma maah?
Heshiiska uu Saleebaan la gaadhay Siilaanyo waa laba arin: maxabiis la is waydaarsado iyo ciidamada SNM oo dib ugu noqda dhowr kiiloomiter dhinaca Qorulugud. Su’aashu waxay tahay: tani ma nabad dhab ah baa oo waaraysa misse waa mid dhalanteed ah? Haday dhalanteed tahay, waana tahay, sow beriba Siilaanyo dagaal soo oogi maayo, reer miyi maxabiis u qabsanmayo, oo iska daah Maygaagle iyo Sool Joogto oo ay dib ugu soo laabtaane ay socon doonaan ilaa iyo Buuhoodle wakhti reer Buuhoodle isdhigteen, nabad been been ah isa siiyeen, oo ciidamadoodiina kala dareereen oo reerahoodii ku noqdeen. Himilada hoose ee qarsoon ee nabada been beenta ah lagu dhaahaayo waa taa.
Himilada guud ee Siilaanyo waxay tahay burburka Khatumo oo Saleebaan iyo wixii uu wataa ay fuliyaan, kadibna uu SSC oo maamul la’aan, iyo madax la’aan ka jirin uu markaa qabsado SSC dhamaanteed, hoog iyo xeelad midkastaba ha noqotay. Hadii Siilaanyo ay ka dhab tahay nabad uu la gaadho Dhulbahante, waxaa uu ka bilaabi lahaa ciidamdiisa sanadaha Laascanood ku hayay tacadiga iyo xanuunka oo uu kala baxo iyo meel kasta oo kale oo SSC ah. Laakiin dhowr kiilomiter baan ciidamadiisa dib u guranayaa gudaha gobolka Cayn waa sheeko lagu maaweeliyo waxma garadka ee meel ka dhac bay ku tahay ummada SSC, meel kasta iyo gobol kasta haka tirsanaadeene.
Siilaanyo wuxuu Saleebaan ka helay is dhiib iyo Soomaaliland ka midnimadeeda oo lagu asturay gogol nabadeed iyo nabad been been oo intii sanad ah uu raadinaayay in uu Dhulbahante ula yeesho reer reer iyo magalo magaalo. Widhwidh baynu ogain, maantana waa Buuhoodle. Sida Meles uuSomaliau kala saarsaaray gobol gobol taladiiSomaliaku burburtay, ayaa Siilanyana rabaa in SSC u kala furfuro. Dabcan Dhulbahante lakala furfuray waa kii si sahlanSomalilandku noqda, beelihiisu u tartamaan Siilaanyo sida isaga iyo Faroole iyo kuwa maamulada kale ee Somaliyeed ugu tartamaan Meles. Guushaas inta badan waxaa u soo hooyay Xagle Toosiye iyo kuwa kale oo caam baxay magaca horgalayaasha. Waa halki geedkii yidhi ” gudin yahay imaadan goyseen hadaan badhkay kugu jirin “.
Waxaa tiiraanyo leh in wax ma garadku iyo danraaco ay Saleebaan ugu soo dhoweyeen soo noqodkiis Buuhoodle sidii halyay guul usoo hooyay halka uu guul daro soo hooyay. Maalin kale ayaa la garan in Saleebaan yahay cadow Dhulbahante, cadow midnimo iyo cadowSomalia. Allah mahd leh, Khatumo waa ka wayntahay wax hal qof iyo wax ka badani ay dumin karaa. Mudadii yareed ee ay jirtay, waa ka saayid calaysaySomalilandgudo iyo debed ba. Xoog baa intaa u sii kordhaaya. Midnimo la’aani waa guul la’aan. Gobol iyo beel inta kale ka maarmi kartaa ma jirto (Divided we perish, united we succeed). Waxa meesha ku khaatuma beelay waa Xagle Toosiye waana mid laga xumaado in halyagii aan ku dooranayNairobiuu saa ku danbeeyo
Osman Hassan
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment